Garoowe(Hubaal):- Ciidanka Amniga ee Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland (PSF), ayaa War ay soo saareen ku sheegay inay gacanta ku dhigeen 14 Dhalinyaro ah oo isugu jiray Ajaanib iyo Soomaaliya, kuwaas oo ka tirsan Al-Shabaab, kuna socdey in ay ka mid noqdaan Malleeshiyada Al-Shabaab ee ku sugan Buuraha Calmadow iyo Galgala oo Puntland dagaal adagi ka dhexeeyo. Dhalinyaradan waxaa qabtey Dad Reer guuraa ah oo deggan Dhulka ku dhaw magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, kuwaas oo ku wargeliyey Laamaha Amniga ee Puntland oo markii dambe iyaguna qabtay, sida Warkan Booliska ka soo baxay lagu sheegay. Dhalinyarada la qabtey ee 14-ka Ruux ka koobnaa, ayaa watey Baabuur, waxaana ay ka leexdeen waddada Laamayda ah, lama garan karo halka Gaadhigu uu ka soo qaadey. Dadka deegaanka Cuun oo ku dhaw magaalada Garoowe ahna Dhulbeereed ayey Dhalinyaradaasi isugu sheegeen in ay ahaayeen Tahriibayaal, markii ay garan waayeen meesha tooska ah ee ay ku socdaan ka dib, si ay u tilmaamaan. Hase-yeeshee, markii ay gaadheen Tuulada Timir oo aan wax badan ka fogeyn deegaanka Cuun, waxaa halkaas ku celiyey Dhalinyaro hubeysan oo Reer-guuraa ah, kuwaas oo Warbixin ka helay Dadka iska leh Beeraha Cuun ee markii u horreysey arkey Dhalinyaradaas. Waxaa halkaas gaadhey ciidan deegaanka ilaaliya oo la xidhiidhay Taliyaha qaybta gobolka Nugaal oo markii danbe isaga iyo Ciidan uu wataa kala wareegeen 14-kaas Wiil ee Ajaanibka iyo Soomaalida isugu jiray ee la sheegay inay Al-Shabaab ka tirsanaayeen, una socdeen inay qayb ka noqdaan Al-Shabaabta Galgala. Ma jirto faahfaahin dheeraad ah oo Saxaafaddu hayso, halka kooxda la qabtey ay ka yimaaddeen, Gaadhiga ay wateen noociisa, halka uu ka diiwaan-gashanaa, Dhulka ay soo mareen toona, Ciidankuna Faahfaahin qabashadooda ka badan may bixinnin. Waxaa Waddada dheer ee isku xidha Boosaso illaa Garoowe ku Safra Itoobiyaan Tahriibayaal ah, kuwaas oo aan Maamulka Puntland waxba ka qaban, waxaana la Tuhunsan yahay inay mararka qaar suuragal noqon karto in Cid ujeeddo kale lihi Tahriibayaal iska dhigi karto. Maamul-goboleedka Puntland, ayaa dagaal qadhaadh kula jira Kooxaha Al-Shabaab iyo kuwo Sheegta inay ka tirsan yihiin Ururka Daacish, kuwaas oo ka dagaallama oo Xarumo ku leh Buuralayda Calmadaw iyo Galgala ee Boosaaso ku dhaw iyo meelo kale oo Dagaalyahanno Al-Shabaab ka tirsan Ciidammada Puntland kula dagaallameen. Wasiirka Wasaaradda Amniga Puntland, Cabdi Xirsi Cali Qarjab, ayaa Shalay VOA-da Waraysi uu siiyey ku sheegay inay dileen 18 ka tirsan Dagaalyahannada Ururka Al-Shabab ee Buuralayda Galgala, isla markaana ay burburiyeen Saldhigyo ay Buuraha Galgala ee gobolka Bari ku lahaayeen Malleeshiyadaas Al-Shabaab ka tirsan ee ay dawlad ahaan dagaalka kula jiraan, sida uu Wasiir Qarjab xaqiijiyey.
Guriga WARAR UGU XIISAHA BADAN Puntland Oo Shaacisey Inay Gacanta Ku Dhigetay 14 Ajaanib Iyo Soomaali Isugu...