Hordhac
Qisadan uu qoray Stephen Leacock wax ay ka mid ahayd sheekooyin la isku yidhaahdo Nonsens Novels, waxaana jeerkii kowaad lagu daabacay
London 1911. Nuqulkan waxaa laga soo turjumay afka iswiidhishka oo ay ingiriisi uga turjumeen Hans Alfredson iyo Helena Valentin, wax ayna ka mid tahay buug sheekooyinkaasi ku qoran yihiin oo la yidhaahdo Nonsens Noveller (Wahlström & Widstrand 2007).
Sheekadu wax ay si maad leh laakiin dhab ah u qeexaysaa sida qofka daacad-miskiinka ah, ama badowga ah, ama khuraafaadka rumaysan, ama garaadkiisu yar yahay, ama caafimaadkiisa maskaxeed liito, sida loo khatali karo ee loogu danaysan karo. Heerka garaad ee ay qisadu ku socoto darteed marar badan wax aad moodi kartaa in ay turjumaadda af soomaaligu doorisay ama gudbinteeda togan ka gaabisay, waa se sida dhabta ah ee wax u dhacayaan ama qofafku u wada hadlayaan. Tusaale ahaan in la yidhaahdo: ”Caadigii ayuu si xarrago leh u lebbistay isaga oo aan illaawin in uu dharkiisa qaar gashado” waxaa la moodayaa in qoraalka wax ka si yihiin, waayo qofku haddii uu ”si xarrago leh u lebbistay” maxaa keenay haddan in la yidhaahdo ”isaga oo aan illaawin in uu dharkiisa qaar gashado”? Guud ahaanba caqliga ay labadan qof ku wada dhaqmayaan baa caynkaas ah. Qisadu haddaba ma u eg tahay sida ay maanta u wada dhaqmaan hay’adaha caddaanka iyo qolooyinka aynnu ka midka nahay?Bal u fiirso labadan qof sida midkood ka kale garashada ugu bahdilayo, iyo sida ka kale ugu dullaysan yahay.
Nuqulkan af soomaaliga ah ogaan baan isu moogaysiiyay soo turjumidda dhawr eray oo la xidhiidha culuunta nafsiga, waayo eraybixintooda ayaan la isla garteen. Erayadaa waxaan kaga gaabsaday rooxaan, nafsi, caalamka dahsoon iyo xaalad nafsadeed.
Fili maayo akhristayaashaydu in ay rumaysanayaan qisadan aan ka sheekayn doono. Qudhaydu imika kolka aan dib u eego ma rumaysto. In kasta oo ay tahay sheeko igu dhacday, haddana sida aanay caadi u ahayn, iyo sida ay u iftiiminayso xidhiidhka aynnu la yeelan karro caalamka dahsoon, ayaa igu khasbaya in aanan dadka ka qarin.
Wax aan u socday in aan Annerly ku soo booqdo dabaqa uu deggan yahay. Wax ay ahayd Sabti ay bisha Oktoobar ahayd 31. Aad baan taariikhdaa u xusuustaa waayo wax ay ahayd maalintii aan mushaharka qaatay, waxaana la i siiyay lix pound iyo toban shilin. Aad baan lacagtaa u xusuusan ahay waayo jeebka ayaan gashaday, waanan xusuusan ahay jeebka aan gashaday ka uu ahaa, waayo jeeb kale lacagi iigu ma jirin. Arrimahaas oo dhami si cad ayay maskaxdayda ugu wada suntan yihiin.
Aniga iyo Annerly cabbaar baannu wada fadhinay annaga oo sigaaraynaynna. Dabadeed wax uu si lamafilaan ah ii waydiiyay: ”Ma rumaysan tahay rooxaanta?” Sidii iyada oo wax la igu dhuftay baan u hantaaqmay. Isla markaa uu Annerly rooxaanta ka hadlayay anigu wax aan ka fekerayay wax taa aad uga duwan. Xaqiiqada ah in uu taa ka hadlayay isla markaa aan wax aad uga duwan ka fekerayay ayaa iigu dhacday sida cajiibka iyo lamafilaanta ah ee ay labada arrimood isugu beegmeen. Cabbaar baan in aan isaga ku dhaygago mooyee wax kale samayn kari waayay.
