Markii u horeysay ee aan maqlo magaciisa fasalka Lixaad ee dugsiga dhexe ayaan ka dhigan jiray dugsiga Naasa Hablood ee magaalada Hargeysa, waxaanu markaasi xiisada noogu jirtay macalimad af soomaaliga dhigi jirtay Farax Ibraahim Kooshin oo imika dhimatay Ilaahay ha u naxariistee, Macalimadu maalintaasi waxay bilowday qeybta suugaanta ee lagu dhigan jiray wakhtigaasi fasalka lixaad, waxay maansadii amma heestii ugu horeysa ahayd hees i bartay deegaano badan, xayawaano aannan aqoon u laheyn iyo noocyada fardaha, runtii waxay ahayd hees aad u macaan markii ay macalimadu ku luuqeynaysay, ereyada iyo laxanka ay ku qaadeysay ayaanu ogaanay in macalimadu mar fanaanad noqotay nolosheeda. Heesta “sida geed caleen”ayay ahayd oo maalintaasi taariikhdeeda ay nooga sheekaysay, runtii waxaan maalintaasi bartay aqoon iiga duwanayd middii hore ka qiimo badan, wakhtigaasi ka hor suugaanka macno iima sameyn jirin laakiin heestaasi aad ayaan u dhageysan jiray, waxaan jeclaaday suugaanta heeso badan ayaa bartay, oo luuqada Soomaaligu waxay ii ahayd tan koowaad ee aan dugsiga ugu soo horeeyo meelo badana aan ka raadiyo heesaha iyo maansooyinka abwaanka Axmed Saleebaan Bidde ee Heestaasi lahaa.
Aqoon durugsan oo aanan u laheyn iyo wakhtiga oo ii saamixi waayay inaan la kulmo oo aan sheeko wadaag noqono runtii dhowr jeer oo aan Idaacadda Hargeysa iyo xarunta dhaqanka Hargeysa ku kulanay waxaa uu salaanta iiga qaaday si fiican oo xushmad leh, aqoon ii ma laheyn isagu laakiin aniga waxaa dareen gaar ah ii sameynaysa in fanka iyo suugaanta Soomaalida qof sumcadaasi ku leh uu wakhtigu isoo gaadhsiiyay.
Soomaali waxaa uu ka midyahay shaqsiyaadka ugu caansan dhinaca suugaanta qofka aan magaciisa aqooni waxaa uu ku raaxeystaa ereyadiisa, soddonkii sano ee u dambeeyay waxaa ku noolaa Axmed Somaliland gaar ahaan Hargeysa runtii qofkasta oo yaqaana waxaa ay u xushmeen kaalinta uu kaga jiro bulshada. qof karmeed in la karaameeyo mudan oo sida caruurta loo koolkooliyo ayuu mudnaa, in loogu mahadnaqo halgan uu suugaanta usoo galay ayuu mudnaa, in dhulka laga ilaaliyo oo murugo iyo werwer la galin ayuu mudanyahay, in la nasiyo oo dhibaatada iyo xagxaggasha laga ilaaliyo ayay ahayd.
Sanad ka hor waxaan daawaday Axmed oo cabanaya dhul uu lahaa oo laga qaaday madaxwaynaha la hadlaya, haddana sanad kadib maanta ayuu markale cabanayaa oo inta gidaar gurigiisa ku yaalo kasoo hadlo kuwii maamulayay ka cabanayaan, wax dhamaaday oo caaqil, Suldaan, Siyaasi iyo Soomaali dadka xeer iyo xigaaleba yaqaan ayuu dirsaday oo haddana la dhibaataynayaa oo hantidii 1946 uu lahaa nin damacsanyahay in laga qaado, waxaa ku kalifay inuu dadkuu jeclaa la hadlo oo wax ogeysiiyo wuxuu qaadan laayahay in nin shaadh wasiir xidhan u yimaado oo ugu awood sheegto mansabka uu hayo, madaxwayne waa ka qaalinsanyahay Axmed, garoon diyaaradeedna dadka soomaalida isaga ayaa uga qiimo badan, may ahaydn in maalinba laga hadlayo oo laga hoos kaco awoodna loo sheegto, waxay ahayd in la qanciyo oo si fudud wax loogu sheego, may ahayn in arrintiisa ay siyaasiyiin warbaahinta keenaan oo la iskugu jawaabo iyadoo lagu dheeldheelayo oo nin xaafadeed laga dhigayo, in laga hadlayo oo wasiir maanta u jawaabo waxaa keenay halka ay innaga mareyso qadarin la’aanta kuwa innagu dhex nool ee magaca leh. Cabashada Axmed Saleebaan Bidde ee wasiirka Hawlaha guud iyo guryeynta maaha mid wax wanaagsan oo lagu farxo, waa naxdin iyo damiir xumo in Axmed dhibtiisa halloo dulqaato haddii laga gardaranyahayna caloolxumo yaan loo horseedin ee halla raali galiyo.
Bidde iyo dadkale ee Birma-geydada ah awoodu haka xishooto, lacagtu haka foorarsato, sharcigu ha ixtiraamo, khalad hadduu ka dhacana haloo dulqaato. Faysal Cali Waraabe, Suldaan Maxamed Cabdiqaadir iyo Boqor Buurmadow kuwii maanta Inna Saleebaan Bidde kaxeysan lahaa maaha marka xafiis dawladeed la tagayo amma masuul is qabteen ee waa kii isagu raaci lahaa ee loogu joogsan lahaa.
WQ: Ilyaas Cabdi Cali.
Hargeysa Somaliland.