Prof. Cabsisalaan Yaasiin Oo Shaaciyey Inuu u Tartamayo Jagada Madaxweynenimo ee Xisbiga Waddani Dhexdiisa

0
24

“Maanta waxa Igu Kalliftay Inaan Kursiga Madaxtooyada Hungureeyo Waajib I saaran, Waa Gurmad, waa damqasho Dal-jire,waa…….”

Hargeysa:(Hubaal)-Prof. Cabdisalaan Yaasiin Maxamed oo kamid ahaa Saraakiishii ugu magaca dheeraa  Soona Aasaasay Ururkii SNM, isla-markaana aqoonyahan iyo Bare Jaamacadeed ah, ayaa shaaca ka qaaday Inuu u taagan yahay Jagada Madaxweynenimo ee Xisbiga Waddani oo dhawaan tartan loo geli doono.

Proffesorku oo maalintii shalay saxaafadda kula Hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu caddeeyey inuu diyaar u yahay sidii uu jagada madaxweyneimo ee Xisbiga Waddani tartan ugu galo, isagoo sharraxay Himilooyin cad cad oo uu doonayo inuu dalka gaadhsiiyo haddii uu ku guulaysto Hankiisa.prof cabdisalaan

Cabdisalaan Yaasiin Maxamed waxa uu ugu horrayn sheegay inuu Maanta ka jawaabayo su’aal in badan dadku weydiinayeen oo la xidhiidhay sababta uu Hoggaanka dalka xaggiisa ugu ruqaansan waayey,

“Dad badan baa I weydiiya oo yidhaahda maxaad isla gaabinaysaa ee hoggaanka siyaasadda uga muuqan weyday?. Su’aashaas jawaabteedu waa iska gaabinayee hoggaanka siyaasadda waan ka muuqdaa, laakiin kursiga sare ayaanan fadhiyin oo cid kale Ayaan u bannaynayey, maantase Kursigii hore Ayaan soo fadhiistay. Bulshada Reer Somaliland  iyo taageerayaasha Xisbiga Waddani waxan u sheegayaa in laga bilaabo maanta aan ahay musharrax madaxweyne oo iska soo sharraxaya Xisbiga Waddani” ayuu yidhi Prof. Cabdisalaan Yaasiin.

Mudane Yaasiin oo Hadalkiisa sii wata, ayaa taxay sababo dhawr ah oo uu sheegay inay ku  kallifeen inuu ku hammiyo Musharraxnimada Jagada Madaxweynenimo ee Xisbiga Waddani dhexdiisa, waxana uu yidhi,

“Maanta waxa igu kallifay inaan kursigaas hungureeyo 34-sano ka hor tii Igu kalliftay inaan Ururkii SNM Aasaasayaashiisii kamid noqdo, ayaa keentay, Waxa igu kalliftay Qaylo-dhaan ballaadhan oo habeen iyo maalinba bulshada ka imanaya, Waxa igu kallifay waayeel iyo waxgarad bulshada kamid ah igu boorriyey inaan isu sharraxo madaxtooyada Somaliland, Waxa igu kallifay 24-Sano kadib ku dhawaaqistii Somaliland Xaaladda adag adag ee dalku ku sugan yahay Maanta, Waxa igu kallifay Waajib I saaran, Waa Gurmad, waa damqasho Dal-jire, waa sidii Heestii tidhi Soo gaadha gacalkeen Dalkii waa la gurayaaye.”

Prof. Cabdisalaan waxa uu sharraxay  qoddobo dhawr ah oo uu sheegay inay Yool u ahaayeen Halgankii qadhaadhaa ee Dalka lagu xoreeyey, kuwaas oo uu tilmaanay inaan maanta waxba laga haynin,

“Dagaalkii aynu galnay ugu yaraan waxa aynu ka doonaynay Toddoba qodob oo kala ah, Dal xor ah, Dad xor ah, Nabadgelyo iyo deggenaansho,Dawlad caadil ah, Dawlad dimuqraaddi ah, Dawlad wanaagsan iyo Dawlad la aqoonsan yahay oo Beesha Caalamka kamid ah, Su’aashuna waa inaynu Toddobaad ka hayno dalkii oo xor ah.” Ayuu yidhi Prof. Cabdisalaan Yaasiin.

Waxa uu ku adkaystay inay ka go’an tahay Dhaqan faasid ah oo uu sheegay inuu dalka halakeeyey, waxana uu yidhi,

“waxa iga go’an inaan beddelo Dhaqanka faasidka ah ee dalkeenii ragaadiyey ee Dawladnimadeenii ragaadiyey aan Beddelo, waxa tusaale fiican inoo ah In Maanta Maamulka aynu haysano iyo Dawladaha hoose ee jiraa ay Xashiishkii Caasimadda Hargeysa guri kari la’yihiin, taas ayaa inoo muujinaysa inaanay dadku helin wixii ay u dagaallameen”

Ugu dambayntii waxa uu Aqoon yahanku Farriin adag u diray Xisbiga uu ka sharraxan yahay ee Waddani, waxana uu u soo jeediyey inay la yimaadaan Saaxad nadiif ah oo ka madhan Qabiil iyo is-kooxaysi,

“Waxan xisbiga waddani ku boorrinayaa inay ka duwanaato habkaas aan soo sheegay haddii aynu doonayno inaynu  wax ka beddelo, waana inuu noqdaa Xisbi aan qof, koox iyo Qabiil midna lahayn oo dhisan oo diyaar u ah inuu tartan xor ah oo xalaal ah galo.” Ayuu yidhi Prof. Cabdisalaan Yaasiin.

Prof. Cabdisalaan Yaasiin, ayaa kamid ah Aqoonyahanka Reer Somaliland ee muddada dheer dalka ku sugnaa, isla-markaana Magaca iyo Maamuuska Bulshada ku dhex leh, waxana uu Soo Saaray oo Aqoon iyo hannaankii  ay mustaqbalkooda u dhisi lahaayeen ku hubeeyey Kumanaan Arday ah oo kasoo aflaxay Jaamacadaha dalka oo uu muddo dheer Bare iyo maamulba kasoo ahaa.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here