Hargeysa/Burco(Hubaal):- Qaadashada Kaadhadhka Cod-bixinta doorashada Somaliland, ayaa Sabtidii shalay oo Bishan July 8 ahayd, waxaa si rasmi uga bilaabantay gobollada Maroodi-jeex iyo Togdheer ee Caasimadahoodu yihiin magaalooyinka Hargeysa iyo Burco, waxaanay Madaxweyne Ku-xigeenka, Hoggaamiyeyaasha Saddexda Xisbi iyo Guddiga doorashooyinka Somaliland Bulshada ugu baaqeen inay qaataan Kaadhadhka ay Cidday Rabaan ku dooran karaan marka wakhtiga doorashada la gaadho. Madaxweyne Ku-xigeenka ahna Ku-simaha Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Cabdiqaadir Iimaan Warsame, Xubnaha Guddiga ka tirsan iyo Masuuliyiinta Xisbiyada UCID, Waddani iyo Kulmiye Xubno ka tirsan, ayaa kormeeray goobaha ay qaadashada Kaadhadhka Cod-bixintu ka bilaabmeen saaka ee magaalada Hargeysa. Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Waddani iyo Kulmiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Muuse Biixi Cabdi iyo Masuuliyiin Xisbiyada iyo Xukuumadda ka tirsan oo xubno ka ah Weftiyo ay kala hoggaaminayaan oo maalmihii u dambeeyey ku sugnaa magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ayaa iyaguna kormeeray goobaha ay Kaadh-qaadashadu ka bilaabantay ee Burco, iyaga oo Shacabka ugu baaqay inay Muwaaddinnimadooda iyo xaqa ay u leeyihiin inay doortaan cidday rabaan u muujiyaan, qaataan Kaadhadhka Diiwaangelinta ee ay ku codayn doonaan wakhtiga doorashada oo ay ugu soo horreyso doorashada Madaxtooyada oo u muddaysan 13-ka bisha 11-aad ee sannadkan 2017-ka.
Guriga WARAR UGU XIISAHA BADAN Qaadashada Kaadhadhka Cod-Bixinta Doorashada Oo Hab-sami Uga Bilaabantay Gobollada Togdheer & Maroodi-Jeex