Qaad-walayaal Cashuur-diid Ah Oo Weerar Dhimasho Iyo Dhaawac Keenay Ku Qaaday Madaarka Laascaanood Iyo Magaca Nin Deegaanka Caan Ka Ahaa Oo Ku Naf Waayey

0
42

Gudaha Ka Akhri Magaca Marxuumka Geeriyooday Oo ay Walaalo Ahaayeen Madaxweyne-ku-xigeenka Kooxda Khaatumo

laascaanood

Laascaanod:(Hubaal)-Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa sheegaya in iska hor imaad  hubaysan oo ka dhacay xayndaabka madaarka magaalada uu ka dhashay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wararku waxa ay intaas ku darayaan weerarku uu yimi kadib markii kooxo dablay ah oo magaalada gudaheeda qaadka ku iibiyaa weerar kusoo qaadeen madaarka oo fadhiday diyaarad sidday qaad laga keeno dalka Kenya, waxana kooxdaas si degdeg ah ugu jawaabay ciidamadii ammaanka madaarka masuuulka ka ahaa, iyadoo halkaasna uu khasaare ba’ani kasoo gaadhay dablaydii weerarka soo qaadday.

Hal qof oo kamid ahaa kooxdii hubaysnayd ee madaarka soo weerartay, ayaa geeriyooday, kaas oo  magaciisa lagu sheegay Axmed Cago-lule oo ay walaalo yihiin ninka sheegta madaxweyne-ku-xigeenka kooxda Khaatume ee lagu magacaabo Cabdalle Cago-lule.

Xaalada magaalada laascaanood ayaa hada aad udeggen, waxana ammaanka su hugan gacanta ugu haya ciidamada ammaanka, iyadoo dhaawacana cisbitaalka lagu daaweynayo, isla markaana lagu dabo jiro firxadka maleeshiyadii goobtaas soo weerartay.

Kooxda weerarka soo qaadday, ayaa la sheegay inay ka cadhaysnaayeen cashuurro cusub oo lagu soo rogay qaadka  magaalada lagu iibiyo, kaas oo ay wasaaradda Maaliyaddu dhawaan kusoo rogtay, balse ay ka hor yimaadeen.

Badhasaabka gobolka Sool Md Mustafe Cabdi Ciise Shiine oo arrintan ka hadlay, ayaa sheegay inuu ashuurtaas hakiyey, maadaama ay ammaandarro ka dhalatay, isagoo intaas ku daray cashuurtu bilaabmi doonto marka wax la isla meeldhigo.

Magaalada Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool waxa  lagu wadaa inay maanta si rasmi ah uga bilaabtanto diiwaangelinta codbixiyayaashu, iyadoo ilaa shalayna ay halkaas ku sugnaayeen hoggaanka saree e sadexda xisbi-qaran, halka uu madaxweyne Siilaanyo laftiisuna laba habeen uun kasoo maqnaa.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here