Hargeysa (Hubaal) Wasiirka wasaarada arrimaha dibada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa hor tagay gudiyada joogta ah ee labada aqal ee wakiilada iyo guurtida ee arrimaha dibada.
Dr. Sacad Cali Shire isaga oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Ujeedada aan ugu imid labada gudi ee arrimaha dibada waa inaan uga waramo wasaarada iyo hawlaheedaba, wada shaqeyn wanaagsanbaana naga dhaxeysa labada gudiba, mana,haa markii ugu horeysay ee aanu isku nimid”
Dr. Sacad waxaa uu xusay in uu dadaal badan ka galay citiraaf raadinta Somaliland intii uu xilka hayay waxaanu yidhi “Wasaaraduna ilaa toban waaxyood ayay ka kooban tahay iyo shaqaalaha ka shaqeeyana ay dhan yihiin ilaa 82 , saddex iyo afartan ay dad khuburo ah yihiin, oo jaamacado ka soo baxay, wasaaradu ilaa 16 wadan ayay wakiilo ku leedahay, waxaan gudida uga warbixiyay wax-yaabihii ii qabsoomay mudadii 12-ka bilood aheyd ee aan xilka hayay, qayb libaax lehna aan ka qaatay Citiraaf raadinta Somaliland ilaa 13 wadana waan soo maray”