“Odaygii [Madaxweynuhu] Wuxuu Taagan Yahay Aniga Fadeexad Ayay Igu Tahay Wuu Korodhsadaye, Muddada Hala Soo Gaabiyo”

0
43

Xil. Maxamuud Jaamac Warfaa, Guddoomiye ku xigeenka golaha dhexe ee Xisbiga talada haya ee  KULMIYE

 Hargeysa (Hubaal) – Guddoomiye ku xigeenka golaha dhexe ee xisbiga talada haya ee KULMIYE, Xil. Maxamuud Jaamac Warfaa ayaa ka digay abaar siyaasadeed oo dalku galo haddii ay mar kale muddo kordhin kale oo aan loo meel dayini timaado. Xil. Maxamuud Jaamac waxaa uu sheegay in maadaama oo Madaxweynaha Somaliland uu sheegay inaanu u baahnayn muddo kordhin dheeraad ah oo xilka uu sii hayaa ay habboon tahay in laga wada tashado sidii xal waara looga gaadhi lahaa go’doonka siyaasadeed ee dalka ka jira, isaga oo dhinaca kalena wax lala yaabo ku tilmaamay in xisbiyada mucaaridku u sacabo tumaan sidii doorashada dib loogu riixi lahaa “Waxaa Madaxwenynuhu soo jeediyey in saddexda xisbi iyo komishanka doorashooyinku inta ay isu tagaan ay muddada la kordhinayo ay isla soo qaataan xilliga ay noqonayso”. Sidaas ayuu yidhi Xil. Maxamuud Jaamac Warfaa oo ka tirsan golaha wakiillada ahna guddoomiye ku xigeenka golaha dhexe ee xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE oo shalay magaallada Hargeysa ugu warramay wargeyska HUBAAL.  Xildhibaanka oo qaddiyadan hore uga hadlay waxaa uu mar kale ku  celiyey in xaallada abaareed ee dalka ka jirtaa wallow ay u muuqato haddana  muddo kordhin la sameeyaa ay saamayn taban ku keeni doonto mustaqbalka siyaasadeed ee Somaliland, “horena waan u idhi  ee lama arag, saaxadda Siyaasadeed eeSomaliland-na way ku cusub tahay niman mucaarid ah doorasho diida, abaartu way jirtaa laakiin abaar ka xun baa inna haysa, oo waa maxay abaartaasi” ayuu yidhi xildhibaan Warfaa, waxaanu intaa ku daray isaga oo sii faahfaahinaya abaarta kale eeka jirta dalku “Abaartaasi waa abaarta siyaasadda, abaartaasna rtmid xumi ma jirto, waana ta aynu doonayno inaynu ka baxno. Haddaan idiiin micneeyo abaarta siyaasadda waxa aan uga jeedaa, tusaale ahaan immika haddii aynu Suuriya oo kale eegno, haddaynu Ciraaq oo ah Wadan qani ah eegno, beerihii buu leeyahay, xoollihii buuleeyahay, macdantii iyo baatroolkii buu leeyahay, haddana immika Carruurtii Ciraaq waxaa loo dawaraa caanno boodhihii, dawaradaasna waxaa u sabab ah Siyaasad xumo halkaa dhigtay”. Ayuu yidhi Mr. Warfaa, waxaana uu dooddiisa ku ladhay in abaar siyaasadeed oo Somaliland ku timaada lagaga hor tegi karo   hal qoddob  oo uu yidhi “Isbedel degdeg ah oo siyaasadeed ayaa lagaga gudbi karaa abaarta siyaasadeed ee aan sheegayo. Marka la leeyahay sannad hala kordhiyo  ama lix bilood hala kordhiyo anigu waxaan leeyahay muddadii aynu heli jirnay roobka  ee aynu u barangay waa Bisha March,  waxaan qabaa haddii bisha March bil lagu daro, oo April ama June oo xilligii ay doorashadii hore ee 2010 inoo qabsoontay ahayd, labadaas bilood waa laga soo doogayaa. Markaa abaarta siyaasad xumada aynu ka baxno ayaan odhan lahaa”. Ayuu yidhi.  Gebogabadii waxaa uu soo jeediyey Xil. Maxamuud Jaamac Warfaa in wada tashi la isugu yimaado  oo cidda ay taladu ka go’daa xal soo saarto “ anigu waxaanleeyahay bisha shanaad ee sanadkan ama bisha lixaad  yay innagu dhaafin, waayo odaygii waxaa uu soo taagan yahay aniga way iga dhan tahay, muddo kordhintana waxaa uu ka yidhi waar ceeb bay igu tahay  oo waa fadeexday wuu korodhsaday, aniguna muddo kordhin ma doonayo ee intaad waxaas oo dhan kasoo tagtaan, hala soo gaabiyo muddada.  Inta ka horreysana abaarta si dhab ah halloogu gurmado”. Ayuu yidhi Xil. Maxamuud Jaamac Warfaa, guddoomiye ku xigeenka  golaha dhexe ee KULMIYE oo shalay jimcihii u warramay wargeyska  HUBAAL.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here