Nuxurka War-Murtiyeed Ka Kooban Sagaal Qodob Oo laga Soo saaray Shir-weynihii qaran ee labada cisho U Socday Saxaafadda Somaliland

0
84

Wasiir Guri-Barwaaqo Oo Warbaahinta U Akhriyey Qodobbada Ka Soo Baxay Shirkaasi Oo Ay Wada-Jir U Soo Saareen Wasaaradda Warfaafinta, Ururrada SOLJA Iyo WIJA

Hargeysa (Hubaal) Shirweynaha saxaafadda Somaliland oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigalinta, isla markaasina muddo laba maalmood ah ka socday magaaladda Hargeysa ayaa shalay oo axad ahayd la soo gabagabeeyay.

Dood dheer iyo falanqayn oo ay madaxa islagaleen warbaahinta dawladda iyo ta madaxa-bannaan, isla markaasina lagaga hadlay arrimaha ugu muhiimsan ee hore loogu sii socon karo si loo horumariyo guud ahaan saxaafadda, kadib ayaa gunaanadii shirkaasi waxa war-murtiyeed ka soo baxay oo ka kooban sagaal qodob goobta ka akhriyey wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigalinta

  • Warbaahintu inay si mug leh ugu dug lahaato kaalinta muhiimka ah ee ay ka leedahay horumarinta wadaniyadda, ilaalinta qaranimada Somaliland, horumarka iyo wada noolaanshaha bulshada Somaliland
  • In si midaysan looga hawlgalo horumarinta, tabobarka, dhawrida xurmada saxafiga iyo helitaanka dhammaan baahiyaha maqan ee warbaahinta Somaliland
  • In aan si sharciga baalmarsan loo xidhi Karin. Loona dhibaatayn Karin saxafiyiinta ka hawlgala warbaahinta kala duwan ee Somaliland.
  • In warbaahinta Somaliland dhan uga soo wada jeesato, suxufi kasta oo ku xadgudba, qawaaniinta iyo akhlaaqiyaadka warbaahinta Somaliland
  • In la dajiyo dhamaystirka xeerka saxaafadda Somaliland, iyadoo ay kawada shaqaynayaan dhammaan bah-wadaagta ay khusayso hawshani
  • In warbaahinta ay ciyaarto ama qaadato kaalinteeda ay ku leedahay horumarinta iyo ilaalinta af-soomaaliga
  • Waxa shirweynuhu xusay heerarka kala duwanaa ee ay soo martay warbaahinta Somaliland iyo heerka ay maanta marayso
  • Waxa aqoonyahanka shirweynaha ka soo qaybgalay isla wada qireen, in warbaahinta Somaliland ay samaysay horumar la taaban karo, isla markaana ay jiraan caqabado u baahan in lawada waajaho
  • In aan saxaafadda Somaliland ku mashquulin baahinta arrimaha siyaasadda oo kaliya ee ay qaadato doorkeeda la xidhiidha baahinta arrimaha bulshada, ka wacyigalinta bulshada ee arrimaha qabyaaladda iyo la-dagaalanka mukhaadaraadka, maan-dooriyeyaasha iyo dhaqan-xumada

Ugu dambayn, in warbaahinta Somaliland aanay fursad siin cid kasta oo waxyeelo u gaysanaysa wadajirka ulshada, nabadgalyada iyo qaranimada Somaliland gudo iyo dibedba.

War-murtiyeedka waxa soo wada saaray wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigalinta ururrada SOLJA iyo WIJA

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here