Badhan (Hubaal) – Ciidammada Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland u jooga Degmada Badhan ayaa xidhay Badhasaab ku-xigeenka Somaliland halkaa u jooga.
Weriyaha Telefiishanka Horn Cable Tv u jooga Magaalada Badhan, ayaa soo sheegaya in Ciidammada Puntland ee Badhan ku sugan ay xidheen Badhasaab ku-xigeenka Somaliland ee Gobolka Badhan, Cabdiraxmaan Axmed. Illaa hadda lama oga sababta Puntland u xidhay Badhasaab ku-xigeenka Somaliland u jooga Badhan, maaddaama oo awalba Masuuliyiin kala matalaya labada dhinac ay Magaalada Badhan wada joogi jireen. Dawladda Somaliland weli kama hadal Xadhigga Puntland kula kacday Badhasaab ku-xigeenkii u joogay Badhan, balse Xidhiidh uu Telefiishanka HCTV la sameeyay Badhasaabka Somaliland ee Badhana ma suurto-gelin inuu nala hadlo. Sidoo kale, Puntland ayaan ka hadal Xadhigga Badhasaab ku-xigeenka Somaliland, laakiin Arrintan ayaa sawir ka bixinaysa in dagaalka siyaasadeed ee Somaliland iyo Puntland ku dhex maraya Badhan uu isa soo tarayo.