Hargeysa(Hubaal/ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa shaacisay cadadka mala-awaalka miisaaniyad sannadeedka 2022, taas oo ay ka muuqdaan waxyaabo korodh ah iyo qadar loo kordhiyay ciidamadda qaranka.
Hase yeeshee kama muuqato qoraalka miisaaniyada doorashada la filayo in ay dalka ka dhacdo sanadka 2022.
Qoraal kasoo baxay shirkii gollaha wasiirrada Sonmaliland ee maanta oo uu shir-guddoominayay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, dood dheer iyo falanqayn kaddib waxa lagu ansixyay miisaaniyad sannadkeedka 2022-ka.
Miisaaniyada ay Wasaaradda horumarinta Maaliyadda Somaliland soo hordhigtay goollaha wasiirrada, ayaa cadadkeeda lagu sheegau 3,447,802,505,538 (Saddex Tiriliyan, Afar Boqol iyo Toddoba iyo Afartan Bilyan, Siddeed Boqol iyo laba milyan, shan Boqol iyo shan kun iyo shan boqol siddeed iyo soddon shilin.
Qoraalka, ayaa lagu xusay in miisaaniyad sannadkeedka 2022, marka loo eego miisaaniyadii sanadkii hore 2021, ay ka badan tahay 17% (Boqolkiiba Toddoba iyo Toban).
Oddoroska Miisaaniyad sannadkeedka 2022 ayaa la xusay in ay korodhay miisaaniyadda guud ee dawladda 17% sannadkan, halka miisaaniyadda Dawladda dhexe korodhay 11% sannadkan 2022.
Sidoo kale, waxa lagu xusay qoraalka in miisaaniyadda dawladdaha hoose korodhay 44% sannadkan, halka Miisaaniyadda Hay’addaha madaxa bannaan ee dawladduna kordheen 12% sannadkan, iyadoo Mashaariicda mucaawimooyinka dibedda la sheegay in miisaaniyaddoodu korodhay 41% sannadkan, balse laguma xusin qoraalkaa meelaha laga filayo korodhkaa.
Oddoroska Miisaaniyad sannadkeedka 2022-ku waxay u kala korodhay:
Miisaaniyadda guud ee dawladda oo 17% korodhay sannadkan
Miisaaniyadda Dawladda dhexe waxay korodhay 11% sannadkan
Miisaaniyadda dawladaha hoose waxa korodhay 44% sannadkan
Miisaaniyadda Hay’adaha madaxa bannaan ee dawladduna waxa korodhay 12% sannadkan
Mashaariicda mucaawimooyinka dibeda oo iyagana miisaaniyaddoodu waxay korodhay 41% sannadkan.
Waxaana xusid mudan in sannadkan ciidamada dalka loo kordhiyey 20% mushahaarooyinkooda.
Oddoroska miisaaniyad-sannadeedka 2022-ka ayaa muhiimadda koowaad lagu saari doonaa qodobadan hoose:
- Isku dheelli-tirka dakhliga iyo kharashka,
- Xakamaynta sicir-bararka
- Ilaalinta qiimaha shilinka Somaliland.
- Ka guurista ku-tiirsanaanta cashuuraha kastamka.
- Xoojinta amniga.
- Qabashada iyo soo saarista biyaha.
- Ku-talogalka abaaraha.
- Xoojinta keydka qaranka.
- Kor u qaadista adeeggyada caafimaadka iyo waxbarashada.
- Dhiirrigelinta wax soo saarka.
- Deegaanka.
- Xoojinta ictiraaf raadinta.
- Kaabayaasha.
Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire oo qodob qodob u akhriyey oddoroska miisaaniyadda iyo sida ay ka wasaarad ahaan xilka iskaga saareen inay dalka u sameeyaan miisaaniyad daboosha baahiyaha kala duwan ee qaranka, iyaga oo caddeeyey inay si masuuliyadi ku jirto uga baaraan degeen oddoroska ay sameeyeen, iyada oo ay xubnaha golaha wasiirraduna ku ammaaneen dedaalkii wasaaradda horumarinta maaliyada iyo hawl-wadeennadeedu ay wakhtiga u geliyeen ka midho dhalinta miisaaniyad sannadkeedka 2022-ka.
Dood iyo falanqayn dheer kaddib, waxa uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, cod geliyey ansixinta oddoroska miisaaniyadda, waxana ay goluhu cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen miisaaniyadda qaranka ee sannadka 2022-ka, iyadoo ay golaha fadhiyeen 30 wasiir, waxaana u codeeyey 29 wasiir, halka uu wasiir ka maamusay, mana jirin cid diidday ansixinta miisaaniyad sannadeedka 2022-ka.
ALLAA MAHAD LEH
Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL.