Xogo dheeraad ah oo ka soo baxay odayaasha dhaqanka ee somaliya eek u sugan hargeysa ayaa waxay kashifeen siro ay xukuumadda siilaanyo dadka ka qarinaysay,oday ka mid ah odayaasha dhaqanka ee somaliya ee hargeysa ku sugan ayaa isagoo magaciisa qariyey wuxuu sheegay in marka horeba ay casuumaad ka heleen xukuumadda siilaanyo oo odayaasha dhaqanka ee koonfurta somaliya marti qaad u fidiyey,wuxuu sheegay markii ay madaarka ka soo dageen in ay halkaasi ku soo dhaweeyeen wasiirka wasaaradda duulista,wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta iyo wasiirul dawlaha madaxtooyadda .
Wuxuu faahfaahin ka bixiyey odayaasha iyo beelaha ay ka soo wada jeedaan,wuxuu sheegay in ay ka kooban yihiin dhamaan beelaha somaliya waxayna wax ku soo saleeyeen qaabka ay wax u qaybsadaan oo ah 4.5 ka ilaa kismaayo ilaa puntland waa la socdaa ayuu yihi. Waxa kale oo uu sheegay in ay ka kooban yihiin 45 oday dhaqmeed waxana magaalada aany ak deganahay ayuu yihi sadex hotel oo kala ah Hote safari,hotel son iyo hotel sheybe.
Ajadahooda wuxuu ku sheegay in ay tahay sidii labada bulsho ee somaliya iyo Somaliland ay isku dhex gali lahaayeen isla markaana isku socodka labada dhinac u fududaan lahaa,waxa kale oo uu sheegay in aysan laga wada hadli Karin midnimada umadda soomaliyeed.
Hadalka ka soo yeedhay mid ka mid ah odayaasha dhaqanka ee somaliya ee xukuumada siilaanyo marti qaaday ayaa waxa uu ka hor imanayaa sida ay u fasishay xukuumadda siilaanyo booqashada odayaasha dhaqanka ee somaliya ka yimid,oo ay sheegtay inay tahay booqasho iska caadi ah oo ay Somaliland ku yimaadeen.
Tan iyo markii xukuumadda siilaanyo talada dalka la wareegaty waxaa hoos u dhacay ka hadalka ictiraafka Somaliland iyo gooni-isku taagii Somaliland oo waxa bilaabay in xukuumadda siilaanyo hadba xukuumadda somaliya midba meel kula shirto oo ay tidhaahdo waxaa lag wada hadlayaa danaha Somaliland arintaasi oo mugdi gelisay rajadii umadda Somaliland ka qabtay in ay hesho aqoonsi caalami ah , isla markaana waxay albaabada u furtay in si caadi ah somaliladn iyo somaliya isku milmaan oo caalamku u qaato in weli Somaliland aysan ak go’nayn gooni isku taagii ay sheegi jirtay.
Gabagabadii waa in xukuumadda siilaanyo ee xakamaha goosatay lagu soo dabaalaa sharciga isla markaana umaddu shir degt deg ah ka yeelato waxa dalka ka socda ee aan ilaa hada la hayn xidhiidhkii qotada dheeraa ee ka dhaxay jiray Somaliland iyo itoobiya oo ay xumaysay xukuumadda siilaanyo kadib markii taladii dalku ku baahday gacmo fara badan.
Qore: Cali Ibraahim
Email:calinuur21@gmail.com
Hargeysa/Somaliland