Hargeysa (Hubaal)– Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa xukun xadhig 3 iyo 4 sanno ah ku riday Guddoomiyaha wargeysyada Haatuf iyo Somaliland times Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo tifaftirihiisii, iyadoo ganaax iyo ruqsad kala noqoshana loo raaciyey.
Maxkamadda ayaa fadhi xidhan oo warbaahinta loo diiday maanta kaga dhaqaaday xukunka ay ka soo saartay dacwaddii loo haystay masuuliyiinta wargeyska Haatuf, kaas oo noqday in xadhig saddex sanno ah oo lagu riday Guddoomiye Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo afar sanno oo xabsi ah la saaray Tifaftirihii Haatuf Axmed Cali Cige.
Ku-xigeenka xeer-ilaaliyaha guud Aaden Salaad Seed oo barxadda hore ee maxkamadda kula hadlay saxaafadda ayaa sheegay in maxkamaddu ku riday labada masuul ganaax lacageed oo dhan 50 milyan oo shillinka Somaliland ah, una dhiganta ilaa $8,000, isla markaana gebi ahaanba laashay ruqsadii wargeysyadu dalka kaga shaqaynayeen.
Wargeysyada Haatuf iyo Somaliland Times ayaa muddo saddex bilood ah xidhan kadib markii ciidanka boliisku la wareegeen xaruntoodii 7dii April 2014, iyadoo isla markiiba xabsiga loo taxaabay guddoomiyaha iyo tifaftiraha wargeysyadaasi, kadib markii ay qoreen warar musuqmaasuq ah oo la xidhiidha baadhista shidaalka iyo macdanta oo ay ku kaceen masuuliyiin xukuumadda ka tirsani.
Qareenadii difaacayay dacwaddan suxufiyiinta Haatuf ayaa hore uga baxay fadhiyada maxkamadda kadib markii ay sheegeen in aanay caddaaladi ka jirin.