“PUNTLAND Waa Burburtay”- Dhoobo-Daarreed Oo Eedeeyay Xukuumadda Garoowe, Baaqna U Diray Shacabka Kasoo Jeeda Gobolka Badhan

0
16

Xiin-galool (Hubaal) Guddoomiyihii baarlamaanka Puntland ee xil-ka-xayuubinta lagu sameeyay, Cabdixakiin Maxamed axmed oo loo yaqaano “Dhoobo-daarreed” ayaa markii u horreysay warbaahinta kasoo muuqday taniyo markii xilkaasi laga qaaday. Mr. Dhoobo ayaa isagoo ku sugan magaalada Xiin-galool ee gobolka Badhan la hadlay warbaahinta, waxaana uu sheegay inay meesha ka baxday wada lahaanshiyihii iyo dhismihii maamul ee Puntland, isla markaana waa sida uu hadalka u dhigaye lagu tuntay shuruucdii iyo dawladnimadii maamulkaasi, isagoona ugu baaqay shacabka kasoo jeeda deegaamada gobolka badhan inay isugu yimaadaan shir degdeg ah, kaasi oo uu sheegay inay kaga tashan doonaan aayahooda. “Waxaan uga tacsiyeynayaa qaabkii loola dhaqmay hay’ad dastuuriya ee puntland ugu sarraysay. Waxan baaq usoo jeedinayaa dadka gobolkan badhan kasoo jeeda ee puntland, inay talo degdega isugu yimaadaan oo ay arrintan ka yeeshaan.” Ayuu yidhi

Maxay Somaliland Ka Tidhi, Sideese U Aragtaa Xil-ka-qaadista Guddoomiyahii Baarlamaanka Maamul-gobolleedka Soomaaliya Ee Puntland?

Wasiirka Wasaaradda horumarinta Biyaha Somaliland Saleban Yuusuf Cali Koore ayaa xil ka qaadista Guddoomiyihii Golaha Wakiillada Puntland ku tilmaamay talaabo sharciga Maamulkaas baal marsan, waxaanu intaasi raaciyey in ay tani qayb ka tahay waxyaabaha salka u ah dhibaatooyinka Maamulka Garoowe ku hayo bulshada ku dhaqan Gobolada SOOL iyo SANAAG. Wasiir Koore oo shalay warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in ay Somaliland ku soo dhaweynayaan masuulka xilka laga qaaday oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, balse kamida dadka dabeysha Garoowe jiidatay. ”Arrin khalad ah, oo sida dastuurkoodu sheegayo ciddii meesha ku fadhiday aan sidii sharciga ahayd loo marin, waxaan u aragnaa inay sifo sharci darro ah u dhacday, Dhoobo waa nin Somalilander ah, isagoo aaminsan Somaliland hadduu imanayo, aad iyo aad baannu usoo dhawaynaynaa”

Wasiirka ayaa sheegay inuu guddoomiyihii baarlamaanka Puntland kamid ahaa dadkii uu dhawr iyo labaatankii sanno ee tegay uu u sheegayay inaan Soomaaliya waxba u oolin. Wasiir Saleebaan, ayaa bogaadiyay dadkii reer bariga ahaa ee magaca madaxwaynaha ku dhawaaqayay isagoo sheegay in wax loo qaban doono, isagoo sidoo kale farriin u diray madaxwayne-ku-xigeenka Puntland kuna yidhi ”Inta aan eedaanku dhicin tasho”

Wasiirkii Hore Ee Gaashaandhigga Somaliland, Axmed Cadami Oo Ka Mid Ah Siyaasiyiinta Ay Isku Deegaanka Yihiin Guddoomiyaha Xilka Laga Qaaday, Ayaa xil-ka-qaadistiisa Ku Tilmaamay Awood Sheegasho

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here