Nuxurka Khudbad Taariikhi AH Oo Uu Madaxweyne Siilaanyo Ku Gardaadiyey Rubuc-QARNIGII Ugu Horreeyey Ee Cimriga Somaliland

0
36

“Tan iyo intii aan hano-qaaday, kontonkii sannadood ee la soo dhaafay, waxaan haaneedka iyo hareerta hayey hawl ummaddaydu leedahay. Xaashee, habeen kuma seexan in aan ka horumariyo dantayda gaar ahaaneed maslaxada guud ee dalkayga iyo dadkayga……”

 “Dadka iyo dalka aan odayga u ahay idiin ma soo socdaan oo way tashadeene idinkuna tashada oo aynu kala turxaan la’aano” Madaxweyne SiilaanyoDSC_0251

Hargeysa:(Hubaal)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa u jeediyey shacabka reer Somaliland, taas oo ugu talo galay munaasibadda 25-guurada kasoo wareegtay tan iyo markii ay Somailand ku dhawaaqday inay Somalia inteeda kale ka go’day.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu khudbadiisa intiisa ugu badan kusoo qaatay farriin dheer oo uu diray Somalia, waxana uu si cad u sheegay in shacabka Somaliland talo ku gaadheen inay noqdaan qaran madax bannaan oo aan qayb ka ahayn Somalia inteeda kale.

Madaxweynuhu khudbadiisa waxa uu mid mid ugu dul istaagay guulo loma illaawaan ah oo Somaliland gaadhay muddadii ay xorriyadeeda dib u heshay, kuwaas oo ay ugu weyn tahay in meesha laga saaray nidaamkii keli-talisnimada ahaa, “Muddadaa shan iyo labaatanka sannadood ah ee aynu ahayn Dal iyo Dawlad xor ah, waxa hubaal ah in aynu gaadhnay guulo waaweyn oo ina ilawsiiyey xanaftii iyo xannuunkii inaga soo gaadhay 31 sanno ee aynu ka midka ahayn Dal-weynihii Soomaaliya. Waxaynu yagleelnay qaran taabo-gal ah, oo buuxiyey dhammaan shuruudihii dawladnimo.  Waxaynu tirtirnay keli-talisnimadii iyo nidaamkii ku dhisnaa amar ku taagleynta.

 Waxaynu meel-marinay doorashooyin xor ah iyo nidaam dimuqraadiyadeed oo ay inagaga dayan karaan dalal badan oo dunida laga aqoonsan yahay, Waxaynu xaqiijinay in aynu khilaafka dhexdeena ku xalinno xigmad siyaasadeed iyo xeer-beegtinimo salka ku haysa dhaqankeena soo-jireenka ah, iyadoo aanay cidina gacan ka geysan ama la ina dhexgelin, taas oo muujinaysa bisaylka Bulshada Somaliland, Waxaynu ku tallaabsanay horumar mug iyo miisaan leh oo wax-weyn ka bedelay adeegyada aasaasiga ah ee bulshada, kaabayaasha dhaqaale iyo hantida gaarka loo leeyahay.” Ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo.

Sidoo kale waxa uu madaxweyne Siilaanyo isagoo magac dhebaya u mahadnaqay madaxdii kala duwanayd ee dalka soo hoggaamisay, isagoo u duceeyey kuwoodii geeriyooday, waxana uu yidhi, “Waxaan u mahadnaqayaa inta nool madaxdii iiga horeysay hoggaaminta talada dalka Mudane, Daahir Riyaale Kaahin, Mudane, Xasan Ciise Jaamac, Mudane, Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo Mudane, Axmed Yuusuf Yaasiin. Sidoo kale, waxaan u ducaynayaa intii dhimatay Marxuun Cabdiraxmaan Axmed Cali iyo Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, Eebe Ha U-naxariisto.”

Mudane Siilaanyo khudbadiisa munaasibadda 18-ka May waxa uu  kaga hadlay mashruuca dhawaan lagu soo saxeexay dalka Imaaraadka Carabta ee lagu maalgelinayo dekedda Berbera, waxana uu sheegay in tan iyo intii uu hano qaaday ay ka go’nayd inuu dalkiisa horumaiyo, “Waxaan aaminsanahay oo aqoon ahaan la igu soo ababshay in uu yahay hoggaamiyaha wanaagsani ka lagu hirto ee leh hal abuur iyo himilo fog oo uu dalkiisa Hooyo ku horumariyo. Tan iyo intii aan hano-qaaday, kontonkii sannadood ee la soo dhaafay, waxaan haaneedka iyo hareerta hayey hawl ummaddaydu leedahay. Xaashee, habeen kuma seexan in aan ka horumariyo dantayda gaar ahaaneed maslaxada guud ee dalkayga iyo dadkayga.Dabcigaa iyo dareenkaasi waxay igu kelifeen in aan hadh-galay ka hor imaaddo Dawladdii Milateriga ahayd ee aan ka midka ahaa, ka dib markii aan yaqiinsaday in la marin habaabiyey Hoggaankii iyo Hayaankii Bulshada Soomaaliyeed. Ka midho-dhalinta mabda’an aan ku doojinayey mustaqbalka dadkayga waxaan u soo maray dagaal qadhaadh iyo duruufo adag, waxaanan diyaar u ahay in aan u dulqaato tan iyo inta aan ku god-gelayo” ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo. Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu yidhi,

