Dhinaca Xukuumadda iyo Xisbigeeda Waxaa Kulanka Uga Qaybgalay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland
Qoddobo La Weriyey In Saddexda Xisbi Is afgarad ka gaadheen+Tibaaxo Hordhac ah oo laga soo xigtay ka qaybgalayaasha kulanka oo Farta Ku Fiiqay Kulan Axad Loo Ballamay
Hargeysa(Hubaal):-Xisbiyada mucaaridka ah ee somaliland, xukuumada iyo xisbigeeda Kulmiye ayaa shalay iskugu yimid kulan kale oo ay kaga wada hadlayeen sidii loo qaban lahaa doorashooyinka goleyaasha deegaanada dalka iyo golaha wakiilada.
Kulankan oo ka qabsoomay Hargeysa ayaa waxa dhinaca xisbiga kulmiye iyo xukuumada hogaaminayey madaxweyne ku xigeen Cabdiraxmaan Saylici, halka xisbiga mucaaridka ah ee Waddani uu hogaaminayey xoghayaha guud ee xisbigaasi Khadar Xuseen Cabdi halka Ucidna uu hogaaminayey gudoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbigaasi Cabdinaasir Buuni.
Masuuliyiinta wadda hadalkan uga qayb galay xukuumada iyo xisbiga Kulmiye iyo xisbiyada mucaaridka ah ayaa ka gaabsaday inay warbaahinta faah faahin ka siiyaan kulamada ay yeesheen
iyo natiijada ka soo baxday, balse warar laga helay ayaa sheegaya in la gaadhay is afgarad lagu sii anba qaadi karo wada hadalka.
Wararka ayaa xaqiijiyey in labada dhinac ay isku afgarteen qodobo fudaydinaya in wada hadalku socdo, iyada oo ay isla gaadheen qodobo ay ka mid yihiin in kulanka kan xiga layskugu yimaado maalinta Axada ah, in gudoomiyeyaasha sadexda xisbi ay ka soo qayb galaan kulanka dambe iyo in bisha January 20-keeda sanadka 2019 la soo afjaro wada hadalka labada dhinac.