PUTIN Oo Sheegay Inaan Tallaabo Millatari & Cuno-qabatayn Toona Lagu Baajin Karin Qaddiyada Kuuriyada Waqooyi

0
149

Waxaa Uu Wax Lala Yaabo Ku Tilmaamay Taageerada Maraykanku Weydiistay

 

Moscow (Hubaal)- Madaxweynaha dalka Ruushka Mr. Vladimir Putin, ayaa shaaciyey in aan dagaal iyo tallaabooyin millatari waxba laga qaadi karin waddanka Woqooyiga Kuuriya, isla markaanna aannu dalkaasi joojin doonin tijaabada hubka kala duwan ilaa inta uu ka dareemayo in ammnigiisa qaranku sugan yahay. Madaxweyne Putin oo hadal ka jeediyey shir ka furmay dalka Shiinaha , waxa uu sheegay in cuno-qabatayn lagu soo rogo iyo tallaabo millatari midna lagu xakamayn karin haliska Woqooyiga Kuuriya,  Balse waxa  uu ku baaqay in xalka qudha yahay wadahadal nabadeed oo lala furo waddankan go’doonka kaga jira adduunka. “Dalka Ruushku waxa uu cambaaraynayaa ficilada Woqooyiga Kuuriya, waxaanan aaminsanahay inay yihiin tallaabooyin daandaansi ah. Laakiin, dagaal millatari oo lagu qaado wax macno ah soo kordhin maayo, marka laga reebo inuu sababo masiibo adduunka oo dhan saamaysa,” ayuu yidhi Madaxweynaha Ruushku. Waxaannu intaas ku daray; “Ma jiro dariiq loo mari karo halista Woqooyiga Kuuriya oo aan ka ahayn hab nabadeed iyo wadahadal lagu raadiyo xalka dhibaatooyinka taagan.” Madaxweyne Putin, ayaa sidoo kale cambaarayn xoogan u jeediyey waddanka Maraykanka oo uu xusay inay dawladda Ruushka ka dalbadeen taageero ka dhan ah Woqooyiga Kuuriya, waxaannu yidhi; “Waa wax aad loola yaabo oo waalli cas ah in xukuumadda Washington ay na waydiisato taageero ka dhan ah Woqooyiga Kuuriya, iyadoo ay cuno-qabatayn ku soo rogeen shirkadaha dalkayaga oo masuuliyiin Maraykan ah ku eedaynayaan inay ku xad-gudbeen cuno-qabaynta Kuuriyada Woqooyi, markaa waa wax lala yaabo oo doqoniimo ah inay sida Woqooyiga Kuuriya oo kale noola dhaqmaan, haddana ay taageero na weydiistaan… Ficilada noocan oo kale ahna waxa sameeyey dadka dalka Australiya ku qalda waddanka Austria.” Dalka Ruushka oo xad la wadaaga waddanka Woqooyiga Kuuriya, ayaa la mawqif ah dalka Shiinaha oo isagu aaminsan in wadahadal lagu xalliyo khilaafka hubka nugliyeerka ee Woqooyiga Kuuriya, waxayna labadaas waddan ka soo horjeedaan tallaabooyin millatari oo ka dhan ah Kuuriya.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here