Hargeysa(Hubaal)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, iyo wefti balaadhan oo uu hoggaaminayey ayaa galankii dambe ee shalay safar shaqo ugu baxay dalka Itoobiya, safarkaas oo qaadan doona maalmo kooban. Waxaana ka warbixiyey ujeedka safarka afhayeenka madaxweynaha Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac oo sheegay in safarkani la mid yahay safaradii shaqo ee hore madaxweynuhu ugu bixi jiray waddamada caalamka iyo dalalka aynu jaarka nahay, waxaanu yidhi afhayeenku “waxa uu madaxweynuhu halkaasi kulamo kula yeelan doonaa hoggaamiyeyaasha qaarada Afrika, waxaana magaalada Addis Ababa ku sugnaa wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo halkaasi ka waday hawlo diblumaasiyadeed”.
Weftiga Madaxweynaha ayaa markii gaadheen magaalo madaxda dalka Itoobiya, Waxa halkaasi ku Soo dhaweeyey wasiiru dawlaha arrimaha dibeda Itoobiya Dr.Aklilu hailemecheal,
waxaanay qadar nasasho ah ku qaateen qolka martida ee Airportka, waxaanay uga sii gudbeen halkii loogu talogalay martida madaxweynaha.
Sidoo kale waxa weftiga halkaa kaga biiray wasiirka Arrimaha dibeda iyo iskaaashiga caalamiga ah Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo ay wehelinayaan masuuliyiinta safaaradda Jamhuuriyadda Somaliland ku leedahay dalkaasi.