Nuxurka iyo Natiijada Uu Ku Dhammaaday Kulan Guddi-hoosaadka Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilladu Xafiiskiisa Kula Qaateen Wasiirka Maalliyadu   

0
57

Hargeysa (Hubaal)- Guddi-hoosaadka Dhaqaalaha, Misaaniyadda iyo Ganacsiga ee Golaha Wakiillada, ayaa kulan la yeeshay maanta Wasiirka Maaliyadda Somaliland Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, kaasoo ka qabsoomay xafiiska wasiirka ee magaalada Hargeysa.

Sida lagu sheegay qoraal kooban oo lagu baahiyey bogga Golaha Wakiilladu ku leeyahay Internet-ka, kulanka dhexmaray Guddida Dhaqaalaha iyo Wasiirka Maaliyadda oo uu wehelinayey Agaasimaha Waaxda Miisaaniyadda ee wasaaraddaas, waxa lagaga hadlay dhawr qoddob oo la xidhiidha diyaarinta odoroska miisaaniyad-sannadeedka 2015 iyo arrimo khuseeya hawlaha shaqo ee wasaaradda iyo guddidu iska kaashan karaan.

 sawir-450x300

Qoraalka waxa lagu sheegay in waxyaabaha ugu mihiimsan ee Guddida Dhaqaalaha iyo Wasiirka Maaliyaddu ka wadahadleen ka mid yihiin;

• Is-barasho iyo wada-shaqeyn dhexmarta Wasaaradda Maaliyadda iyo Guddida Dhaqaalaha u qaabilsan Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland.

• Diyaarinta odoroska Miisaaniyadda 2015-ka iyo doorka loo baahan yahey inay Guddida Dhaqaalaha iyo guud ahaan Golaha Wakiilladu ka qaataan.

• Kormeerid ay Guddidu ku soo samayso ilaha dakhliyada ee gobollada dalka oo dhan iyo u-kuurgalidda xaaladda wax-soo-saar ee dalka.

• Doorka loo baahan yahey inay Guddidu ka qaadato ololaha loogu jiro cashuur-ururinta oo guddidu sidoo kale qeyb ka qaadato.

Xubnaha Guddida Dhaqaalaha ee kulanka la yeeshay Wasiirka Maaliyadda waxa ka mid ah; Guddoomiyaha Guddida Md. Cumar Axmed Saleeban (Sanweyne), Md. Siciid Maxmed Cilmi, Md. Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac), Md. Maxamuud Axmed Obsiiye iyo Md. Farxaan Maxamed Cali.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here