Garowe:(Hubaa;)-Ciidamada Sirdoonka Puntland ee PIA (Puntland Intelligence Agency), ayaa gelinkii dambe ee maalintii shalay xoog ku galay Bankiga Dhexe ee Magaalada Garoowe.
Ciidamadan, ayaa waxay ka cabanayan mushaaraad la’aan 7-dii bilood ee ugu dambeysay, taasina ay dhabaha u xaadhay qorshaha ay ku galeen Bankiga Dhexe.
Arrintan, ayaa waxaa la soo sheegayaa in xiisad ay ka abuurtay Xarunta Maamulka Puntland ee Magaalada Garoowe, iyadoona ay dadku aad u hadalhayaan.
Suxufiyiinta Magaalada Garoowe, ayaa soo sheegaya in Ciidamada Sirdoonka Puntland, ay halkaasi ka eryeen dhammaanba shaqaalihii iyo ilaaladii ku sugneydba.
Suxufiyiinta, ayaa sidoo kale soo sheegaya inaanay Ciidamadu u gudbin dhinaca khasnadda Bankiga Dhexe, marka laga reebo in ay la wareegeen Dhismaha Baanka.
Wararka, ayaa waxay intaa ku darayaan in uu socdo dadaalo lagu doonayo, sidii Ciidamada PIA-da dib looga saari lahaa Bankiga Dhexe.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha iyo Madaxda Maamulka Puntland, oo ku aadan tallaabada ay Ciidamada PIA-da gudaha ugu galeen Bankiga Dhexe Garoowe.