”Wax aan ujeedaa”, ayuu sii yidhi, ”ma rumaysan tahay maytidu iyada oo rooxaan ah in ay iman karto?”
”Ma mayti socota?” ayaan u celiyay.
”Haa, mayti soconaysa, ama dheh isbandhig rooxaaneed, amaba haddii ay kaaga sii fudud dahay dheh xaalad nafsadeed oo caynkaas ah?”
Wax aan Annerly ku eegay xiise iyo danayn aad u qoto dheer oo aanan mid la mid ah weligay ku eegin. Waxaa iskay tusay in uu iiga sheekayn doono dhacdooyin iyo waayo’aragnimo uusan ku dhiirran labadii ama saddexdii bilood ee aannu isnaqaannay. Wax aan isweydiiyay sababta ay horeba iigu soo dhici wayday konton jir durba cirradu timaha qaar caddaysay in uu nolosha uga soo joogay imtixaan xanuun badan.
Si filanwaa ah ayuu haddana Annerly u sii hadlay.
”Xalay wax aan arkay Q”, ayuu yidhi.
”Alla bisinka!” ayaan la soo booday. Haba yaraatee ma aan aqoon Q waxa uu yahay, laakiin waxaa argagax aan la sifayn karin igu riday Annerly in uu arkay Q. Noloshayda iska aamusan ee iska deggan taas oo kale weligeed la ma kulanteen.
”Haa”, ayuu yidhi, ” Q wax aan u arkay sidii isaga oo halkan i hor taagan. Malaha se waxaa wacan horta in aan wax kaaga sheego xidhiidhkaygii hore ee Q, si aad dhab ahaan u garato arrintu imika sida ay tahay.
Annerly isaga oo hortayda dabka guriga ka shidan dhinaca kale kursi gaaban kaga soo fadhiya inta uu beebkii shitay ayuu hadalka ku daray:
”Kolkii ugu horreysay ee aan Q bartay wax uu ku noolaa magaalo yar oo aan sidaa u durugsanayn oo ku taalla koonfurta Ingiriiska, magaaladaas oo aynnu u bixin karro X, waxaana u mehersanayd gabadh aad u qurux badan oo aynnu iyadana ugu yeedhi karro M.”
Annerly intii aanu sheekadaba dhab u bilaabin baan is arkay aniga oo dhug iyo feejignaan buuxda ku dhegaysanaya. Wax aan garansanaa waxa uu ka sheekaynayaa in aanay ahayn waayo’aragnimo nololeed oo caadi ah. Aad baan u tuhmay Q iyo M in aanay ahayn magacyo dhab u ah quruumahaa ay isbarteen, ha yeeshee ay yihiin laba xaraf oo uu u adeegsaday in uu ku dedo magacyadooda dhabta ah. Aniga oo weli ka sii fekeraya xariifnimada uu taa u adeegsaday ayuu raaciyay:
”Kolkii aannu aniga iyo Q isbarannay wax uu lahaa eey uu jeclaa, kaas oo haddii loo baahdo aan ku magacaabi karo Z, kaas oo tamashlihiisa maalmeed la geli jiray oo ka la bixi jiray X.”
”La geli jiray oo ka la bixi jiray X aa?” ayaan ku qayliyay aniga oo yaabban.
”Haa”, ayuu ku jawaabay, ”wuu la geli jiray oo ka la bixi jiray.”
Dareemayaashaydii oo dhami wax ay u giigsameen sida xadhkaha kitaarka. Z in uu Q ka la bixi jiray X si fudud baan u garan karayay, waxaa se maskaxdayda ka weynaatay horta in uu la geli jiray.”
