Nuxurka Qodobbo Aan Shishlayn Oo Kasoo Baxay Wada-hadalladii Somaliland Iyo Khaatumo Ee Shanta Cisho La Isku Hor Fadhiyey

0
22

Qodobbo Laaxin Ku Jiro Oo Dhuuca Loosoo Geliyey Weftiga Somaliland Iyo Mucdii La Filayey Oo Meesha Ka Maqan

Nuxurka Heshiiska Oo U Muuqda Mid Markii Labada Dhinac Ismari Waayeen Loogu Talo Galay In Shacabka Lagu Qanciyo Iyo Gal-daloollo Ili-qabatay ah Oo Ka Buuxa

15682174_10207331712762710_2027950335_o

Hargeysa:(Hubaal)-Wada-hadalladii magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia uga socday xukuumadda Somaliland iyo maamulka Khaatumo, ayaa shan maalmood kadib lasoo afmeeray, waxana laga soo saaray 11-qoddob oo intooda badani aanay macne buuran ku fadhiyin.

Wada-hadalladan oo ahaa kuwii ugu horreeyey ee noocooda ah isla-markaana si weyn looga dhursugayey natiijada kasoo bixi doonta, ayaa ugu dambayntii qoddobada laga soo saaray yihiin qaar u muuqda in loogu talo galay in bulshada labada dhinac lagu kala qanciyo uun oo aanay jirin wax isfaham muhiim ah oo laga gaadhay.

Marka la eego qoddobada kasoo baxay kulanka labada dhinac, ayaa waxa laga dheehan karaa in Isfahan waa iyo is-qardhaaf badani jirey, isla-markaana ay adkaatay inay dhinacyadu wax tanaasulaad ah ka sameeyaan soo jeedihii ay isla soo horfadhiisteen.

Ujeeddada qoddobadan looga gol leeyahay, ayaa loo macnaysan karaa inay dhinacyadu uga gol lahaayeen inaanay kala fogaanin oo ugu yaraan la helo wax la isku waafaqsan yahay, iyada oo muhiimad la siiyey in shacabkii ay dhinacyadu metelayeen lagula soo noqdo wax lagu qancin karo oo lagula soo guryo noqon karo.

Qoddobka 6-aad oo kamid ah qoddobada la isku afgartay, ayaa u muuqda mid aan dan badnai ugu jirin qaranka Somaliland, maadaama  uu doco-docayn ku yahay ciidamada qaranka ee ku sugan gobollada Bariga dalka, inkasta oo aanay fasiraad badani ka muuqanin.

Qoddobada 11-ka ah ee wada-hadalladaas laga gaadhay oo saxaafadda loo qaybiyey, ayaa u dhigan sidatan:

  1. in Wada-hadal iyo wada-xaajood lagu dhammeeyo khilaaf kasta oo jira
  2. in wixii dacaayad iyo fadqalalo gudaheena ah la joojiiyo, meelna looga soo wada jeedsado
  3. in meel looga soo wada-jeesto wixii gacan saddexaad ah ee faro-gelin ku samayn kara inta ay wada-hadalladu socdaan

4.in laga wada-xaajoodo wixii ku saabsan dhiig iyo dhaqanba

5.in laga wada shaqeeyo xoojinta nabadgelyada

6,in ciidamada Somaliland ee ku sugan gobolka Sool iyo deegaannada Sanaag-bari iyo Buuhoodle dib loo qorsheeyo joogitaankooda iyada oo la tixgelinayo mar walba baahida iyo xaaladda nabadgelyo sida ay tahay

  1. in aan la qorin ciidamo-beeleedyo cusub inta wada-hadalladu socdaan

8.in maamul-daadejin buuxda la sameeyo, taas oo taabanaysa dhinacyada: siyaasadda, dhaqaalaha, maamulka, arrimaha bulshada iyo nabadgelyada

  1. in wada jir looga hawlgalo sidii mashaariic waaweyn oo horumarineed looga hirgelin lahaa gobolladaas.
  2. in la iska kaashado sidii gargaar loogu raadin lahaa, loona gaadhsiin lahaa dadka ku tabaaloobay abaaraha.
  3. in hay’addaha samo-falka ee caalamiga ah iyo kuwa qaramada midoobayba ka hawlgalaan, kana qaadaan xayiraadda saaran gobollada bariga.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here