Nuxurka kulammo rejo laga muujiyey oo Wefti Somaliland ka socda iyo Shirkadaha Dekedaha ee Imaaraadka Carabta Dubai uga furmay

0
24

Dubai,-(Hubaal)- Wefti ka socda Somaliland oo safar la xidhiidha wadahadal la filayo in lagu saxeexi doono wareejinta Maamulka Dekedda Berbera ee dalka Somaliland, ayaa kulammo arrintaas ku saabsan magaalada Dubai ee waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Masuuliyiin ka kala tirsan Shirkadda DP World iyo Dekedda P&O ee Dubai, waxaanay soo kormeereen Dekedda Jamaal Cali oo ah Dekedda Sagaalaad ee dunida ugu weyn oo ku taalla Dubai.

wefigaWeftigan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Madaxtooyada Somalilnad Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxaan ku weheliya, Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga caalamiga ah Dr. Muuse Qaasim Yuusuf, Wasiirka Hawlaha guud, guryeynta iyo gaadiidka Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Xoor-xoor).

Masuuliyiin ka socotay Shirkadda DP world iyo P&O, ayaa Weftiga Somaliland markii ay ka soo baxeen ka muujiyeen rejo-wanaag, iyagoo xusay in si fiican oo aad ah ay Shirkadahani u danaynayaan horumarinta iyo maalgelinta Dekedda Berbera oo ay xuseen inay ka go’an tahay inay Dekedaha dunida horumaray gaadhsiiyaan.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Weftigana hoggaaminaya Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay inay rejo fiican ka qabaan natiijada ay ku dhammaan doonaan wadahadallada u bilaabmay Somaliland iyo Shirkadaha danaynaya Maalgashiga iyo maamulka Dekedda Berbera ee laga leeyahay waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, isagoo xusay inay labada dhinac mid weliba baahiyahha iyo habka uu rabo in Dekedda Berbera wax looga qabto ku soo bandhigay kulammadaas.

“Waxaannu hadda ka soo baxnay kulanka aannu kula kulannay Madaxda PNO iyo DP World oo markaa ah qolada maamusha Dekeddan Jamaal Cali ee Imaaraadka u qaabbilsan Dekedaha, aad iyo aad buu kulanku u ahaa midho-dhal. Wadahadalki si fiican buu u bilaabmay, Insha ALLAAH waxaan rejaynayaa inuu abuuri doono guul. Waxaa laga wadahadlay dabcan iyaguna dacalkooda waxay wateen baahiyahoodii iyo dalabkoodii, annana waxaannu wadannay baahiyahaga iyo dalabkayagii oo aannu is-weydaarsanaynay.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Xirsi.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo sii watay hadalkiisa waxa uu intaas ku ladhay oo yidhi; “Dekedda Berbera oo ah Hantidii ugu qaalisanayd inaannu si sahaale ah ku dhiibno oo si sahaale ah cid kale gacanta ugu galo diyaar uma nihin, waxaannu doonaynaa sida Dekeddan aad arkayso in la horumariyo ayay u baahan tahay Dekeddu oo haddii ay meel uun taagnaato waa la dhaafayaa.”

Mar uu Wasiirka Madaxtooyadu ka hadlayey filashada wadahadalkan iyo qaabka ay ka yeeli doonaan wareejinta Dekedda, waxa uu yidhi; “Si wanaagsan buu u furmay wadahadalku, waa bilaw fiican, waxaanan rejaynayaa Insha Allaahu tacaalaa haddii ay inna qanciyaan inaannu u soo bandhigno…. Manaha aha wax qarsoomaya oo aannu jeebka ku ridanayno ee waa wax bulshada oo dhan loo soo bandhigi doono.”

Shirkan Khamiistii dorraad dhex-maray Weftiga Somaliland iyo P&O, ayaa ku soo dhammaaday Macluumaad is-dhaafsi dhinac waliba uu kula noqonayo Masuuliyiintooda Sarsare, sida uu sheegay Weriyaha Warkan Horn Cable TV uga soo tebinayey magaalada Dubai oo ahaa Cali-Seenyo.

source:himilo

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here