Akhri Hambalyadan Oo Ay Direen Chief Pilot Yuusuf Aar Sheyse iyo Eng. Maxamed Ibraahim Xoorre Oo Kamid Ah Odayaasha Degan Berbera
Berbera (Hubaal) – Chief Pilot Yuusuf Aar Sheyse iyo Eng, Maxamed Ibraahim Xoore Oo Kamid ah Odayaasha Degan magaalada Berbera, Kana Kala Hawlgala Dekeda Berbera iyo Haamaha Shiidaalka Waxay siweyn Usoo Dhaweeyeen Xilka Magacaabista Dr Adna Aadan Ismaaciil, Waxaanay Ku Bogaadiyeen Xilkaasi Qaran Oo Ay Tilmaameen Inay Kaso Baxayso. Drs Adna Aadan Ismaaciil Ayaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo U Magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee Wada-hadallada Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Soomaaliya, Iyagoo Ku Sifeeyey Shakhsi Qaran Oo Ku Haboon Xilkaas Wadahadalada Labada Dal Maadaama Taariikh Badan Hayso. Chief Pilot Yuusuf Aar Sheyse Oo Ka Hadlaya Hambalyada Waxa uu Yidhi “Drs Adna Aadan Waa Shakhsi Ku Haboon Una Qalanta Xilkaasi Isla markaana Haysa Taariikh badan Oo Somaliland Ay Leedahay iyo Somaliya Waan Ku Hambalyeynayaa Xilkaasi Waxaanan Eebe Uga Baryayaa inuu Ku Asturo Oo Ay Ka Midho Dhaliso Wadahadalka Labada Dhinac” Ayuu yidhi Yuusuf Shaysa. Eng, Maxamed Ibraahim Xoore Oo ka Hadlaya XIlka Loo magacaabay Adna Aadan Isla markaana Hambalyo u Diraya waxa uu yidhi “Drs Adna Aadan Waxay Kamid tahay Shakhsiyaad Somaliland ee Taariikhda Badan Waxaanan Ku Hambalyeynayaa Xilka Wadahadalka Madaxweynuhu U Xilsaaray Inay Ergay Ka Noqoto Waxaan Aaminsanahay Inay Hawshaas Kasoo Baxayso Waxaan U Rajaynayaa Inay Shaqada Qaran Si Fiican U Gudato” Ayuu Eng Xoore.