”Haa”, ayuu yidhi Annerly, ”Q iyo M waxa ay ku talo jireen in ay isguursadaan. Wax walba waa la qabanqaabiyay. Aroosku wax uu dhici lahaa maalinta sannadka ugu dambaysa. Lix bilood iyo afar cisho oo gaw ah ka hor xilligii ay ballanta aroosku ahayd (taariikhdaa waan xusuusan ahay waayo sida ay isugu beegantay baa yaab igu reebtay) waxaa caways dambe ii yimid Q oo jahowareersan. Wax uu ii sheegay in dhimashadiisii la tusay. Cawayskaa isaga oo daaradda gurigeeda fadhiya wax uu si qayaxan u arkay muuqaalkii eeygii la odhan jiray R oo hortiisa waddada rooraya.”
”War bal u kaadi!” ayaan ku idhi, ”miyaadan haddeer i lahayn eeyga magaciisu wuxuu ahaa Z?”
Annerly wejiga ayuu ururiyay.
”Waa sidaa, Z, ama sida ugu qumman ZR, waayo Q waxaa caado u ahayd eeygaa in uu ugu yeedho R si la’eg sida uu ugu yeedho Z, taas oo malaha dareen badni ka ahayd. Si kasta ha ahaatee, muuqii eeyga ama rooxaantiisii hortiisa waddada orodday wax ay u muuqatay si ay M ku dhaaratay in uu eeyga qudhiisii ahaa. Aqalka hortiisa ayuu muuqaasi ku yara hakaday oo dabada ruxruxay, dabadeed sii orday ilaa uu derbiga dhagaxa ah geeskiisa ku libdhay sidii uu jaajuurka dhismaha ku dhuumanayo. Arrinta waxaa yaab iyo cajab sii geliyay M hooyadeed oo aan indhaheedu fiicnayni dirqi ayay eeyga ku aragtay.”
Annerly wuu yara aamusay, dabadeed sii waday: ”Dhacdadaa gaarka ah Q wax uu u macnaystay wargelin ku saabsan in ay dhimashadiisii kaabiga timid, taas oo uu shaki la’aan ku saxsanaa. Wax walba waan sameeyay si aan fikirkaa uga saaro, ku ma aan se guulaysan, inta uu gacmahayga iska maroojiyay ayuuna iga dhaqaaqay, isaga oo si buuxda u huba in aanu aroorta gaadhayn.”
”Alla bisinka”, ayaan ku qayliyay. ”Dabadeed habeenkii buu dhintay?”
”Mayee ma dhiman, waana ta arrinta oo dhan fahankeeda adkaysay.”
”War bal ii wad”, ayaan idhi.
”Aroortii xigtay sidii caadiga ahayd ayuu u toosay, caadigii ayuu si xarrago leh u lebbistay isaga oo aan illaawin in uu dharkiisa qaar gashado, waqtigii caadiga ahaa ayuuna xafiiskiisa aaday. Mar dambe wax uu ii sheegay xaladahaas oo dhan in uu si wanaagsan u xusuusan yahay waayo xafiiska wax uu u maray jidkii uu u mari jiray halkii uu meel kale ka wareegi lahaa.”
”War heedhe, bal u kaadi”, ayaan ku idhi. ”Sideedaba maalintaa wax aan caadi ahayni ma dhaceen?”
”Waan garanayay taa in aad i wayddiinayso”, ayuu yidhi Annerly, ”laakiin sida aan u fahmay waxba ma dhicin. Q shaqadii wuu ka soo noqday oo cashadii ayuu cunay sidii caadiga ahayd dabadeed wuu seexday, isaga oo ay waxoogaa lulo ah oo aanu jeclaysani hayso, laakiin wax kale ma ay dhicin. Soddohdii oo uu la noolaa mar dambe wax ay sheegtay habeenkaa in ay khuuradiisa maqlaysay.”
”Habeenkii ayuuna dhintay sow ma aha?”
