Nuxurka Kulan Burco Ka Dhacay Oo Uu Ex. Wasiir Xirsi Kusoo Bandhigay Mansab Uu Saxeexyo U Haysto Oo Uu WADDANI Ka Qaban Doono

0
23

 Waxa uu Waraabe-u-taag Ku Tilmaamay Guddoomiyenimada Mudddaysan Ee Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde, waxana uu shaaciyey inuu isagu yahay Ninka xilkaas sida ramsiga ah loogu wareejin doono, Isaga oo Suldaanka Guud Ee Beeshiisan Markhaati Ka Dhigtay

Ganacsato Heerka Hoose ah, Kana Soo Horjeedda Bariga Burco Oo Kulanka Goob-joog ka ahayd Oo Su’aalo uu Jawaabo u Waayey Ku Qarqisay Xirsi Iyo Ballamo Dambe Oo Uu Codsaday

Xirsi Cali Xaaji Xasan, wasiirkii hore ee madaxtooyada JSL

Hargeysa:(Hubaal)-Wasiirkii hore ee madaxtooyada Somaliland, haatanna katirsan saraakiisha saree e xisbiga WADDANI, ayaa kulan qarsoodi ah oo uu magaalada Burco kula yeeshay dhallinyaro kasoo jeedda beeshiisa ugu sharraxay mansab aan la shaacin oo uu xisbiga uu katirsan yahay ka qaban doono iyo weliba ballanqaadyo hoose oo ay isla ogyihiin guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro.

Ex. Wasiir Xirsi oo dhawaan kulamo qarsoodi ah xubno dhallinyaro iyo ganacsato heer hoose ah kula qaatay Huteelada City Plaza iyo weliba Deero, ayaa xubnaha uu la kulmay ka codsaday inay taageeraan xisbiga uu ku biiray ee WADDANI, waxana uu ku beer-laxawsaday ballamo bulshada laga qariyey oo loogu qoondeeyey guddoomiyenimada xisbiga WADDANI.

Sida ay sheegayaan xogo kulamadaas ku saabsan oo uu helay wargeyska Hubaal, waxa uu Xirsi Cali Xaaji Xasan kooxihii uu la kulmay u sheegay inuu guddoomiye Cirro si gaar ah ugu ballan qaaday guddoomiyenimada xisbiga WADDANI, kadib guul ama guuldarro uu xisbigu ka gaadho doorashooyinka madaxtinimada ee soo socda, waxana uu si cad u sheegay in ballamaha xildhibaan Cabdiqaadir Jirde loo sameeyey ee guddoomiyenimada xisbiga la xidhiidhaa yihiin kuwo aan waxba ka jirin oo siyaasad iyo ujeeddo gaar ah laga leeyahay.

Xogaha aanu kulamadaas ka helnay, ayaa sidoo kale intaas ku daray inuu Xirsi kooxaha uu fadhiga la qaatay u sheegay in ballanta uu guddoomiye Cirro ka haysto uu marag ka yahay suldaanka guud ee Beelaha bariga Burco Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali Muuse, waxana uu food-saaro ka dhigtay inuu maraggaasi yahay mid lagu duuli karo oo sabab xisbiga WADDANI lagu taageero laga dhigan karo.

Ex. Wasiir Xirsi waxa uu kooxda uu la kulmay u sheegay inuu qoraallo caddayn u ah mansabka guddoomiyenimo ee loo ballanqaaday uu haysto, isla-markaana markasta oo loo baahdo uu bannaanka soo dhigi doono, taas oo la yaab ku noqotay, isla-markaana shaki ku ridday kooxdii uu kulamada la qaatay.

Dhallinyarada iyo Ganacsatada heerkoodu hooseeyey ee kulamadaas ka qaybgashay oo su’aalo badan kala hortagtay Ex. Wasiir Xirsi, ayaa aakhirkii diiday inay ballanqaad cad siiyeen, waxana ay codsadeen inuu horkeeno Suldaanka guud iyo weliba guddoomiyaha WADDANI ee uu sheeganayo inuu ballan-qaad qarsoodi ah siiyey.

Xirsi, ayaa sida naloo xaqiijiyey codsigaas aqbalay, balse wax muddo ah ma uu siinin kooxdii uu kulanka la qaatay, waxase uu xusay inuu diyaar la yahay kulamada cidkasta oo ay codsadaan iyo weliba caddaynta ballamaha hoose ee ay guddoomiye Cirro iyo isagu isla ogyihiin.

Kulamadaasi oo sida naloo xaqiijiyey ilaa laba ahaa, ayaa aakhikrii kusoo dhammaaday iyada oo aanu Ex. Wasiir Xirsi ka gaadhin natiijadii uu ka lahaa, waxana dhinacyadu ku kala tageen in kulamo dambe oo aan la muddayn la iskugu soo noqon doono.

Shakiga iyo mad-madowga uu Ex. Wasiir Xirsi geliyey heshiiska marka horeba aan cagaha adag ku taagnayn ee guddoomiyenimada loogu cumaamadayo xidlhibaan Cabdiqaadir Jirde, ayaa keeni kara inay yaraato kalsoonida dad badani ku qabaan ballamaha guddoomiye Cirro, iyada oo weli sii qoyan tahay burburkii uu xisbiga WADDANI ku keenay shirweynihii dhawaan xisbigaasi ku doortay murrashixiintiisa madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here