Deeq-bixiye-yaasha Oo Ballanqaaday inay Lacag Dhan $10,000,000 taakulaynta Abaarta Kaga Qayb qaadan doonaan.
Waxa ay Deeq-bixiyayaashu Caddeeyeen inaanay aqbali Karin dib u dhac doorashada ku yimaadda, waxana ay codsadeen in komishanka hawshooda loo daayo, Bulshadana rajo-xumada laga daayo
Hargeysa:(Hubaal)-saraakiil sare oo ka socota Beesha caalamka ee Somalilnad ka taageerta dhinaca doorashooyinka, ayaa maalintii shalay kulan albaabadu u xidhan yihiin magaalada Hargeysa kula yeeshay hoggaanka saddexda xisbi ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI, waxana dhinacyadu isla faaqideen sidii doorashada wakhtigeeda loogu qaban lahaa iyo weliba caqabadaha loo arko inay hor istaagi karaan oo ay xaaladda abaartu kaw ka tahay.
Xubnaha ka socday deeq-bixiyayaasha sida gaarka ah arrimaha doorashooyinka uga taageera Somaliland oo metelayey dalka Midowga Yurub iyo weliba safaaradda Ingiriiska, ayaa kulan qarsoodi ah hoggaanka saddexda xisbi-qaran kula galay xafiiska qunsulilyadda Denmark ku leedahay magaalada Hargeysa, waxana xogo uu wargeyska Hubaal kulankaas ka helay sheegayaan inay dhinacyadu isku weydaarsadeen afkaartooda la xidhiidha qabsoomidda doorashada.
Xogaha nasoo gaadhay, ayaa intaas ku daray inay xubnaha deeq-bixiyayaashu hoggaanka saddexda xisbi-qaran u sheegeen inay si cad uga soo horjeedaan dib udhac lagu sameeyo doorashada madaxweynaha, iyaga oo xusay inay qayb libaax ka qaadan doonaan taakulaynta abaaraha baahsan ee dalka ka jira iyo weliba sidii loo caawin lahaa dadka tabaalaysan.
Saraakiisha beesha caalamka ka socotay waxa ay hoggaamiye-yaasha saddexda xisbi u sheegeen inay si degdeg ah u bixin doonaan lacag $10,000,000(toban milyan)oo dollar ah oo ay ugu talo galeen dadka abaartu taabatay, isla-markaana ay soo marin doonaan hay’adihii ay horeba deeqahooda usoo marin jireen, balse aanay aqbalaynin in doorashada dib loo dhigo.
Sida aanu xogta ku hayno waxa ay xubnaha ka socday deeq-bixiyayaasha Somaliland xagga dhaqaalaha iyo doorashooyinkaba ka taageeraa dhegaysteen aragtiyaha saddexda xisbi-qaran ka taagan yihiin qabsoomidda doorashooyinka, waxana labada xisbi mucaarid halkaas ka sheegeen inay la qumman tahay in doorashada dib loo dhigo, balse xisbul-xaakimka, ayaa caddeeyey in arrintaasi u taallo komishanka doorashooyinka oo aan cid kale hore iyo dib midna u dhigi Karin.
Xogaha aanu kulankan ka helnay, ayaa sidoo kale noo xaqiijiyey inay xubnaha deeq-bixiyayaashu la kulmeen Komishanka ka hor intii aanay hoggaanka axsaabta qaabilin, waxana ay halkaas ka sheegeen in warbixintii ay guddida doorashooyinka ka heleen muujinayso in si caadi ah dalka looga qaban karo doorasho, balse loo baahan yahay taakulayn laxaad leh oo dadka abaartu taabatay la gaadhsiiyo.
Dhawaaqa la xidhiidha gacan-ka geysashada xaaladda abaareed ee dalka ka taagan markii ay shaaciyeen xubnihii deeq bixiyayaasha ahaa, waxa arrintaas ka aamusay labada xisbi-mucaarid oo aan wax aragti ah dhiibanin, waxana kulankaasi ku dhammaaday iyada oo deeq-bixiyayaashu meel adag ka taagan yihiin inay doorashadu dib u dhacdo.
Dareenkii shalay ee deeq-bixiyayaasha iyo jawigii ka muuqday, ayaa labaxa xisbi-mucaarid ku riday anfariir cusub iyo warar la xidhiidha inay guuldarraysato aragtidii ay doorashada ku diidanaayeen, waxana ay albaabada u furi kartaa doorasho aan dib u dhicin doo wakhtigeeda ku qabsoonta.