Nuxurka Qoraal Shan Qodob Xanbaarsan Oo Beesha Caalamka Ka Soo Saartay Arrimaha Doorashooyinka Somaliland

0
37

Nuxurka qodobbo culus oo Beesha Caalamku hordhigeen Somaliland

Qoraal muujinaya sida beesha caalamku uga xun yihiin in dib-u-dhaca doorashooyinka Somaliland oo loo kala diray xukuumadda, Guurtida, xisbiyada qaranka iyo Guddida Doorashooyinka

Hargeysa (Hubaal)- Beesha Caalamka ee taageera nidaamka dimoqraadiyadda Somaliland, ayaa markii u horraysay soo bandhigtay mowqifkooda ku aaddan dib-u-dhaca ku yimi doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada, iyagoo caddeeyey in aanay aqbali doonin taageero dambe oo ay u fidiyaan hannaanka dimuqraadiyada Somaliland, haddii doorashooyinku dib uga dhacaan waqtiga cusub ee Koomishanka Doorashooyinku u muddeeyeen June 1, 2016.

doorasho

Qoraal qodobbo culus xambaarsan oo safiirka dawladda Ingiriiska u fadhiya Nairobi Ambassador Neil Wigan oo wakiil ka ah qaadhaan-bixiyeyaasha caalamiga ah u kala diray xukuumadda Madaxweyne Siilanyo, saddexda xisbi qaran, Golaha Guurtida iyo Guddida Doorashooyinka 24 April 2015 (Jimcihii), waxa uu ku sheegay in beesha caalamku niyad-jab ka qaadday in doorashooyinka Somaliland dib uga dhacan ku yimi qabsoomidooda sannadkan gudihiisa.

“Waraaqdan waxa aannu kaga codsanayna Madaxtooyada. Guddoomiyayaasha Axsaabta Qaranka, Guddida Doorashooyinka Qaranka iyo Guurtida oo Sabtida aan la kulmi doono. Hawlgalkaas oo ay hoggaamin doonaan wefti Ingiriis ah oo hadda hoggaamiya Guddi-hawldeedka dimuqraadiyadaynta ee DSC (Democratisation Steerin Committee), taasoo aannu codsigan booqashada ah idinkula wadaagaynu aragtida Beesha Caalamku ka qabto muddaynta doorashada ee Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada si loo ilaaliyo waqtiga loo muddeeyey ee 1 June 2016,” ayuu Ambassador Neil Wigan ku yidhi qoraalkiisa oo saxaafaddu u heshay si dadban.

Waxa kaloo uu tilmaamay in doorashooyinka madaxtooyada iyo Golaha Wakiilladu qabsoomi lahaayeen sannadkan 2015 haddii dawladdu si masuuliyad ah dib ugu eegto qoddobo ka mid ah xeerka diwaangelinta codbixiyeyaasha, waxaannu ka hadlay shan qodob oo u dhignaa sidan;

Madaxweynaha, saddexda xisbi qaran, Golaha Barlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada) waxa aannu ku ammaanaynaa sida ay u ixtiraameen muddada loo go’aamiyey in doorashado qabsoonto ee June 1, 2016 si Guddida Doorashooyinku u guto awoodooda dastuuriga ah ee soo gudbinta waqtiga farsamo ee doorashadu qabsoomayso.

Beesha Caalamku waxay ka niyad-jabtay waqtiga cusub ee la soo jeediyey in doorashado qabsoontu aanu ahayn ka hor inta aan sannadkan 2015 dhammaan, taasoo aannu u arkaynay in ay macquul tahay in doorashadu qabsoonto, haddii dawladdu dib u eegto qodobka 7aad, farqadiisa 2aad amma qodobka 26aad, farqadiisa 2aad ee Xeerka Diiwaangelinta Cod-bixiyaha (Xeer lambar 37/2007) iyo soo jeedinta dib-u-dhaca muddada lixda bilood ah ee u dhaxeeya muddaynta waqtiga diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo maalinta doorashada.

Sidaa darteed, Beesha Caalamku waxay Somaliland u soo jeedinaysaa in si hannaankeeda dimoqraadiyadeed qiimo u yeesho raacdo waqtiga ay soo jeediyeen Koomishanka Doorashooyinku in la qabto doorashada.

Beesha Caalamku waxay eegaysaa in la qaado tallaabo siyaasadeed oo lagu dhiirrigelinayo amma macquul tahay in muddo-kordhin kale la sameeyo, taasoo aan la aqbali karin, waxaanay saamayn ku yeelan doontaa xidhiidhkayaga xooggan ee aannu Somaliland kala leenahay dhinacyada siyaasadeed iyo horumarinta.

Beesha Caalamku waxay u heellan tahay in ay farsamo ahaan iyo diblomaasi ahaanba teegeerto hannaanka doorasho ee Somaliland.

Waxaannu jecel nahay in aannu sii wadno la-shaqaynta dawladdiinna, Guurtida, axasaabta qaranka iyo Guddida Doorashooyinka Qaranka si loo hirgeliyo qabsoomidda doorashada taariikhiga ah ee Barlamaanka iyo Madaxtooyada oo aan wax dib-u-dhac ah ku iman,” ayaa lagu yidhi qoraalka qodobadda culus xambaarsan ee Beesha Caalamku hordhigeen dhinacyada Somaliland

Dhinaca kale, qoraalka Safiirka Ingiriiska, ayaa lagu sheegay in waqtiga Komishanku u cayimeen doorashooyinku tahay mid farsamo ahaan dib ugu dhacday, balse waxay ka digeen in la sameeyo muddo-kordhin kale oo siyaasadaysan.

Jamhuuriya

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here