Hargeysa:(Hubaal)-Guddida Beelweynta Gaashaan-buur Axmed Faarax(habarjeclo), ayaa Habeen hore Kulan gaar ah la qaadatay madaxweyne Siilaanyo, waxana ay hordhigeen Qoddobo dhawr ah oo ay madaxweynaha ugu muujiyeen inay ku garab taagan yihiin sida uu uga taxadaray dabinnada iyo qardoofooyinka siyaasadeed ee Wasiirkii hore ee Madaxtooyada iyo Xubnaha uu hoggaaminayaa Xukuumadda iyo Dalkaba ku hayaan. Kulankan oo ka dhacay xarunta Qasriga Madaxtooyada, ayaa ay Guddidu madaxweyne Siilaanyo si buuxda ugaga xaal siiyeen dhibaato kasta oo madaxweynaha kasoo gaadhay go’aankii qaldanaa ee Ex Wasiir Xirsi xukuumadda ku jallaafeeyey, waxana ay sidoo kale taageero mug leh ugu muujiyeen Isbeddelada uu dhawaan xukuumaddiisa ku sameeyey. Guddidan oo ay xubno ka ahaayeen Suldaanka Guud ee Beelaha Axmed Faarax Suldaan Guuleed Maxamuud Mire iyo Maayarka Magaalada Burco Maxamed Muraad, iyo Guddoomiyaha Guddida Gaashaan-buur Axmed Faarax, Sheekh Aadan Cabdi Ismaaciil, ayaa madaxweynaha ka laab-xaadhay saamayn kasta oo uu wasiirkii hore ee madaxtooyadu ku yeeshay Habsami-u-socodkii Arrimaha Xukuumadda, iyagoo sidoo kale madaxweynaha u muujiyey inay kasoo horjeedaan Ficillada iyo dhaqdhaqaaqyada uu Xirsi xilligan ka wado Magaalada Burco. Guddidani sidoo kale waxa ay Madaxweynaha gacanta ka geliyeen Dokument ay ku saxeexan yihiin Guddida Beesha Axmed Faarax, kaas oo ay madaxweynaha kaga xaal siiyeen Dhammaanba wixii dhibaato xukuumadda kaga yimi ficilladii uu Wasiir Xirsi Hormuudka ka ahaa. Waxa kale oo ay Madaxweynaha hortiisa ka caddeeyeen inay si buuxda u taageersan yihiin Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Mudane Cali-marreexaan, iyadoo sidoo madaxweynaha hor dhigay tiro baahiyo ah oo ka taagan deegaanada Beeshu degto. Waxyaabaha kale ee Guddidani Madaxweynaha hortiisa ka muujiyeen ayaa waxa kamid ahaa inay si buuxda u taageersan yihiin dhammaanba Go’aamadii kasoo baxay Shirweynihii Xisbiga Kulmiye ee dhawaan qabsoomay ee lagu doortay Musharrax Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Saylici. Waxa ay Guddidani soo daba-marteeyeen Ex. Wasiir Xirsi oo haatan ku sugan Magaalada Burco oo Guddidani kasoo amba baxeen, waxana ay tallaabadaas madaxweynaha uga dhigeen Farriin ay ku sheegayaan inay kasoo horjeedaan Ficil kasta oo Xirsi ku wiiqayo Sumcadda Madaxweynaha.
Guriga WARAR UGU XIISAHA BADAN Nuxurka Kulan Guddida Beesha Axmed Faarax (Habar-Jeclo) Madaxweyne Siilaanyo Kaga Xaal Siisay...