Qaadhaan Loo Ururiyey Dhismaha Wado Isku Xidhaysa Degmada Maxamed Mooge Iyo Barakacayaasha Koonfurta Madaarka

0
28

Hargaysa (Hubaal)- Guddida dhismaha wadada Digaale oo isku xidhaysa degmadda Maxamed Mooge ee magaalada hargeysa iyo barakacayaasha koonfurta madaarka Hargeysa ayaa shalay madal ilyartu is qabatay oo  qaadhaan loogu ururinayay dhismaha wadadaas waxaa ay kaga dhawaaqeen bilowga dhismaha waddadan. Munaasibadan  oo ahayd mid ilyartu is qabatay waxaa ka qayb galay guddoomiyaha xisbiga UCID, guddoomiyaha golaha dhexe ee KULMIYE, salaadiin, madax dhaqameed iyo wasiirro.  masuuliyiintii ka soo qeyb galay madashaas oo  ay ka mid ahayeen Xunbaha Guddida Dhismaha Waddada Digaale oo uu hormuud ka ahaa Gudoomiyaha Guddidaasi Caaqil Xuseen Ibraahim Xuseen  ayaa ahayd mid Dhaqaale loogu uruurinayay Wadadan Digaale oo ah waddo isku xidhaysaa Xaafadda Digaale ee Degmada Maxamed Mooge iyo Degmooyinka Kale ee Caasimadda Hargaysa .wadada digaale

Ugu horeyn waxaa Halkaasi ka Hadlay Gudoomiyaha Guddida Dhismaha Waddada Digaale Caaqil Xasan Ibraahim Xuseen waxaanu Faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay Dhismaha Waddadan. Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo munasibadaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in masuuliyadda Dhismaha wadooyinka ay ahayd mid saaran Dawlada isagoo bogaadiyay Guddidan is xilqaantay ee Dhismaha Waddada Digaale. Gudoomiyuhuu wuxuu ku yaboohay Lacag dhan 2000 Dollar , oo uu kaga qeyb qaadanayo Dhismaha waddadan. Waxaana iyaguna Halkaasi ka hadlay Suldaan Cadde Gude , Ex Wasiir Aadan Dhoolla Yare iyo Gudoomiyaha Golaha DHexe Jaamac Shabel waxaanay ka hadleen Muhimadda Waddadani u leedahay , Sidoo kale waxay Cod dheer ku sheegeen dhibaatada ay ku hayso Deegaanka Shirkada Karasharka iyagoo sheegay in laga rari doono Meesha . Waxaa Iyaguna halkaasi ka hadlay Boqor Raabi iyo Suldaan Xiiray waxaanay ku dheeradeen Muhimadda ay leedahay Waddadani iyagoo bulshadana ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan.  Xaaji C/risaaq Cumaani oo ah mulkiilaha Shikradda Karasharka ee ku taal Madaarka aya isaguna halkaasi ka ballan qaaday lacag dhan 30,000 Dollar , Oo uu kaga qeyb qaadanayo Dhismaha Waddadaasi Digaale. Ugu danbeyntii waxaa Munasibadaasi soo gabogabeeyay Wasiir Ku Xigeenka Ganacsiga Kaysar C/laahi Maxamed waxaanu bogadiyay Guddida is xilqaantay Ee Dhismaha Waddada Digaale , isagoo sheegay in ay xukuumaddu wixii karaankeeda ah kaga qeyb qaadanaysao dhismaha Waddada Digaale .

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here