NUXURKA KULAN QARSOODIYA OO GURIGA WASIIR XIRSI KU DHEX MARAY QAAR KA MIDA MADAX-DHAQAMEEDKA HAWIYE IYO WASIIRADA KHUSUUSIGA EE XUKUMADA SIILANYO

0
29

Hargeisa-(Hubaal)-Madax-dhaqameedka Beelaha Hawiye oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa Magaaladda Hargeysa ayaa xalay kulan la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan.

news

Kulan oo ka qabsoomay Guriga Wasiirka Madaxtooyada Somaliland ayaa waxa ku wehelinayay Wasiirka Wasaaradda Duulista Maxamuud Xaashi Cabdi iyo wiilka uu madaxweynuhu sodoga u yahay ee Baashe Cawil. Labada dhinac ayaa isla soo qaaday xidhiidh dhex mara bulshooyinka labada wadan ee Somaliland iyo Somalia oo ay u socdaan wada hadalo ay kaga tashanayaan aayahooda dambe. Madax-dhaqameedka Beelaha Hawiye oo socdaalkoodu shaki badan abuuray ayaa u sheegay dhinaca Somaliland ku metalayay wada hadaladan in u socdaan sidii la isula meel dhigi lahaa in ay labada bulsho ee Somaliland iyo Somalia uu dhex maro xidhiidh.

Waxa ay codsadeen in dhinacyada ciyaaraha, fanka iyo waliba madax dhaqameedyadu ay isu talaabi karaan isla markaana aan wax culays ah la saarin labada bulsho.

Labada dhinac ayaa si weyn isula qaatay qodobo ay ka mid yihiin in ciyaaryahanada, suugaan dhaadhiga iyo waliba madax dhaqameedku ay isu talaabi karaan, todobaadyada soo socdana ay si toos ah u hirgasho.

Ilo wareedyo u dhuun daloola kulanka labada dhinac ayaa ku dhamaaday jawi isfaham, waxaana aad la isu waydiinayaa sababta Wasiirada Madaxtooyada, duulista iyo wiilka uu madaxweynuhu sodaga u yahay u gaar yeelay kulankan, iyada oo aan goobta joogin madax dhaqameedyadii reer Somaliland.

Sidoo kale waxa aan kulanka labada dhinac xalay ku dhex maray Hoyga Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada iyaguna aan lagu arag madax dhaqameedkii Beelaha Kale ee la socday Madaxdhaqameedka Beesha Hawiye

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here