Nuxurka Shir Doceed Ay Wasiirro Isku Magac Ahi Shalay La Yeesheen Wakiillo Ay Isku Hayb Yihiiin Iyo Ujeeddadiisii Oo Laysku Af-garan Waayay

0
29

Wasiirro Kasoo Jeedda Galbeed Oo Iyaguna Shalay Gogol U Fidiyey Xildhibaannada Deegaankooda

Hargeysa (Hubaal)- shir doceedyo kala duwan oo ay qabanqaabadooda iyo agaasinkooda isku soo dubarrideen golaha wasiirrada Somaliland ayaa afartii caano maal ee udambeeyey dhaqdhaqaaqooda laga dareemayay guud ahaan dalka gaar ahaanna caasimadda Hargeysa. Shir doceedyadan oo nuxurkoodu daarnaa mooshinka wareejinta haamaha shidaalka ee xummadiisu ka dhex oogan tahay labada gole ee xukuumadda iyo xeer dejinta ayaa wasiirradani waxa ay ku abbaarayeen xubnaha golaha wakiillada oo loo qorsheeyey in wasiir kastaa uu xildhibaanka ay isku deegaanka yihiin ama isku beesha yihiin ee golaha ku jira uu ka soo dhaadhiciyo dalabka xukuumaddu ku doonayso in mar kale ay guul ka gaadho mooshinka lagu soo celiyey ee haamaha shidaalka.

Natiijada shir Hargeysa ku dhex maray Wasiir ku xigeenno isku magac ah iyo wakiillo ay isku deegaan yihiin

Wasiir ku xigeennada warshadaha iyo xanaannada xoolaha Somaliland Md. Cali Axmed Maxamed [Dhegoole] iyo Md. Cali Maxamed Gadh-dheer ayaa shalay kulan doceed la yeeshay xildhibaannada golaha wakiillada ku jira ee kasoo jeeda gobolka Saaxil. Xubno ka mid ahaa ka qayb galayaashii shirkan oo ka gaabsaday in magacooda la xuso ayaa wargeyska HUBAAL u sheegay in wasiir ku xigeennadani ay xildhibaannada u soo qadimeen dalab ay dhinaca madaxtooyada kala yimaadeen oo daarnaa in xildhibaannadani door aan muuqan ka qaataan mooshinkan oo ka go’an madaxtooyada meel marintiisa, taas darteedna aanay saamayn ku yeelan diidmadiisa. Warku waxa uu intaa ku darayaa in wasiir ku xigeennadu ay xildhibaananda deegaankooda ah ku hogatusaaleeyeen saamaynta ay haamaha shidaalku wareejintoodu ku yeelanayso deegaanka ay labadooda dhinacba kasoo jeedaan ee Berbera, sidaas darteedna ay lama huraan tahay in laga shaqeeyo wixii dan u ah deegaankooda. “wasiirradu waxa ay noola yimaadeen oo ay naga codsadeen in aanu ka aamusno oo aanaan u codayn ama ka maqnaano fadhiga mar kale lagu hor keenayo golaha mooshinka wareejinta haamaha, oo madaxtooyada ka go’an meel marintiisa”. Sidaas waxa xalay cawayskii wargeyska Hubaal u sheegay xildhibaan k amid ah ka qayb galayaashii shir doceedka shalay ka dhacay Hargeysa, waxaanu intaa ku daray isaga oo faahfaahinaya qorshaha loola yimi “ taas haddaanu ka yeelno waxa ay noo sheegeen in wax kasta oo shuruud aanu kaga dhigno ogolaanshaha codsigooda ay madaxtooyadu diyaar la tahay iyaguna naga ballan qaadayaan”.

Intaa kadib maxaa dhacay?

Xubintan u warrantay Hubaal waxa uu sheegay in ay xubnihii xukuumadda ka socday ee la kulmay ay kala kulmeen dhankooda weji gabax isla markaana ay isku duubni xildhibaannadu ugu gacan saydheen arrintaas “wallaahi xataa kuwii muxaafidka ahaa ee xukuumadda ugu dhawaa ayaa ay u cuntami wayday qorshaha la watay, isku duubnina waanu ku gacan saydhnay oo waanu ka diidnay. Waxase ay noo sheegeen in gar iyo gar darraba xukuumadda ay ka go;an tahay meel marinta mashruucaas wareejintu, tab kasta oo ay guul kaga keenayaana ku dhaqaaqayaan, xataa haddii ay dhacayso ay ka maarmi karaan golaha oo aanay soo marin dooninba ee ay iyagu saxeexayaan”. Sidaa ayuu yidhi xildhibaanku. Dhinaca kale wasiirro ka soo jeeda deegaanka gobolka Gabiley ayaa la sheegay in iyaguna ay dhankooda gogol marti qaad u fidiyeen xildhibaannada deegaankaas ka soo jeeda ee golaha wakiillada ku jira. Waxaana shir shalay ka dhacay isaguna Hargeysa la sheegay in ay hor dhigeen dalab la mid ka xildhibaannada gobolka Saaxil la hor keenay. Warkuna waxa uu intaa ku daray in si la mid ah kuwa saaxil lagu kacay shirkaas oo aan wax natiijo ah lagu kala helin.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here