”Maya, ma uu dhiman”, ayuu yidhi Annerly, ”aroortii wuu toosay caadi ayuuna dareemay, aan ahayn luladii oo ka ba’day iyo khuuradiisa oo aan la maqlayn.”
Annerly mar kale ayuu aamusay. Xamaasadda ii haysa in aan maqlo sheekadiisa cajiibka ah inta hadhay darteed ma aan doonayn in aan wayddiimo ku cusleeyo. Kol haddii dhab ahaan xidhiidhkayagu imika ka hor ka la urursanaan ku salaysnaa, tanina ay tahay kolkii kowaad ee uu qolkiisa igu martiqaaday, ku ma dhiirran in aan shakhsi ahaan u sii galo.
”Haaheey!” ayuu iigu sii waday, ”Q cisho walba xafiiskiisa wax uu u aadayay si joogto ah oo caadi ah. Sida aan xaqiijiyay, xaaladdiisa iyo dhaqankiisa ma jirin wax isbeddel ah oo muujinaya ayaandarro ku gadaaman. Si joogto ah oo dabiici ah ayuu u la kulmi jiray marwo M, waqtigii ay arooskooda u qabteenna maalin walba wuu soo dhowaanayay.”
”Ma maalin walba?” ayaan qaadanwaa ugu dhawaaqay.
”Haa, maalin walba”, ayuu yidhi Annerly. ”Cishooyinkii aroosku soo dhowaa aad ayay u yarayd inta aannu kulannay. Ha yeeshee laba toddobaad qisadan ka hor ayaan maalin Q waddada ku la kulmay. Muddo ilbidhiqsi ah wax uu u ekaa in uu doonayay in uu joogsado, dabadeed koofiyadda ayuu iska qaaday, wuu dhoollacaddeeyay oo iska sii socday.”
”War bal u yara kaadi”, ayaan idhi, ”aan su’aal muhiim ah ku wayddiiyo, ninku ma inta uu sii socday oo dhoollacaddeeyay ayuu koofiyadda iska qaaday, mise isaga oo koofiyadda gashan buu dhoollacaddeeyay, dabadeed koofiyadda ayuu iska qaaday oo sii socday?”
”Wayddiintaadu waa mid meesha qabata”, ayuu yidhi Annerly, ”waxaanan hubaa in aan run uga jawaabi karo: horta wuu dhoollacaddeeyay, haddana inta uu dhoollacaddayntii joojiyay ayuu koofiyadda iska qaaday, dabadeed koofiyad iska qaadistii inta uu joojiyay ayuu sii socday. Si kasta ha ahaatee”, ayuu sii waday, ”ta muhiimka ahi wax ay tahay: maalintii arooska loo qorsheeyay ayay Q iyo M isguursadeen.”
”Cajiib!” ayaa xoog iiga soo boodday. ”Oo waa ay isguursadeen?”
”Haa”, ayuu ii celiyay Annerly, ”labaduba isku mar. Aqalgalkii ka dib mudane Q iyo marwo Q…”
”Mudane iyo marwo Q”, ayaan ashqaraar kaga daba idhi.
”Haa”, ayuu ku jawaabay, ”mudane iyo marwo Q ― waayo arooskii ka dib marwo M wax ay qaadatay magaca ah marwo Q ― Ingiriiska waa ay ka tageen oo Ustaraaliya ayay u dhoofeen, halkaas ayayna udubka dhidbeen.”
”War bal u yara kaadi”, ayaan idhi, ”arrinta aan sidan u qaato: ma kolkii ay Ustaraaliya u dhoofeen ka dib ayay la noqotay in ay halkaa udubka dhidbaan?”
”Haa”, ayuu ku jawaabay Annerly, ”waxaa cad in ay sidaa ujeedeen. Qudhaydan ayaa doonnida ku sii sagootiyay oo mudane Q si niyad ah u sii gacanqaaday. Aad baan ugu dhowaa kolkii aannu isa sii gacanqaadaynnay.”