“ Aniga oo ah Wasiir ka tirsan Dawladdii Maxamed Siyaad Barre, ayaan ku dagaalamay fulinta iyo meel-marinta balaadhinta Dekedda Berbera lagu sameeyey 35-sanno ka hor iyo mashruucii Warshada Sibidhka.Haddaba, maanta oo aan Somaliland Madaxweyne ka ahay, Dekedda Berberina dib-u-dhis uga baahi badan tahay maalintaa hore, waxaa isweydiin leh waa maxay waajibka igala gudboon casriyeynta iyo balaadhinta Dekedda Berbera? maxaase la filayaa in lagu xasuusto xukuumadayda? waxaan leeyahay Nin Ragi Wuu Garanaya Nacasna loo Sheegi Maayo. Sidaa darteed, Dib-u-dhiska Dekedda Berbera waxay u ahayd bar-tilmaameed barnaamijka Wax-qabadka Xukuumaddayda. Baryo joogta ah oo aad asaagaa gacmaha hoos dhigato maalin kasta, laguma baahi baxo, burjina laguma yeesho, balse waxay ummad gob ahi horumar ku gaadhaa dedaal, isku-duubni, is-aamin iyo isku tashi. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Biyo Sacabadaada ayuun baa lagaga dhargaa”. Ma aaminsani in maanta dalkeena aynu ku dhisi karno deeq iyo deyn aynu ka sugno dalal shisheeye. Hase yeeshee, markaan eego waaya-aragnimada iyo aqoonta aan u leeyahay hab-dhaqanka dunida iyo cilmiga dhaqaalaha ee aan ku takhakhusay, waxaan aaminsanahay in maanta dariiqa ugu habboon ee aynu ku dhisi karno dalkeena hooyo uu yahay in aynu la nimaadno Siyaasad Ganacsi furfuran oo xor ah oo aynu ku soo jiidanno maalgashi caalami ah oo ku dhisan dano wadaag.”

Madaxweynuhu isagoo si gaar ah uga hadlayan heshiiska ay xukuumaddiisu la gashay shirkadda DPWorld, ayaa waxa uu caddeeyey in heshiiskaas la horgeyn doona golaha wakiillada si uu taabogal u noqdo, waxana uu caddeeyey in hirgelinta heshiiskaasi Somaliland ka dhigi doonto buqcad caalamku kusoo hirto, “Muddo aan ka yarayn 3-sanno ayaa sahan iyo baadi doon loogu jiray sidii loo heli lahaa maalgelin munaasib ah oo ka turjumaysa maslaxaddeena. Nasiib wanaag, waxaan dhawaan la galnay heshiis maalgashi iyo iskaashi ganacsi shirkadda DP WORLD ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabka.

Heshiiskan waxaannu dhakhso u horgeyn doonnaa Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, si uu u noqdo mid dhaqan-gal ah. Shirkaddani waxay sida ugu dhakhsaha badan u dhisi doontaa Deked cusub oo casriya oo 400 oo mitir ah iyo Container Terminal. Sidoo kale, waxa dib u hagaajin iyo qalabayn lagu samayn doonaa dekeddeena jirta oo u baahan dayactir badan. Intaa waxa dheer (Free Zone) samaynta saylad ganacsi oo xor ah iyo dhismaha jidka isku xidha Berbera-Wajaale oo hal-bawle u ah mashruucan. Heshiiskani wuxuu wax weyn ka bedeli doonaa nolosha iyo dhaqaalaha Bulshada Somaliland, waxa kale oo uu dhiiri-gelin u noqon doonaa mashaariic kale oo muhiim ah iyo shirkado caalami ah oo dalka maalgashi ku sameeya. Dhinaca kale, maalgashigani wuxuu fursado shaqo u abuurayaa xoogga dhallinyarada dihin ee shaqo la’aantu hayso. Wuxuu kor u qaadaya xidhiidhka iskaashiga ganacsi ee aynu la leenahay dalalka deriska.  Waxaan ku bogaadinaya bulshada Somaliland sidii ay u soo dhaweeyeen Heshiiskan dhaxal-galka ah. Waxa hubaal ah in Dekedda Berbera ay noqon doonto Eebe idamkii maalin aan fogeyn marin caalami ah oo la majeerto iyo mid ka mid ah marsooyinka ugu waaweyn dunida, gaar ahaan kuwa Bariga Afrika.” Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Madaxweynuhu waxa uu ka hadlay tabashooyin aan wali xal loo helin oo ka jira deegaannada darafyada Somaliland, waxana sheegay in xukuumaddiisu diyaar u tahay wax ka qabashada tabashooyinkaas, waxana uu yidhi, “Waxaan xog-ogaal ka ahay in qaar ka mid ah madax-dhaqameedyada iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolka Sool iyo Sanaag Bari ay ku jirto tabasho iyo saluug. Somaliland waxay ku soo caano-maashay in khilaafka dhexdooda yimaadda ay ku dhamaystaan wada-hadal, is-qancin iyo isu-tanaasul. Waxaan aaminsanahay in wada-hadalku yahay dariiqa keliya ee lagu xalin karo turxaanta dhexdeenna taal.  Sidaa darteed, waxaan ugu baaqayaa walaalahayo wada-hadal iyo gogol nabadeed. Shacbi-weynaha Somaliland waxaan ugu baaqayaa In ay meel uga soo wada-jeestaan ilaalinta qarannimadooda, adkaynta nabadda iyo horumarka Somaliland” ayuu yidhi yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Dhinaca kalena waxa uu madaxweyne Siilaanyo farriin kulul oo cilmiyeysan u diray maamulka Muqdisho, waxana uu sheegay in lagu hungoobay midnimadii ay Somaliland hormoodka ka ahayd ee lala galay Somalia,  “Midowgii dhexmaray labadii dal ee Somalia iyo Somaliland  1960-kii waxa uu burburay 18-kii may 1991-kii, lamana mahadin midnimadii Soomaaliyeed ee muddada dheer la naawilayey, nasiibdarro waxa laga dhaxlay oo kali ah nacayb  iyo xaxli la dhexdhigay umaddii Soomaaliyeed ee hilowga iyo kalgacalka isu qabtay, dhinaca kalena sawirkaaas xumi waxa uu u quus gooyey, qaybihii kale ee quud-darraynayey inay mustaqbalka kusoo biiraan qaran weyn oo Somaliyi u dhan tahay.” Ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo.

