Muqdisho (Hubaal) Qaar ka mid ah odoyaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed ayaa kulan ay Muqdisho yeesheen ku ntaageeray Go’aankii Dowlada fadaraalka ku diiday Damaca Kenya ee xaduud badeeda labada dal
Odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa cambaareeyey isku dayga dowlada Kenya ku dooneyso iney ku qaadato qeyb ka mid ah badda Soomaaliya.
Kulanka maanta ayaa waxaa ka qeyb galay Salaadiin, boqoro, Ugaasyo iyo waxgarad kale oo metelayey beelaha Soomaaliyeed ayaa waxaa sidoo kale lagu taageeray dacwada badda la xiriirta ee dowlada Somalia ku furtay Kenya.
Xubnaha ka hadlay kulankan ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ku jihaadi doonaan Kenya haddii aysan ka harin damaceeda guracan ee ay dooneyso iney ku boobto dhul badeedka Somalia qeyb ka mid ah.
Waxaa kulanka hadalo kulul ka jeediyey Boqor Faarax Cabdi Guure, nabadoon Uunsane, Nabadoon Maxamed Xasan Xaad, Suldaan Kamaal iyo xubno kale.
Qaar ka mid ah odayaasha beelaha ayaa ku eedeeyey dowlada Kenya iney shirkado shidaalka baara ka howlgelisay bad ay leedahay Somalia taasoo ay sheegeen iney tahay gardaro iyo xad gudub qaawan oo lagu sameeyey qaranimada dhuleed ee Somalia.
“Abaalka Kenya noo gashay ee ku saabsan qaxootigeena ku noolaa dalkooda iyo ciidanka ay Soomaaliya u soo direen waa ku mahadsan yihiin, hase ahaatee taas macnaheedu maaha iney nooga bedelato qeyb ka mid ah badda baddeena, mana yeelayno” sidaas waxaa yiri Nabadoon Xaad oo Kenya ugu baaqay iney dib uga laabato damaceeda guracan.
“Kenya waxay horey u heysatay dhul Soomaaliyeed oo N.F.D la yiraahdo, haddana waxay dooneysaa iney ku darsato qeyb ka mid ah baddeena dagaal ayaan kaa xignaa intey gabari naga nooshahayna damaceeda kuma guuleysaneyso” ayuu yiri Nabadoon Uunsane oo ka mid ahaa waxgaradkii ka hadlay kulankan oo beesha caalamka ugu baaqay iney wax ka qabtaan damaca waalan ee dowlada Kenya.
Dhamaan odayaasha kulanka ka hadlay ayaa u mahaad celiyey dowlada Somalia iyo garyaqaanadii Soomaaliya uga qeyb galay doodii ku saabsaneyd dacwada badda wejigeedii koowaad oo shalay lagu soo gebagebeeyey Maxkamada caalamiga ah ee ICG oo ku taalla magaalada Hague, waxayna ku booriyeen in dacwada aan laga harin, lana sii wado.
Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha iyo dibeda ayaa si isku mid ah shucuurtooda uga muujiyey sida ay uga soo horjeedaan damaca dowlada Kenya ku dooneysa iney ku qaadato dhul badeedka Somalia ee dhaca xadka labada dal.