”Haa”, ayaan idhi, ”oo labada Q, sida ay i la tahay in aynnu imika ugu yeedhno, sidii ay Ustaraaliya ugu dhoofeen wax war ah ma ka heshay?”
”Arrintaasi wax ay yaabka ka la mid tahay qisadaydan inteeda kale”, ayuu iigu jawaabay Annerly. ”Afar sano ayaa maanta laga joogaa maalintaa ay Q iyo ooridiisu Ustaraaliya u dhoofeen. Horraantii aad baannu u xidhiidhi jirray ― ugu yaraan bishii laba warqadood baan ka heli jiray. Sannad ka dib hal warqad baan ka heli jiray labadii biloodba mar, dabadeed laba warqadood lixdii biloodba, ka dibna warqad keliya sannadkiiba. Dabadeed reer Q ilaa shalaytadan wax war ah ka ma aan helin muddo ku siman sannad iyo badh.”
Imika wax aan la wareersan ahay macaanka xiisaha qisada ii haya. Annerly isaga oo aad mooddo in uu foodhyayo ayuu yidhi:
”Xalay ayuu Q qolkayga i hor yimid, ama dheh ruuxdiisii, amaba dheh xaalad nafsadeed. Wax uu u muuqday in uu aad u kacsanaa, wax uu isu dhaqdhaqaajinayay si aad ah oo aanan ujeeddada fahmin, jeebabka surwaalka ayuuna marba debedda u soo saarayay. Ismuujintiisa wax aan u qaatay in la iga doonayay in aan wax wayddiiyo, markii aan iskudayay in aan dhaqdhaqaaqiisa macneeyana waxba iiga ma bixin. Dabadeed rooxaantii qalin ayuu miiskayga ka qaatay oo erayadan warqad ku qoray: ‘Laba pound. Habeen dambe. Degdeg!’.”
Annerly mar kale ayuu aamusay. Aniguna wax aan muquuray feker dheer. ”Maxaad ku fasirtay farriinta rooxaanta Q?” ayaan wayddiiyay.
”Wax ay i la tahay”, ayuu ku tiraabay Annerly, ”macnaheedu waa sidan soo socota: Q, oo sida muuqata dhintay, wax uu doonayay in uu muujiyo in uu lacag la yahay oo doonayo caawa in la siiyo laba pound.”
”Laakiin sidee?”, ayaan wayddiiyay, aniga oo la fajacsan dareen fogaanta uu Annerly ku dhex geli karo dunida nafsiga ah iyo cajabaha dahsoon, ”sidee bay ku la tahay in lacagtaa loo gaadhsiin karo?”
”Wax ay ii la muuqataa, ayuu ku jawaabay, ”in la isku dayo samaynta tijaabo xariifnimo ah, taas oo haddii ay guulaysato markiiba inoo gudbin doonta caalamka dahsoon. Qorshahaygu waa in aan habeennimada caawa miiskan laba pound saaro. Haddii lacagtaa aroorta meesha laga waayo waxaa caddaanaysa Q in uu ku soo guulaystay in uu isa soo gudbiyo oo lacagtii qaatay. Wayddiintu se wax ay tahay: Adigu imika laba pound jeebka ma ku haysaa? Anigu nasiibdarro qaddaaddiic keliya ayaan imika hayaaye.”
Taasi wax ay ahayd calaamad muujinaysa nasiib wanaag aan caadi ahayn, lamafilaan isku beegantay iyo guntin kale oo ku taxan silsiladdan. Arrin qaddar ku dhacday ayay ahayd in aan jeebka ku hayay lix pound oo ahaa mushaharkii toddobaadka ee aan qaatay.
”Nasiib wanaag waan debberi karaa”, ayaan idhi. ”Qaddarka ayaa ku beegay in aan lacag sito.”
Dabadeed laba pound baan jeebka ka soo saaray.
