Shirkada Q-Unit Medical Group Oo Somaliland Keentay Markii U Horeysay Daawooyinkii Dhiig-Joojinta
Maamulka Shirkada Q-unit medical group wuxuu Ku Wargalinaya Dhamaan Bulshoweynta Reer somaliland Ee ku Dhaqan Caasimada Hargaysa Gaar Ahaan Bahda Caafimaadka. In Sidii Shirkadan Daawooyinku Hore Ugu Balan Qaaday In Dalka Ay Keento Daawooyinka Loo Isticmaalo Xaaladaha Caafimaad Ee Degdeg Ah ( EMERGENCY BLEEDING SITUATIONS). Dadaal Dheer Ka Dib In Ay Hadda Ay Dalka Gudahiisa Soo Gaadheen Daawooyinkii Dhiig-Joojinta Iyo Qalab Kale Oo Gabi Ahaanba ku Cusub Dalka Gudahiisa.
Kuwaaso Baahi Aad u weyn u Qabeen Kana Maqanaa Dhamaan Goobaha Caafimaadka Ee ku Yaalla Caasimada Somaliland Ee Hargaysa. Maamulka Shirkadan Oo Ka Warbixinaya Daawooyinkan Ayuu Wuxuu Yidhi.
“Haddii Aan Ka Warbixiyo Oo wax Aan Sharaxo Daawooyinkan Iyo Qalabka kale Ee aanu Dalka ku Soo kordhinay, run ahaantii sida cad Ee Muuqata Waxa Jirra Baahiyo Caafimaad Oo Farabadan kuwaaso Dalka Yaalla Laakiin Waxaan Filayaa Ka Maamul Ahaan Shirkada Q-unit medical group Waxaa Aan Qabaa Uun in Ay ahayd Baahi Muhiim Ahayd In La Soo Kordhiyo Oo Loo Baahana…Taasina Way Noo Suurto gashay Ilahay baa ku Mahad Leh , waxaanu Dadaal dheer Ugu jirnaa sidii aanu u Soo kordhin lahayn Baahiyaha Asaasiga ah Ee Bulshada Iyo Goobaha Caafimaadka Ee Dalka ka Maqanaa.
Q-unit medical group waa Shirkad ku cusub Dalka Gudahiisa hiigsigeeduna fogyahay
Waxaan Mar walba aanu Dadaal Ugu Jirina in aanu Soo Kordhino Wixii ka maqan Adeega Ama qalabka Caafimaad Ee Muhiim Ka Ay Tahay in laga Helo Goob Kasta Oo Dadku u Taagan Baahi Caafimaad. Haddaba daawooyinkaa ayaa Waxtar weyn u Yeeli doona dadka Ay la Soo daristo xaalad Caafimaad, gaar Ahaan hooyoyinka uurka Leh Ee Lagu sameeyo qaliinada (C-Section OPERATIONS) , kuwaaso inta Badan la kulma Xaalado Adag Oo Halis ku keeni Kara noloshooda Wakhtiyadaas Oo kale Iyo waliba dadka kale Ee ku waxyeelooba shilalka gaadiidka Ee ka dhacca beriga Iyo Galbeedka magaalada Hargaysa kuwaaso Wakhtiyada qaar in Ay u geeriyooda Dhiig Bax Farabadan Iyo waliba dadka kale Ee Ay la Soo darsaan xaaladaha Caafimaad darro sida xiliyada Qaliinka Lagu sameeyo qofka Bukaanka ah . Haddaba anigo soo koobaya hadalkayga Waxaan Bahda Caafimaadka gaar Ahaan dhakhaatiirta ka hawl gasha Goobaha Caafimaad Ee ku yaala Hargaysa Iyo Gobolada kale Ee Dalka in Daawooyinkani. Waxtar weyn ka gaystaan Dhamaan Xaaladahaas Aan sheegay.
Waxa sidoo kale muhiim Ay Tahay in laga Helo Goob kasta Oo Bulshadu u tagto xaalad Caafimaad darro . Waxa Daawooyinkan Loo Isticmaala xaaladahaan Caafimaad darro Ee Ay ka mid yihiin :
1- Qaliinka Hooyoyinka Uurka Leh ( C-SECTION OPERATION)
2- Dhaawacyada Culculus
3- Qaliinada Guud ( GENERAL SURGERIES )
4- Qaliinada Lagu Kabbo Lafaha ( ORTHOPEDIC SURGERIES )
5-Guud Ahaanba Wixii La Xidhiidha Xaalad Dhiig -Bax (EMERGENCY BLEEDING)
Haddaba Wixii Faahfaahin Intaasi Dheer Kala Xidhiidh Ciwaanada Iyo Tilifoonada Hoos Ku Qoran :
Email- Q.unitm@gmail.com
+252633226127
+252633242266
+252634222219
+252634819145
Location: CUMAR HASHI BUILDING 3rd Floor Main Office
CEO & MANAGER
DR- Mustafe O Yousuf