WAxaa Uu Soo Hadal Qaaday Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka Hargeysa Iyo Safiirka Somaliland U Fadhida UK
Muqdisho(Hubaal):-Madaxweynaha dawlada federaalka ah ee soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa ka hadlay bandhiga buugaagta ee ka socda magaalada Hargeysa. Madaxweyne Farmaajo ayaa bogaadiyey bandhiga buugaagta ee ka socda Hargeysa isaga oo xusay in dadka soomaalida ahi ay leeyihiin af iyo dhaqan hodan ah. Madaxweyne Farmaajo oo qoraal ku baahiyey bogiisa Twitter-ka ayaa si gaar ah u soo hadal qaaday gudoomiyaha xarunta dhaqanka ee Hargeysa Jamac Muuse Jaamac iyo wakiilada somaliland ee dalka UK Ayaan Maxamed oo ka mid ah qaban qaabiyeyaasha bandhiga buugaagta Hargeysa. Dhambaalka uu madaxweyne Farmaajo kaga hadlay bandhiga buugaagta ee “Waxaan bogaadinayaa qabanqaabiyeyaasha, bahda suugaanta iyo qalin-maalka ka qayb-qaadanaya bandhigga buugaagta ee Hargeysa. Dadka soomaaliyeed waxay leeyihiin Af, Dhaqan iyo Suugaan hodan ah oo ay tahay inaan ilaashanno. Hambalyo Jaamac Muuse Jaamac iyo Ayaan Maxamed” ayuu yidhi madaxweyne Farmaajo.