Annerly wuu u riyaaqay nasiib wanaaggayaga. Diyaarintii tijaabaduna in yar ka dib waa ay noo dhammayd.
Badhtanka qolka ayaannu miiskii dhignay si aan alaabada kale ee gurigu u taaban ama ugu dhicin. Kuraastii wax aannu si taxaddar leh ugu teedinnay derbiyada, annaga oo laba walba ka ilaalinaynna labada kale meeshooda, halka annaan sawirradii derbiyada ka lushay iyo wixii kale oo dhan aannaan taaban. Waxba ka ma aannu jeexin naqshadihii derbiyada, muraayadihii daaqadahana mid keliya ma aannu fujin. Kolkii aannu wax walba sidaa u hagaajinnay ayaannu laba pound oo isbarbar yaalla miiskii saarray iyada daabacu kor xigo durkuna hooseeyo oo miiska taabanayo. Dabadeed ilayskii ayaannu daminnay. Inta aan Annerly habeen wanaagsan idhi ayaan mugdigii dhex qaaday aniga oo dareen xiise ah la gariiraya.
Kolley akhristayaashaydu waa ay sugi kari la yihiin ogaanshaha natiijadii tijaabada. Qudhayda kacdoonka nafsadeed ee ay arrintu igu haysay darteed hurdo hagaagsan ma aan seexan. Dabcan si buuxda ayaan ugu kalsoonaa sidii qummanayd ee aannu hawsha u diyaarinnay, laakiin haddana ka ma aan welwel la’ayn tijaabaadu in ay guuldarraysato, waayo ma aan lahayn aqoon iyo diyaargarow igu filan oo masalo caynkan ah ku saabsan.
Lakiin welwelkaasi wuu i daayay. Dhacdooyinku wax ay caddeeyeen dareenkayga maskaxeed in uu xaalad kale u gudbay, ama aan idhaahdo, in aan heerka ugu sarreeya u rooxaanoobay.
Aroortii xigtay Annerly oo duulaya oo wajiga olol farxadeed ka belbelayo ayaa iigu yimid guriga.
”Alxadulillaah! Alxamdulillaah!” ayuu ku qayliyay, ”waa aynnu guulaysannay! Labadii pound ma yaallaan. Rooxaantii Q ayaynnu toos u la xidhiidhnay.”
U ma baahnid in aan kugu daahiyo liibaantii aan xadka lahayn ee i dhex roortay. Maalintaas oo dhan iyo cishadii xigtay oo dhan dareenka wanaagsan ee ah in aan rooxaanta Q la xidhiidhay joogto ayay igu ahayd.
Niyadsamida keli ah ee ii hadhay wax ay ahayd suurtagalnimada fursad kale oo aan ku sii cusboonayn karo xidhiidhka aan la yeeshay caalamka dahsoon.
Habeenkii xigay ayay rajadaydii rumowday. Caways dambe ayuu Annerly i soo wacay.
”Gurigayga dhakhso iigu kaalay, rooxaantii Q ayaa inna la soo xidhiidhaysee”, ayuu igu yidhi.
Markiiba waan isa sii daayay waxaanan tegay aniga oo neeftuuraya.
”Q mar kale ayuu inoo yimid”, ayuu yidhi Annerly, ”wax uuna u ekaa in uu qabo xaalad nafsadeed oo la mid ah tii maalintii hore. Muuqaalkiisii ayaa qolka isa soo dhex taagay oo miiska dushiisa farta wax ku qorqoray oo ku qorqoray. Erayga ’pound’ oo keliya ayaan ka gartay wax kale se ka ma fahmin.”
”Miyaanay ku la ahayn”, ayaan wayddiiyay, ”sabab aynnaan garan karin darteed Q in uu doonayo in aynnu laba pound oo kale u dhigno?”
”Alla hayaay!” ayuu Annerly niyadami ku yidhi. ”Wax aan u malaynayaa in aad runtii taabatay. Bal haddaba aynnu taa isku dayno xitaa haddii aynnu ku guuldarraysan karro.”
