Guddoomiyeyaasha saddexda xisbi ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID oo faahfaahin ka bixiyey natiijada kulamo ay qaadhaan-bixiyeyaasha kula yeesheen Nairobi
“Qolada qaadhaan-bixiyayaasha markii aannu is waraysannay, inkastoo aanay waxba noo faahfaahin, haddana waxay noo sheegeen in ay wax kasta diyaar yihiin, isla markaana …” Md. Muuse Biixi Cabdi
“Waxaannu bulshada caalamka u wadnay farriin ah in shacab iyo xisbiyaba ay Somaliland ka go’an tahay in doorashooyinku qabsoomaan” Eng. Faysal Cali-waraabe
Hargeysa (Hubaal)- Qaadhaan-bixiyeyaasha caalamka ee Jamhuuriyadda Somaliland ka taageera hawlaha dimoqraadiyadaynta, ayaa laba shardi ku xidhay faahfaahinta doorka ay ku leeyihiin doorashooyinka dalka ee la filayo inay qabsoomaan sannadka 2015.
guddoomiyayaasha saddexda xisbi qaran oo Kenya ku sugan
Guddoomiyeyaasha saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI, ayaa caddeeyey in kulamo ay magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula yeesheen qaadhan-bixiyeyaasha caalamka lagu wargeliyey in faahfaahinta taageeradooda doorashooyinka Somaliland ku xidhan yihiin laba shuruudood oo kala ah ansixinta xubnaha Komishanka Doorashooyinka cusub iyo xeerka diiwaangelinta iyo codbixiyeyaasha oo khilaaf ka taagan yahay meel-marintiisa.
Saddexda guddoomiye xisbi qaran Muuse Biixi Cabdi, Faysal Cali-waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo saxaafadda kula hadlay magaalada Nairobi shalay, waxa ay sheegeen in qaadhaan-bixiyeyaasha Somaliland ka taageera hawlaha dimoqraadiyadayntu diyaariyeen dhaqaalaha ku baxaya qabsoomidda doorashooyinka sannadka 2015, balse shuruud ku xidheen caawimadooda.
Guddoomiyaha xisbul-xaakimka KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in qadhaan-bixiyayaashu aanay faahfaahin dheeraad ah ka siin habka caawimadoodu noqonayso, isagoo caddeeyey inay arrintaas ku xidheen ansixinta Guddida Doorashooyinka iyo Xeerka Diiwaangelinta iyo codbixiyeyaasha Somaliland.
“Halkan [Nairobi] waxaannu ku nimi saddexda xisbi qaran oo ay la socdaan masuuliyiin ka tirsan Akadamiga Nabadda iyo Horumarinta oo fududaynta noo samaysay iyo hay’adda Inter Peace. Waxaannu (Nairobi) u nimi arrimaha doorashooyinka, waxaanuna la kulannay qolooyinka qadhaanka bixiya iyo hay’addo kale oo ku shaqo leh arrimaha doorashooyinka. Waxaannu iska waraysannay halka ay marayaan xaggooda iyo xaggayagaba arrimaha doorashooyinka. Xaggayaga hawshu waa ka dhammaad oo waxa ka dhiman oo marka baarlamaanku dhawaan soo noqdo ee isu yimaaddaan uu ansixin doono, hadduu ka hor yimaaddana ansixin doonaan Komishanka Doorashooyinka iyo Xeerka Diiwaangelinta Madaniga iyo Cod-bixiyayaasha, wixii kale oo dhanna waa noo diyaar.
Qolada qaadhaan-bixiyayaasha markii aannu is waraysannay, inkastoo aanay waxba noo faahfaahin, haddana waxay noo sheegeen in ay wax kasta diyaar yihiin, isla markaana faahfaahintooda u dhigi doonaan marka baarlamaanku ansixiyaan labadaas arrimood,” ayuu yidhi Guddoomiye Biixi.
Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa isaguna sheegay in Golaha Wakiilladu muddeeyey ansixinta Komishanka Doorashooyinka, waxaannu yidhi; “Sidaa Guddoomiye Muuse sheegay waxaannu halkan ku nimi saddex xisbi oo midaysan. Waxaannu bulshada caalamka u sidnaa farriin midaysan, waxaanunau nimi arrimaha doorashooyinka. Arrimaha qabyada naga ahaa ee ansixinta Guddida Doorashoyinka iyo xeerka diiwaangelinta waannu dhammayn doonnaa, Guddida Doorashooyinkana ansixintooda waa la muddeeyey.”
Sidoo kale, Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali-waraabe, ayaa xusay in qadhaan-bixiyeyaasha iyo hay’adaha caalamiga ah ee doorashada ka shaqeeya u sheegeen in shacabka iyo xisbiyada Somaliland ka midaysan yihiin qabsoomidda doorashooyinka. “Waxaannu socdaalkayagan aad ugu mahadnaqaynnaa dadkii noo hirgeliyey ee Akadamiga Nabadda iyo Horumarintu ka mid tahay. Waxaannu bulshada caalamka u wadnay farriin ah in shacab iyo xisbiyaba ay Somaliland ka go’an tahay in doorashooyinku qabsoomaan.”
Sida saddexda guddoomiye xisbi tilmaameen, qaadhaan-bixiyeyaasha caalamka ayaa faahfaahinta taageeradooda hawlaha doorashooyinka ku xidhay laba shardi oo kala ah; ansixinta xubnaha cusub ee Komishanka Doorashooyinka oo la filayo in Golaha Wakiillada la horgeeyo Axadda toddobaadkan iyo ansixinta qabyo-qoraalka Xeerka Diwaangelinta Madaniga ah iyo Codbixiyeyaasha, kaasoo mudanayaasha Wakiilladu ansixiyeen 30 September 2014, balse khilaaf xooggan ka dhashay nuqulka xeerkaas oo loo gudbiyey Golaha Guurtida oo sida sharcigu waajibiyey loo gudbiyo xeerarka aan arrimaha maaliyadda khusayn.