“Dawladdii Sicirbararka La Dagaalami Lahayd Waxay Ku Mashquulsan Tahay Sidii Ay Muuse U Soo Saari Lahayd, Dee Muuse Immika Nalama Sinnee Ka Hadha Ileyn…….” – Feysal Cali Waraabe
Boorama (Hubaal) – Guddoomiyaha Xsibiga Mucaaradka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ku eedeeyay xukuumadda Somaliland in ay ku guuldaraysatay sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka Sicir-bararka oo uu sheegay inay kaga mashquushay sidii ay usoo saari lahayd Muuse Biixi oo ah Murrashaxa KULMIYE. Guddoomiyaha UCID, waxa kale oo uu bulshada Boorama ugu baaqay in ay kala doortaan Laba Murrashax Madaxweyne ku xigeen oo kala ah KULMIYE iyo WADDANI ah iyo Murrashax Madaxweyne oo UCID ah. Khudbaddii Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo uu kaga hadlay arrimahaa iyo kuwo ka jeediyay munaasibad lagu daahfurayay qaadashada Kaadhadhka diiwaangelinta oo lagu qabtay xarunta gobolka Awdal ee Boorama shallay. Ugu horeyn isaga oo ka hadlaya arrimaha sicir bararka oo uus heegay in dawladdu sidii ay dawladdu wax uga qaban lahayd kaga mashquushay amuuro kale “Dawladdii Sicirbararka la dagaalami lahayd waxay ku mashquulsan tahay sidii ay Muuse u soo saari lahayd, Muuse waad sharraxdeen oo waad doorateen dee nagama xoog yara ee ka hadha hanala tartamee ileyn immika nalama sinnee, idinkuna [xukuumadda] ummada us haqeeya”. Sidaas ayuuyidhi Feysal cali Waraabe. Waxaanu intaa kudaray isaga oo farta ku fiiqaya dhabaha ay Somaliland horumar dhinac kasta ah ku samayn karto “Waxaa ay ku xidhantahay in Somaliland horumar gaadhaaw axa weeye in uu Isbedel yimaado, isbedel dhiig cusub leh oo aan hore loo tijaabin, taasna idinka [shacbiga] ayaa gacanta ku haya maanta haddii aad kuwa golaha wakiillada fadhiya aad madaxweyne ka dhigtaan iyo haddaad KULMIYE mar kale saartaan oo aad Jeneraalka saartaan, kuwaas oo aan wax isbedel ah samaynayn”. Ayuu idhi Feysal cali Waraabe, isaga oo gebogabadii hadalkiisana sheegay in danta Somaliland ay ku jirto sidii ay reer Somaliland isugu tashan lahaayeen iyaga oo aan cidna waxba ka sugin. Ugu dembeyna waxaa uu reer Somaliland isu barbar dhigay musharraxiinta saddexda xisbi qaran oo uu sheegay in ay laba musharrax madaxweyne ku xigeen iyo hal musharrax madaxweyne ay leeyihiin “reer Boorama waa ay mahadsanyihiin waxaanan leeyahay ogaada waxaad leedihiin laba musharrax ku xigeen iyo musharrax madaxweyne, markaa laba madaxweyne ku xigeen iyo hal madaxweyne kala doorta ayaan leeyahay”.