Dr.khadar-Libaaxley.
Prof. Cabdi Ismaciil Samatar waxa aad tahay af-qabeen, horyaalka aqoonyahan heer caalami ah, mudanka inta soomaali arimaheeda aduunku in ay wax ka weydiiyaan kaga talla galaan; kuf kayga iyo kaalintayda may’aheyn in aan u holodo jawaabta aragti siyaasiya oo aad dhiibatay dareen celinteed; hayeeshee gacanta ayaa si dareen la’aan ku dhisan u maroorsanaysa qalinka qormeeya culeyska faalooyinka kashayda ku cartama marka ay curtain.
Sida ay u dhisantahay dhismaha nolosha dabeeciga ah xayawaan ku uu kala yaqaan xaafada uu yahay, xerada uu yahay iyo xaynta ay xeer iyo xigsiimo wadaag yihiin; wax isku kay qaban la’ adiga oo isir hide ahaan ka soo jeeda ( Awdal iyo Maroodi-jeex) waxa xiisahaaga xamar u la xawaareeyey iyadii oo aaney xan-falay qaadanin oo xiskaaga iyo xaalkaaguba xasilooni nagi yahay??!.
Maxaa kugu kalifay in aad aragti ahaan aad la safato talliska xamar ee ay naan isku xero iyo xoola toona aheyn; ( inagu British protectorate iyagu itallian colony ) oo waliba diidan jiritaankaaga, noloshaada iyo ehelka aad ka beerantahay?
Soo jeedin:
Waxay aheyd in aad adigu wax u sheegto sax ah aniga iyo qeyrkay; may aheyn in aan adiga maanta wax kuu sheego sax ah; hayeeshee ill-duufka, is-moodsiiska iyo wakhtigaa wax saarka leh oo ka dhigay in aan hillinka hagaagsan ku idhaa waa kaa!! Si uu xaal yahay ba:-
- Waxa aan kugu waaninayaa in aad ogaato cida aad tahay?
- Waxa aan kugu waaninayaa in aad dadkaaga iyo dalkaaga cilmiyan iyo caqliyan in aad u soo guryo noqoto oo aanad noqon faasid dhaansade.
- waxa aan kugu waaninayaa in aad Somaliland iyo danaheeda u ololeyso adiga oo gudanaya xaqa dadkaaga iyo dalkaagu kugu leeyahay oo aanad ka ololeynin .
- reer Awdal iyo dhamaan reer Somaliland waxa ay kaa sugayaan halka aad dhigtay hiilka xaqii iyo xuquuqdii isir dhalasho ee ay kugu la haayeen.
Fiiro gaar ah:
Prof cabdi ismaciil samatar; waxa aad tahay prof kaygii iyo dhamaan ummada soomaalida fariinta qormadan u qaado dhanka toggan ee hagaagsan, iskuna day in aad u hogaansanaato fulinta fariimaha ay xambaarsantahay.
Dr.khadar -Libaaxley
gargorey4@gmail.com
Regional political analysts