Prof. Cabdisalaan Yaasiin Oo Faahfaahiyey Ujeedada Doodii Xalay Ee Xisbiyada Qaranka, Cida Agaasimkeeda Lahayd & Doorka Ay Ka Madal Ahaan Ku Lahaayeen

0
290

Hargeysa (Hubaal) Prof. Cabdisalaan Yasiin oo ka mid ah siyaasiyiinta madasha wadatashiga ee Somaliland, ayaa ka hadlay doodii xalay xisbiyada qaranka loogu qabtay magaaladda Hargeysa iyo cida iska lahayd qabanqaabadeeda, isla markaana casuumada u fidisay saddexda xisbi qaran iyo sidoo kale doorka ay ku lahayd madasha wadatashigu.

Prof. Cabdisalaan oo maanta warbaahinta kula hadlay aqalka uu ka degan yahay magaaladda Hargeysa ayaa faahfaahiyey doodaasi xalay loo qabtay asxaabta qaranka, sida ay ku timid, cida keentay, cida agaasimkeeda lahayd iyo doorka ay madasha wadatashigu ku lahayd, waxaanu yidhi;

“abaabulka doodaasi waxa qaadatay wasaaradda waxbarashada, agaasinka siiba tacliinta sare, agaasimaha guud ee tacliinta sare ayaa arrintaa xilkeeda qaatay. Annagu (Madasha Wadatashiga) wuu noo yeedhay, waanu u tagnay xafiiskiisa ayaanu kula kulanay, oo waxay ahayd goortii aannu la kulanay, sabtida Berrito ah (Maanta) sabtideedii, markii aanu la kulanayna, sidii arrinta loo qabanqaabinayay ayaanu iska waraysanay. Wuxuu noo sheegay in isaga oo agaasimihii guud ah ay arrintii sidan la noqotay, mar haddii jaamacaddihii oo dhami isugu imanayaan, doodii halkaasi aynu ku bilowno. Dooduna taasi oo keliya may ahayne, qorshuhu waxa weeyaan in ugu yaraan saddex doodood oo kale oo intuba jaamacadduhu u dhacayaan, min Bari ilaa Galbeed ka qabsoomaan. Dabadeed waxa uu yidhi haddii aad idinku odayadii tihiin, idinku inaad su’aalaha soo samaysaan oo hogaamisaan baanu doonaynaa, waxaanu yidhi ‘anigu haddii aan agaasimihii ahay, waxaan la xidhiidhay guddidii doorashooyinka oo aan arrintii u sheegay, aad baanay usoo dhaweeyeen’ ayuu nagu yidhi. Intaasi kadibna wuxuu agaasimahu yidhi haddana ‘waxaan la xidhiidhay saddexdii xisbiba, ballanbaanan kasoo qaatay ah inay kasoo qaybgalayaan, waanay ii qaadeen ballantii. Wuxuu agaasimuhu noo sheegay inuu markaasi Feysal Cali Waraabe maqnaa, oo waxaan la xidhiidhay buu nagu yidhi xisbiyada.” Ayuu yidhi Prof. Cabdisalaan Yaasiin oo warbaahinta uga waramay sidii ay doodaasi ku timid cida qabanqaabadeeda lahayd iyo doorka ay ka madal ahaan ku lahaayeen.

Halkan Ka Daawo intaasi iyo in kabadn oo Prof. Cabdisalaan kaga hadlay shirkiisa jaraa’id.

Mustafe Maxamed Cabdilaahi (Faro)

Hubaal Media Network

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here