Ooto Biixi Iyo Dhallinyaro Xus U Sameeyay Dhallinyaradii Ku Geeriyooday Doorashoyinkii 2012

0
34

Hargeysa(Hubaal)-Mujaahid Maxamed Biixi Caalin (Ooto) iyo qaar ka mid ah dhalinyarada ku dhaqan Dagmada Axmed Dhagax sida oo kalena ka tirsanaa urur siyaasadeedkii Xaqsoor oo weer cas ku jeeni qaaran ayaa shalay  xus baroor diiq ah u sameeyey dhimashada Saddex dhalinyaro ah iyo dhaawac kale  oo 6-dii Deceber 2012-kii ku dhintay kuna dhaawacmay ka dib markii ay dhaceen mudaharaado ay taageerayaashii Xaqsoro  kaga soo horjeedeen qaabkii ay u dhaceen doorashooyinkii dawladaha hoose ee magaalada Hargeysa.

Dhalinyaradan ayaa iyaga oo weerkan cas ku jeeni qaaran,waxaa ay isagu soo baxeen  xaafada Axmed Dhagax,waxaana ay ku dhawaaqayeen erayo ka dhan ah xukuumada hada talada dalka haysa iyo xisbiga KULMIYE, iyaga oo si aada carabka ugu adkaynaayey in ay iska qoomamaynayaan markii ay dooranayeen xukuumada KULMIYE,waxaana ay tibaaxeen in ay aad uga xun yihiin in xisbiga KULMIYE oo ah xisbigii ay u codeeyeen in uu dhalinyaradii xaafadaas ka soo jeeday uu hadana xabad u adeegsado,sida oo kalena waxaa ay tilmaameen in xukuumada Siilaanyo intii ay talada dalka haysay aanay waxba u qaban dhalinyarada ka soo jeeda Axmed Dhagax. sidaas darteedna ay maanta fartooda ugu hiilinayaan xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI.

 dhalinyaro xustay

Mujaahid Ooto Biixi oo horkacaayey dhalinyaradan aadka u badnayd oo ugu horeyna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay maalintani ay tahay maalin ay ku xusayaan sida oo kalena ay ugu baroor diiqayaan dhalinyaradii ka soo jeeday xaafada Axmed Dhagax ee 6-December ku geeriyooday mudaharaado ka dhashay doorashooyinkii dawladaha hoose oo ay si xooga uga cabanayeen.waxaana uu carabka ku dhuftay in yihiin kaliya dhalinyaro dareenkooda muujinaaya balse aanay ahayn dhalinyaro rabshad abuuraysa. “Sidaa aad arkaysaan dhalinyaradii waa taa,waxaana ay munaasabadu ahayd Lixdii December,waa maalintii saddexda Inan la dilay,rabshad ma wadaan,laakiin murugo ayaa ay ahayd ee Xaqsoor, fartoodana waa ay caddeeyeen in ay ku aargoosanayaan,maanta waxaa ay uga dhignayd iyadana,diyaaradii Hargeysa ka kici jirtay ee duqayn jirtay oo kale ayey u ahayd,waayo dawladii iyo xisbigii ay fartooda ku soo saareen,ayaa xabad sanbabka kala dhacay,inamadiina faataxada ayaanu u marnay”Ayuu yidhi Muj:Ato Biixi

Mid ka mid ah dhalinyarada xuska samaynaysay oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in si aada uga xun yihiin in xukuumadii KULMIYE ee ay soo saareen ay xabad ugu abaal guddo dhalinyarada ka soo jeeda dagmada Axmed Dhagax.waxaana uu yidhi:”Anaga ayaa soo saarnay markii hore Xibigii KULMIYE,waxaa na loogu abaal guday xabad iyo iyada oo dadkayagii lagu laayey,maantana waxaanu diyaar u nahay in aanu codkayagii aanu kala noqono oo xisbiga kale ee WADDANI aanu siino oo aanu ugu shubayno.Maanta oo ay tahay 6-dii December oo ah maalintii shuhadadii xaqsoor dhalinyaradayadii,waxaanu ku taaganahay xaq,waxaanu doonaynaa anagu runtii dee markii hore anaga ayaa xukuumadan codkayagii ku soo saarnay imikana anaga ayaa codkayaga ku ridayna”.

Ugu danbayntiina sida oo kale mid ah  mid ah dhalinyarada isna halkaasi dareenkiisa ku cabiray ayaa sheegay in xukuumada xisbiga KULMIYE ay kaga ciil baxayaan oo kaliya in ay codkooda ay ugu shubi doonaan xisbiga WADDANI. “Waxaanu halkan aanu ku xusaynaa mujaahdiiintii dhalinyarada ahayd ee 6-dii December nagaga dhintay oo ay geeri nootay oo dhiigayagu uu aad u kacsan yahay in aanu xusayno oo aanu waliba u ooyeyno.Maanta KULMIYE midh namuu siin,faryaradaasna waanu ku soo saarnay imakana waxaanu kaga ciil baxaynaa xisbiga WADDANI in aanu farta u dhiibano,oo aanu codkayaga WADDANI ku shubno dhalinyarada xaafada Axmed Dhagax oo dhanba”.Ayuu yidhi mid ka mid ah dhalinyarada xuska samaynaysay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here