Habeenkaana sidii hore si la mid ah ayaannu laba pound miiska saarray, alaabadii kale ee gurigana sidii hore oo kale ayaannu u ka la nadaaminnay.
Aniga oo weli ka shaki qaba awooddayda nafsadeed ee la xidhiidha hawshan aan ku jiro, wax aan ku guulaystay in aan dareennadayda dejiyo si aan shucaac hawsha cilladeeyaa iiga bixin oo qolka ugu faafin. Natiijaduna wax ay caddaysay taas in aan si wacan u gutay. Tijaabadayadii si buuxday ayay mar kale u guulaysatay. Labadii pound aroortii xigtay miiskii waa ay ka maqnaayeen.
Labadii bilood ee xigay sidaas ayaannu arrinta ku wadnay. Mar mar Annerly ayaa lacag dhigi jiray, sida uu ii sheegay. Lacag badan bay ahayd taas oo uu Q habeennimada habsami u qaadan jiray. Annerly, oo ahaa nin sharafta aad u ilaaliyaa, weligii hawshaa kelinnimo ku ma qaban, haddii laga reebo kolka ay u suurtobi waydo in uu waqtiga habboon i helo.
Waqtiyada kale telefoon ayuu igu soo odhan jiray farriin gaaban oo ah: ”Q wuu joogaa”, ama telegaraam iyo warqad ayuu iigu soo sheegi jiray: ”Q lacag buu u baahan yahay; la kaalay wax aad hayso oo dhan, wax ka badanna ha soo qaadin.”
Xaggayga aad ayay muhiim ii la ahayd in aan arrinta dadweynaha u bandhigo, ama Jimciyadda Baadhista Nafsiga iyo ciddii kale ee ay khusayso guushan aannu ka gaadhnay xidhiidhinta caalamkeenna iyo caalamka dahsoon. Wax aan u arkayay in aannu keli ku nahay in aannu lacag u ka la diri karro labadaa adduun annaga oo aan cid kale u sii marin. Waa ay dhici kartaa dad kale in ay taas oo kale sameeyeen iyaga oo adeegsanaya xidhiidhiye ama wargeysyada caalamka dahsoon wax ka qora, ha yeeshee annagu taayada waxaannu u qaabaynnay una fulinnay sidaa fudud oo aan danaynayo in ay dadku wada ogaadaan oo farxaddeeda na la wadaagaan.
Sidaas oo ay tahay Annerly fikradda ah in aannu warka shaacinno wuu ka soo horjeestay, waayo wax uu ka baqayay taasi in ay goyso xidhiidhka annaga iyo Q.
Qiyaastii saddex bilood baa laga joogay bilawgii barnaamijkayaga markii ay waayo’aragnimadayda masaladan ku saabsani meesha ugu sarraysa gaadhay ― wax aan la fahmi karin baa dhacay taas oo aan ilaa maanta ku wareersan ahay.
Galab buu Annerly kulan iigu yimid. Waxaa ka muuqday welwel iyo niyadjab.
”Goor dhowayd baan xidhiidh nafsadeed la yeeshay Q taas oo aan weli fahmi la ahay. Sida aan u qaatay, Q wax uu dhisay qorshe uu shaqadan aynnu wadno rooxaanta kale ku xiise gelinayo. Wax uu soo jeedinayaa caalamka dhanka kale ee uu joogo in uu ka soo dhisayo shirkad si habsami iyo baaxad leh innaga la soo shaqaysa ka ganacsiga lacagaha oo isaga gudubta labada adduunyo.”
Akhristayaashaydu waa ay garan karaan xamaasadda ay fikraddu igu abuurtay darteed sida ay indhuhu ii laba-rogmayeen.
”Q wax uu inaga doonayaa waxa aynnu hanti haynno oo dhan in aynnu isu geynno oo u dirro, si ay ugu suurtowdo in uu isu abaabulo oo isku xidho isaga iyo rooxaan kale oo badan.”
