Putin Oo Saxeexay Sharci Warbaahinta Ajaaniibta U Aqoonsanaya Wakiilo Shisheeye

0
142

Moscow (Hubaal) Madaxwaynaha Ruushka, Vladimir Putin,ayaa saxeexay sharci dowladda u ogolaanaya in ay u diiwaangaliso warbaahinta ajaaniibta ee ka howlgala Ruushka in ay yihiin wakiilo wadamo shisheeye.

Ugu yaraan 9 ka mid ah warbaahinta ay Mareykanka maalgaliyaan ayaa liiska soo galaya.

Tillaabadda Ruushka ayaa ah mid ay uga aargoosanayaan waaxda cadalada Mareykanka oo horey u amartay in Kanaalada RT iyo Sputnik ay isu diiwaangaliyaan in ay yihiin wakiilo shisheeye.

Telefishinka RT ayaa lagu eedeeyya in uu qayb ka ahaa faragalintii la sheegay in Ruushka ay ku sameeyeen doorashadii Mareykanka .

Telefishinka ayaa beeniyay eedeeynta loo soo jeediyay.

Sharcigan cusub ee Ruushka ayaa saamayn ku yeelanaya warbihinta ajaaniibta ee laga maalgaliyo meelaha ka baxsan Ruushka.

Shirkadaha warbaahinta ee laga leeyahay dibadda Ruushka islamarkana ka howlgala gudaha dalkaasi ayaa waxaa imika jira shuruudo ay tahay in ay fuliyaan,haddii ay ku guuldaraystaana howlahooda la joojin karo.

Xigasho: bbc

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here