Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somalliland, Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE iyo Afhayeenka WADDANI, ayaa shalay Safar Kallahaad ah ugu ambabaxay magaalada Jabuuti ee xarunta Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaas oo la sheegay inay Wasiirro Xukuumadda ka tirsani kaga horreeyaan, Wasiirro kalena kaga daba-tegayaan xalay ilaa maanta.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ahna Guddoomiyaha WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Afhayeenka Xisbigaas Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa iyo Guddoomiyaha Xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay abbaaro toddabadii subaxnimo ka dhoofay garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa, una baxay Jabuuti, ka dib markii sida la sheegay ay Marti-qaad rasmi ah ka heleen dawladda Jabuuti, gaar ahaan Madaxweynaha dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle, ayaan iyagu wax faahfaahin ah ka bixin ujeeddada socdaalkooda, nuxurka Marti-qaadka ay ku tageen iyo waxa uu daarran tahay toona.
Hase-yeeshee, sida ay Wargeyska Himilo u xaqiijiyeen ila-wareedyo ka tirsan Xisbiga WADDANI iyo Xukuumadda-ba, waxa Masuuliyiintan loo casuumay si gaar ah, isla markaana waxa la sheegay in Guddoomiyaha WADDANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) uu Madaxweyne Geelle u danaynayo inay ka wadahadlaan arrimo la xidhiidha dhinacyada, Siyaasadda, Nabadgelyada, Xaaladda Mandaqadda.
Waxa sidoo kale oo la filayaa inay Madaxweyne Geelle iyo Guddoomiye Cirro isla soo qaadi doonaan inay Jabuuti u arkayso inay saamayn ku leeyihiin oo ay Siyaasiyiin ka tirsan Xisbiga WADDANI ku eedeeyaan Xukuumadda talada haysa ee Madaxweyne Siilaanyo, kuwaasoo ay ka mid yihiin dhiibista saddex qof oo Hargeysa laga qabtay oo Xukuumaddu ku wareejisay Jabuuti bishii hore oo Masuul WADDANI ka tirsani sheegay in midkood ku dhintay Xabsiga Jabuuti, ka dib markii jidh-dil iyo garaacis ay ku sameeyeen Ciidanka Xabsiyada iyo Sirdoonka ee Jabuuti, sida uu sheegay masuulkaasi, iyo arrinta Xuduudaha iyo qodobbo kale.
Hase-ahaatee, waxay ila-wareedyada Wargeyska Himilo soo xigtay sidoo kale tibaaxeen in Masuuliyiintan iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan dawladda Somaliland, isla markaana ku sii qulqulaya magaalada Jabuuti ee Caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti, in ujeeddada ay halkaas u tegayaan la xidhiidho Xaflad ama Munaasibad gaar ah oo la sheegay in Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ku bixinayo Gabadh uu dhalay oo la guursanayo, Xafladdaas oo warku sheegay inuu Masuuliyiintan kala duwan ee Xisbiyada Siyaasadda, Laamaha dawladda Somaliland iyo weliba xubno Ganacsato ah uu si gaar ah ugu soo casuumay inay kala qayb-galaan Xafladdaas bixinta Inantiisa.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Guddoomiyaha Xisbil-xaakimka KULMIYE iyo Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo gelinkii hore ee Isniintii shalay-ba gaadhay magaalada Jabuuti, ayaa la sheegay inuu ka sii horreeyey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale.
Sidoo kale xogaha uu Wargeyska Himilo helay ee la xidhiidha warkan waxay intaas ku dareen in Wasiirro, Xildhibaanno iyo Masuuliyiin kale oo dawladda Somaliland ka tirsan iyo weliba xubno Ganacsato ahi sida qorshuhu yahay ay xalay saacadihii dambe illaa Salaasada maanta gaadhi doonaan iyaguna magaalada Jabuuti, kuwaasoo sidoo kale warku sheegay in lagu soo casuumay ka qaybgalka Xafladdaas Meherka Gabadha uu dhalay Madaxweynaha Jabuuti, taasoo la qaban doono sida la sheegay maalmaha toddobaadkan aynu ku jirno, inkasta oo aan rasmi loo caddayn maalintaas, haddana waxa loo filayaa Arbacada ama Khamiista sida ay wararka aannu helnay tibaaxeen.
Waxay wararka qaarkood ee uu helay Wargeyska Himilo ee la xidhiidha Socdaalka Masuuliyiinta sare ee dawladda Somaliland ee Jabuuti ay sheegen in Casuumadda Munaasibadda Meherka Gabadha Ismaaciil Cumar Geelle dhalay ee la bixinayo ee uu ku soo marti-qaaday ka sokow, ay suuragal tahay inay kulammo ka duwan ay yeelan doonaan Madaxweynaha Jabuuti iyo Masuuliyiinta Somaliland ee dalkaas tagay, kuwaasoo la tibaaxay inay kaga wada-hadli doonaan xaaladaha dhawaanahan jiray ee Xidhiidhka labada dal u dhexeeya ku xeeran oo ay ka mid tahay arrinta Xuduudaha labada dhinac cabashooyin ka jira, Nabadgelyada iyo Heerka Siyaasadda Mandaqadda ee wakhtigan.
Waxaanay Marti-qaadka Masuuliyiintan tirada badan ee Xisbiyada, dawladda iyo Ganacsatada Somaliland ka socdaa ku soo beegantay wakhti Xadka u dhexeeya Jabuuti iyo Somaliland xidhnaa illaa 24-kii bishii May, ka dib markii Qaraxyo ka dhacay Jabuuti wakhtigaas la sheegay in laba Ruux oo fuliyey AY Somaliland u dhex-mareen socdaalka ay ku gaadheen Jabuuti, kaas oo tobaneeyo cisho ka hor Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland sheegay inay Jabuuti furtay, ka dib kulan ay Wasiir Waran-cadde iyo Saraakiisha kale ee Hay’adaha Ammaanka Somaliland magaalada Jabuuti kula yeesheen Masuuliyiinta dawladdaas.
Waxaana arrintaas qaraxyada ka dhacay Jabuuti dad looga xidhxidhay magaalada Hargeysa iyo meelo kale oo Somaliland ka tirsan, waxaanay Somaliland Jabuuti ku wareejisay Maxkamad la’aan saddexda qof ee Hargeysa laga xidhay, taasoo sababtay inay Xukuumadda Somaliland dhalliilo iyo eedo kala duwan ay ka dhaxashay tallaabadaas dhiibista saddexda qof oo ay Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Mudanayaal ka tirsan Golayaasha Baarlamaanka Somaliland ka soo horjeesteen, kuna dhalliileen arrintaas, waxaana la sheegayaa in qodobbadaas iyo kuwo kaleba ay ka wadahadli doonaan Masuuliyiinta labada dal.
Balse, marka arrimahaas laga yimaaddo ee geesta Munaasibadda Bixinta Inanta uu dhalay Madaxweyne Geelle laga eego, waa markii ugu horreysay ee Masuuliyiin Laamaha dawladda Somaliland iyo Xisbiyada Siyaasadda ka kala tirsan oo sidan u tiro badani Casuumad ka qayb-gal Meher gabadh Madaxweynaha Jabuuti dhalay ay u tagaan dalkaas Somaliland la deriska ah.