Aniga oo aan weli ujeeddada Annerly si fiican u fahmin ayay niyadsami igu qaadday. Wax aannu go’aansannay in aannu qorshahaa weyn caawa tijaabinno.
Ayaandarro dhaqaalahayga adduun sidaa u ma buurrayn. Waxaa se bangiga ii yaallay 500 pound oo aan aabbahay ka dhaxlay, taas oo aan laba saacadood gudahood ku keeni karo. Wax aan se aad uga welwelsanaa intaasi in ay ka yaraato wax Q u suurtagelin kara abaabulka shirkadda rooxaanta.
Lacagtii oo dahab iyo noodh ah ayaan guriga Annerly la imid oo miiska saaray. Nasiib wanaag Annerly wax uu ku daray lacag intaa ka badan, taas oo aanu doonayn in uu tayda ag dhigo jeer aan gurigayga aado, si aanay ka la duwanaanta dabeecaddayada lacagta ku saabsani habsamida rooxaanta u dhabqin.
Arrintaa wax aannu u diyaarinnay si aad u nadaamsan, iyada oo Annerly kalsooniyi ka buuxdo, anigana, aan qirtee, ay iga buuxaan degganaan la’aan xad dhaaf ah iyo baqdin aan ka qabo in ay wax noo hagaagi waayaan. Kabaha ayaannu iska bixinnay oo sharabaaddo keliya ayaannu ku soconnay, sidii habeennadii hore alaabta guriga uun ma aannu ka la habayn ee caawa baaldigii dhuxusha waannu foororinnay, kolaygii qashinkana tuwaal qoyan baannu ku dednay, taladaana waxaa lahaa Annerly.
Kolkii aannu wax walba diyaarinnay inta aan Annerly salaan labada gacmoodba kuwiisa ku cadaadiyay ayaan mugdigii ku guureeyay. Aroortii xigtay waan sugi kari la’aa. Saacaddu wax ay noqotay sagaalkii, haddana tobankii, ugu dambayn kow iyo tobankii, welina ninkii wax war ah ka ma hayo. Aniga oo xiise iyo filasho la kurbanaya ayaan gurigiisii ka doonay.
Bal malee haddaba qaadanwaaga igu dhacay markii aan ogaaday Annerly in uu lumay. Sidii dhibic sayax ah ayuu u baaba’ay. Gefka hoogga leh ee aannu diyaarintii shaqada gallay, ama waxa daruuriga ahaa in aannu ka digtoonaanno ee aannu illownay dabadeed saaxiibka galaaftay ma sheegi karo wax ay ahaan karaan. Waxaa se iska cad caalamka dahsooni in uu Annerly liqay, isaga oo ku raran lacagtii uu noloshiisa khatarta u geliyay.
In uu lumay caddaynteedu waa ay fududayd. Sidii ugu dhakhso badnayd ee aan hubsiino iyo taxadder u geli karayay ayaan baadhitaan ugu dhiirraday. Xaqiiqada ah ninkaa in la liqay iyada oo afar bilood kiradii guriga lagu lee yahay, iyo in uu lumay isaga oo aan xitaa haleelin in uu amaahihii xaafadda lagaga lahaa iska bixiyo, wax ay muujinaysaa in ilbidhiqsiyo gudahood la la duulay.
Baqdin weyn oo aan ka qabay in eedda dhimashadiisa la ii qabsado ayaa ii diidday in aan arrinka dadka u sheego.
Ilaa imikadaa waan u qaadan la ahay waxa uu ninkaasi halis nagu geliyay qariskatuurnimadii aannu ku la xidhiidhi lahayn caalamka rooxaanta. Annerly wax uu eeday oo galaaftay cilmiga nafsiga, taariikhduna dhammaan dadka maskaxda furan wax ay marag uga noqon doontaa runnimada tijaabadayadii.
Email: Ibraahinhawd@hotmail.com