Guddiga Doorashooyinka Oo Shirkadaha Isgaadhsiinta Faray Xayiraad Hawada Lagaga Saarayo Baraha Xidhiidhka Bulshada Ee Internetka Iyo Xilliga La Dhaqan-gelinayo
Human Rights Watch Oo Ka Hadashay Aragtideeda Ku Aadan Baraha Xidhiidhka Bulshada Eela Xidhi Doono Xilliga Doorahsada
Hargaysa (Hubaal)- Ololihii Doorashada madaxtooyada Somaliland oo socday muddo 21 maalmood ah, ayaa lixdii fiidnimo ee xalay la soo gabogabeeyay, waxaanay Komishanka doorashooyinku sheegeen in ciidammada ammaanku talaabo ka qaadi doonaan taageereyaasha xisbiyada ee lagu arko shaaricyada iyagoo sita astaan xisbi. Guddida doorashooyinka qaranku waxa kaloo ay intaas ku dareen inay 6-da Fiidnimo ee maalinta codbixinta doorashada hawada laga saari doono baraha saxaafada bulshada sida facebook, twitter-ka iyo qaar kaleba, waxaanay hawada ka maqnaan doonaan ilaa natiijada la shaacinayo. Afhayeenka Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Siciid Cali Muuse iyo Gudoomiyaha Komiishanka Doorashooyinka Eng C.qaadir Iimaan Warsame oo shalay Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in barkulanada bulshada ee Internetku ay Xidhnaan doonaan Ilaa ay ka soo baxayso natiijadda Doorashadda Madaxtooyadu,Waxaa kale oo ay Digniin u direen in Maadaama uu Ololihii Doorashadu soo dhamaaday aan la arki Karin astaamaha Xisbiyada oo lala gaaf wareego Magaalooyinka dalka.
Human Rights Watch Oo Ka Hadashay Aragtideeda Ku Aadan Baraha Xidhiidhka Bulshada Eela Xidhi Doono Xilliga Doorahsada
Ururka Caalamiga Ah Ee HRW ayaa ka hadlay sida ay u arkaan go’aanka uu komishanka Doorashooyinka Somaliland shalay shaaciyey ee ahaa in muddada doorashada lagujiro hakadla geliyo baraha xidhiidhka bulshada ee Internetka. Warbixin Uu Ururku Humar Rights Watch Xalay ku faafiyey boggiisa Internetka ee https://www.hrw.org/news/2017/11/10/shuttering-social-media-during-somalilands-elections waxyar ka dib markii galabnimadii uu komishanku goo’aankaasi shaaciyey ayaa uu ku tilmaamay in amarkaasi uu caqabad ku noqonayo geediga dimuqraadiyadda isaga oo HRW ku dooday in tallaabadaasi dhaawici karto sumcaddii ay jamhuuriyadda Somaliland ku kasbanaysay hanaanka doorasho ee xorta ah. Laetitia Bader oo ah cilmi baadhe sare oo ka tirsan Qaybta Afrika ee ururka caalamiga ah ee Human Rights Watch ayaa ka hadashay go’aanka Gudida Qaran ee Doorashooyinku uu ka soo saaray isticmaalka baraha bulshada xiliga doorashada. Waa kan qoraalkii ay soo saartay oo dhamaystiran. “ 13ka November, dalka iskii ugu dhawaaqay madax banaanida ee Somaliland ayaa qaban doona doorasho madaxwayne oo ah tii sadexaad ee ay qabato tan iyo 1991 kii markii ay ku dhawaaqday inay ka madax banaan tahay Somalia. Madaxwaynaha hadda xilka hayaa ayaa xilka ka degi doona, waxaana ku baratamaya murshax ka socda xisbiga talada haya iyo laba mucaaraad ah, doorashadan oo faalada dadka bixiyaa ay ku tilmaameen tartan isku dhow. Gudida qaran ee doorashadu wuxuu maanta kaga dhawaaqay shir jaraa’id in uu xidhi doono baraha bulshada laga bilaabo 13 ka November ilaa inta ay soo baxayso natiijada doorashadu. Iyada dawladuhu ay u raadiyaan xayiraadaha caynkaas ah cudur ah in faalada laga bixiyo dooashadu ay keenayso rabshado ama fiditaanka “war been abuur ah,” hadana in dadku helaan xog waxay daruuri u tahay in la helo doorasho xor iyo xalaal ah. May 2015 baaq ay soo wada saareen khuburo ka kooban dawlado badan oo u xilsaaran xorriyadda hadalka waxaay sheegeen in xidhitaanka qayb dhan oo ka mid ah habka is gaadhsiintu aanu ahayn “mid sina weligii cudur loogaga heli karo xeerka xuquuqda aadanaha.” Xanibadaha dawladuhu soo rogaan waa inay yihiin kuwo sharciga ku salaysan oo daruuri ah islamarkaana u dhigma jawaab laga bixinayo walaac amni oo cayimn, balse maaha inuu noqdo uun in la xanibo qulqulka xogta. Xayiradan hada la soo jeediayay waxaay noqon doontaa tii u horaysay ee Somaliland ka dhadca, balse kuma cusba gobolka. Dalal dhawr ah oo ay ka mid yihiin Sudan, Koonfurta Suudaan iyo Itoobiya ayaa madaxdooda is gaadhsiintu ay si toos ah u xanibeen interneetka maalmo ama mudooyin ka badan inta lagu jiray xasilooni darro bulsho ama doorasho. November 2016 Gudida Afrika ee Xuquuqda Insaanka iyo Dadyowga ayaa ka muujiyay walaac “dhaqanka soo baxaya ee ah inay Dawlado qasayaan ama xanibayaan in la helo adeegyada is gaadhsiinta sida interneetka, baraha bulshada, adeegyada fariimaha, kuwaas oo sii badanaya xiliga doorashooyinka,” waxaayna ugu baaqeen dawladaha inay damaanad qaadaan, ixtiraamaan, oo ilalaiyaan xuquuqda muwaadiniintu u leeyihiin xorriyadda xogta iyo cabiriddda iyaga oo isticmaalaya adeegga interneetka. Madaxda Somaliland waa inay aqoonsadaan in interneetku door muhiim ah ka ciyaaro horumarkeeda iyo geediga socodka dimoqraadiyada. Hadii ay walaac ka qabaan fiditaanka “war been abuur ah’ iyo xasilooni darro bulsho, waxaay fidin karaan xogta saxda ah, waxaayna wacyi gelin ka samayn karaan inaan la samayn rabshado. Somaliland waxaay fursad u haysataa inay u qabato doorashada hanaan kobciya ka qaybgal sax ah. Waa inay ka noqoto qaadista talaabooyin waxyeelo taas u gaysan kara.