Washington:(Hubaal)-Madaxweynaha dalkaasi Mareykanka Barack Obama (55-jir) ayaa habeen hore ku xanaaqay nin taageersan Donald Trump kaas oo soo xaadiray kulan uu xisbiga Dimiquraadigu ku lahaa magaalada Columbus ee gobolkaasi Ohio.
Taageerahan habowga ah ayaa kasoo dhex muuqday taageerayaasha xisbiga Dimuquraadiga ee dhageysanayay khudbadda madaxweynaha isaga oo xidhan koofiyadda ay ku qoran tahay “Make America Grait Again”, hal-hayskaas oo uu caan ku yahay kuna duulo musharraxa xisbiga Jamhuuriga ee Donald Trump.
Obama ayaa mar qudha waxa ay qabatay ishiisu taageerahan iyo koofiyaddiisa, waxaana uu yidhi ” – Come on, siib koofiyaddan, waxaan sharad ku galayaa in lagu soo sameeyay dalka Shiinaha”.
Kulankan oo ka dhacayay jaamacadda Capital University Field House ayaa waxaa markuu hadalkaasi yidhi madaxweyne Obama mar qudha qeylo bilaabay taageerayaashiisa, waxaana ay qeylo dhagaha u saareen taageerahan habowga ah iyagoona lahaa «lock her up, lock her up, lock her up» oo micneheedu yahay “hala xidho”.
Obama ayaa uga digay shacabka gobolka Ohio in ay doortaan Donald Trump oo uu ku sheegay nin aan waxba u haynin.
Khudbaddan madaxweyne Obama uu ku taageerayo musharraxad Hillary Clinton ayaa imaneysa xilli isbuuc qudha ay ka dhiman tahay doorashada madaxtenimo ee dalka Mareykanka.