Gudaha Ka Akhri Magacyada Salaadiinta Kulanka Soo Abaabushay Iyo Waxyaabaha hoggaamiyayaasha xisbiyada lagala hadlay
“Markii salaadiintu shir dhawr cisho u socday ay iskugu timi waxa u muuqatay in majaraha ay xisbiyada siyaasaddu kaambaynkooda ku wadaan iyo sida ay u olalaynayaan uu ka leexday waddadii Somaliland dhaqanka u ahayd iyo hannaankii suubanaa ee doorashooyinka aynu ku galaynay…..”Boqor Buur-madow
Hargeysa:(Hubaal)-Hoggaamiye-yaasha xisbiyada KULMIYE, Md. Muuse Biixi Cabdi iyo WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(cirro) iyo weliba UCID oo ay metelayeen saraakiisha ugu sarraysa, ayaa maalintii shalay la isku soo hor fadhiisiyey kulan ujeeddadiisu ahayd sidii hoos loogu dhigi lahaa hadallo dhiifaysnaa oo maalmihii ugu dambaysay madaxda axsaabta warbaahinta isu marinayeen oo shacabka shaki ku abuuray.
Kulankan oo ay soo abaabuleen salaadiin iyo madax-dhaqameed dalka miisaan ku leh, ayaa ugu horrayn lagu ibo furay Qado lagu qabtay Hutel Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxana intaas kadib salaadiinta iyo hoggaamiyayaasha axsaabtu isu raaceen dhinaca guriga uu magaalada Hargeysa ku leeyahay Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan, waxana halkaas lagu lafo-guray sidii loo dejin lahaa xaraaradda siyaasiga ah oo maalmahan u muuqatay mid shakhsi-weerar noqotay, isla-markaana bulshada ku abuurtay inay kala qaybsamaan.
Hoggaamiyayaasha xisbiyada WADDANI iyo KULMIYE oo iyagu dhawaanahan lahaa hoos-ka-tuur siyaasadeed oo kor u qaaday xaraaradda siyaasadda dalka, ayaa watay xubnaha sare ee hoggaanka xisbiyadooda katirsan, halka xisbiga UCID-na ay ka metelayeen saraakiil sare oo uu hoggaaminayey Md. Cabdinaasir Qodax oo isagu ku-sime u ah xoghayaha guud ee xisbigaas.
Ugu horrayn waxa ujeeddada kulankaas sharraxay Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madow, waxana isaga oo faahfaahinaya ujeeddada kulanka uu yidhi, “waxanu iskugu yeedhnay xaaladda abaareed ee dalku ku sugan yahay iyo sidii la isugu gurman lahaa ee dadka dibadaha jooga iyo dawladaha caalamka cid waliba loogu gudbin lahaa sidii shacabkaas dhibaataysan loogu gurman lahaa.”
Isaga oo boqorku hadalkiisa sii wata, waxa uu xusay inay madax-dhaqameed ahaan isla qaateen inay siyaasiyiinta ku boorriyaan in hoos loo dhigo hadallada bulshada kala geynaya ee ay warbaahinta isu marinayaan,“Markii salaadiintu shir dhawr cisho u socday ay iskugu timi waxa u muuqatay in majaraha ay xisbiyada siyaasaddu kaambaynkooda ku wadaan iyo sida ay u olalaynayaan uu ka leexday waddadii Somaliland dhaqanka u ahayd iyo hannaankii suubanaa ee doorashooyinka aynu ku galaynay oo uu uleexday yooyootan iyo wax iska sheeg badan iyo qabyaalad in lagu olaleeyo, Xisbiyada markii aanu u yeedhnay waanu isla qirnay intay tahay cillad jirta iyo arrin ugub ah oo inagu soo korodhay oo ka leexsan qaabkii ay xisbiyadeenu doorashooyinka u geli jireen, arrinkaasna waanu iskaga garownay, waxana aanu isla qaadanay guddoomiye-yaasha xisbiyadu in dhammaanba shacabka loo gudbiyo in la joojiyo qaabka iyo yooyootanka iyo arrimahan kaambaynku ku socdo in la beddelo ooh ab suuban oo walaaltinimo oo xarrago leh oo aynu ku gaadhno yoolka aynu leenahay in lagu tartamo” ayuu yidhi Boqor Buur-madow.
Suldaan Cismaan Suldaan Madar oo isaguna kamid ahaa salaadiintii kulankaas qaybta weyn ku lahaa, ayaa bulshada ugu baaqay inay danahooda raacaan oo aanay ku milmin weedhaha ay siyaasiyiintu isku weerarayaan, waxana uu yidhi, “dadweynaha waxan leeyahay markii xisbiyada la sameeyey macnaheedu ma aha in hiil ama qabiil lagu kala raaco oo waxyaabaha ay iyagu isku tuur tuurayaan lagu dhex milmo ma aha, idinkuna dantiina garta, dantiinuna waa idinka oo midaysan oo caqligiina qaba inaad wax miisaantaan oo wax eegtaan, wixii qaldan ee loollanka siyaasadda iyo xisbiyada kasoo baxana aad meel uga soo wada jeedsataan”
Dhinaca xisbiga KULMIYE waxa ka socday Guddoomiye Muuse Biixi iyo ku-xigeenkiisa Maxamed Kaahin Axmed iyo weliba siyaasi Cabdicasiis Maxamed Samaale, iyada oo dhinaca WADDANI—na ay madasha ka joogeen guddoomiye Cirro, hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo weliba siyaasi Xuseen Axmed Caydiid, halka xisbiga UCID-na ay goobta ka joogeen ku-simaha xoghayaha guud, Md. Cabdinaasir Yuusuf Qodax, Afhayeen Shabaash, xoghayaha golaha dhexe ee xisbigaas Maxamuud Cali Muuse.
Salaadiinta iyo madax-dhaqameedka iyagu hawshan isu xilqaamay ee siyaasiyiinta isa soo horfadhiisiyey, ayaa waxa kamid ahaa, Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan, Suldaan Cismaan Suldaan Madar, Suldaan Cismaan Sheekh Ibraahim Magaalo, Suldaan Barre Xaaji Cabdilaahi, Suldaan Aadan Faarax, Suldaan Cabdiraxmaan Cabdilaahi Aw Good, Suldaan Maxamuud Xaaji Aadan, Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madow.