Madaxweynuhu waxa uu intaas ku daray in kala gurashada Somaliland eek a dhanka ah Somalia tahay mid xaq ah, waxana uu ammaanay dadyoga Soomaalida ah ee  ku dhaqan Djibouti, Kenya iyo Ethiopia, waxana uu yidhi, “Hadii Soomaaliyi wada noolaan kari weyday waxa caqliga fayoobi ina farayaa inaynu iskeen ukala noolaanno, haddii aynu wax wada wadaagi kari weynona waxa furan in wax la kala yeesho, sidaas darteeda waxan aaminsanahay inay talo wanaagsan oo sax ah ay qaateen walaalaheena Soomaaliyeed eek u kala nool Djibouti, Ethiopia iyo Kenya, waxana aan jeclahay inaan hambalyeeyo horumarka weyn ee ay ku tallaabsadeen.”

Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa isagoo hadalkiisa sii wata uu intaas ku daray,

“waxan  ahay oday guud oo Soomaaliyeed oo waayo-arag ah, umana arko inay tahay Soomaanimadu siyaasad iyo talo la wadaago, laakiin Somalinimadu waa sinji ka dhexeeya umad ballaadhan oo aan dal iyo sawlad qudha wada lahayn, beelweynta Soomaaliyeed ee aynu kamidka nahayna waxa mideeya afka iyo isirka oo kali ah.”

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu si cad u sheegay in shacabka Reer Somaliland ay bogsadeen qiiradii Soomaalinimada ee hore u hayn jirtey, waxana uu Somalia ku eedeeyey inay jareen xidiidka halbawlaha ahaa ee labada dhinac isu soo jidi jirey,

“Duco-qabayaal marka ay dhegahayaga ay kusoo dhacda dhawaaqa SOOMAALIYEEY TOOSOO ISKU TIIRSADA, jibbadii na qaadi jirtey iyo jidhkii na dubaaxin jirey xidiidhka dareemayaasha xambaarji jirey waydinkii jaray jirridiisii, waxana aan idin leeyahay Soomaaliyeeyey gobonimadii la gardaadiyey iyo gaawihii la culay geelii deyrdhalka ahaa ee la isku sigtay idinkaa gudhiyey oo gacalkayoow gacantiina ku baabi’yey.”

“Walaalayaal waxanu nahay gob samirka iyo in la is ixtiraamo taqaanno, mana nihin dad cadho hayso, mana nihin dad calool xun oo ciilkama korayaal ah, laakiin waxa haboon  inaad garwaaqsataan xaqiiqda hortiina taalla oo aad kala garataan shalay iyo maanta inay kala duwan yihiin dadka reer Somaliland.” Ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo.

Mudane Siilaanyo waxa uu cadeeyey inay shacabka  reer Somaliland go’aansadeen inay noqdaan dal gaar ah oo ka go’a Somalia inteeda kale, waxana uu Somalia usoo jeediyey inay talo gaar u ah  mustaqbalkooda yeeshaan, waxana uu yidhi,

“Dadka iyo dalka aan odayga u ahay idiin ma soo socdaan oo way tashadeene idinkuna tashada oo aynu kala turxaan la’aano,  haddii aanu ahayn shalay kuwii midnimadii doortay ee isku darkii labada dal ka dambayeeyey, maantana waxanu doorbidnay inaanu noqon dal gaar ah, waxanu sidoo kale dan moodnay inaynu kala noqono laba dal sidii aynu horeba u ahayn 56-sano ka hor.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here