Dulucda Qoddobo Saamaynaya Guurtida iyo Madaxtooyada Oo Xalay Lagaga Wada Hadlay Aqalka Madaxweyne Ku Xigeenka
Hargeysa (Hubaal)- Wargeyska HUBAAl Ayaa xalay helay qoddobo aan la shaacin oo ay isla waafaqeen axsaabta mucaaridka ah iyo xukuumadda Somaliland oo la xidhiidha natiijo laga gaadho wada hadalka u socday maalmahanba, kuwaas ooo wareegiisii saddexaad xalay ka qabsoomay guriga Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici,.
Qoddobadan oo aanay labada dhinacna ugu talo inay warbaahinta u bandhigaan ayaa ka weriyey in aan 24ka ilaa 4ka saacadood ee soo socda la shaacin, taas oo xukuumaddu codsatay, xisbiga UCIDna ogolaaday balse uu Xisiga WADDANI Ka biyo diiday dib u dhigistiisa.
Wargeyska HUBAAL oo xog raadin ku sameeyey nuxurka qaraarka biyo kama dhibcaanka ah ee labada dhinac isla qaateen ayaa ilo wareedyo ka ag dhaw labada dhinac waxa ay u xaqiijiyeen in qoddobada lagaga lagu heshiiyey ay kamid yihiin in laburiyo qaraarkii hore ay Guurtidu ugu kordhisay Muddo xileedka xukuumadda iyo baarlamaanka, iyadoo laysku af gartay in hoos loo dhigo sanad iyo tobankii bilood ee goluhu u ansixiyey muddo kordhinta. Ilo wareedyadu waxay intaa ku darayaan in laysla qaatay doorashadu inay qabsoonto 15-ka November ee sanadka soo socda ee 2016, taas oo ka hor intii aan guurtidu muddada kordhin ay hore axsaabtu isula qaateen in soo jeedintii Komishanka ee sanadka ahayd lagu daro shan bilood. Si kale haddii loo dhigana noqonaysa mawqifka uu hore u taagnaa xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, markii dembena xisbul xaakimku ku raacay halka xisbiga Waddani ka biyo diiday, taas beddelkeedana ku baaqay mudaharaad ay ku diidan yihiin haddii aan la qaadan soo jeedintii Komishanka.
Dood dheer ka dib waxa dhinacyadu xalay isla qaateen in qoddobkani isu soo dhawaynayso mawaaqiifta ay kala taagnaayeen mucaarid ahaan iyo muxaafid ahaan sidaa darteedna xukuumaddu hoos uga soo dabacdo muddo kordhintii golaha guurtida, taas beddelkeedana uu xisbiga WADDANI ogolaado in halkii ay taagnaayeen hore uga soo dhaqaaqaan. Qoddobkan ayaa doodiisu ku biyo shubatay hawraarsan hase yeeshee qoddobka labaad ee laysku af garan waayay ayaa ahaa in isla xalayba la shaaciyo qaraarka, waxaanay warku intaa ku darayaa in ogolaanshiyaha WADDANI ee muddo xileeda ay ku ladhnayd shuruud ah in gebogabada shirka lagu dhawaaqo waxa lagu heshiiyey, hase ahaatee xisbiga KULMIYE iyo Madax weyne ku xigeenka oo isagu shirka gudoominayay ayaa soo jeediyey codsi ah in si loo dhamaystiro waxa lagu heshiiyey ay mucaaridku siiyaan fursad 24 ilaa 48 saacadood ah oo ay hesheesika kula noqdaan musdambeedkodo. Soo jeedintaas ayaa sababtay in WADDANI uu diido soo jeedinta xisbul xaakimka, kuna adkaytay in heshiiska lagu shaaciyo isla goobta ay fadhiyeen, hase yeeshee xisbiga UCID aqbalay soo jeedinta KULMIYE/Madaxtooyada.
Qoddobka kale ee aan la shaacin eek u jiray lafo gurka shirka waxa kamid ahaa in haddii golaha guurtidu ay diido xalka siyaasiga ah ee lagu buriyey go’aankoodii muddo kordhinta ay labada Xisbi ee KULMIYE iyo UCID ay si wada jir ah u soo saaraan Qoraal ay ku sheegayaan in golaha guurtidu caqabad ku yahay isu tanaasulka iyo bedbaadinta qaranka ama xal u helida khilaafaadka siyaasadeed ee golahaasi u hor seeday dalka.
Qoddobkan dembe ayaa ilo wareedyadu sheegeen in haddii guurtidu ka hor timaado uu golahaasi waajihi doono cawaaqib xumo sababta in uu meeshaba ka baxo, ama la kala diro.