Nuxurka War-murtiyeed Laga Soo Saaray Shirkii Wasiirrada Arrimaha Dibadda Ee Ka Dhacay Jabuuti

0
77

Jabuuti (Hubaal) War-murtiyeed kooban oo si taxadar leh loo dhigay hadallada ku qoran ayaa laga soo saaray Gabagabadii kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Jabuuti wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Eritrea, Itoobiya, iyo Soomaaliya, iyo dalka martida loo ahaa Jabuuti.

Warmurtiyeedka ayaa lagu yidhi “booqashadan muhiimka ah waa natiijada dadaalka wadajirka ah ee dalalka gobolka, waxayna u taagan tahay qiimaha uu ku fadhiyo hindisaha lagu heshiisiinayo dalalka gobolka iyo sidoo kale tallaabo weyn oo loo qaaday adkaynta nabadda iyo deganaanshaha gobolka, ayadoo lagu taageerayo isdhexgalka dhaqaale ee geeska Afrika”

Wasiirrada ayaa markii uu dhamaaday kulankii ay ku lahaayeen xarunta wasaaradda arrimaha dibadda, waxay booqasho sharafeed ugu tageen madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here