Xukuumadda Somaliland oo Ka Digtay Jaadka Yemen laga Keeno iyo Sababta Ay U Cuskatay
“Annagoo Wasaaradda Maaliyadda Warqad U Gudbin Doonna Waxaanu Leenahay Goobaha Kastamada Inaan Lagu Cashuuri Karin Qaadkaas”
Hargeysa (Hubaal) – Xukuumadda Somaliland, ayaa shalay shaacisay inay joojisay Qaadka ama Jaadka ka iman jiray dalka Yemen ee Ticisiga loo yaqaanno, kaasoo toddobaadyadii u dambeeyey imanayey Dalka Somaliland, intii Qaadkii ka iman jiray Itoobiya istaagay, waxaana Qaadka Yemen loo joojiyey Cudurka Kallooraha ama Daacuunka oo ka jira dalkaas. Mas’uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, ayaa sheegay inay go’aan ku gaadheen in la joojiyo Qaadka Yemen ka yimaadda, maaddaama oo uu Xanuunka Daacuunka oo weliba nooc dunida ku cusub uu ku sheegay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadku aanu dalka iman. Waxaanay Bulshada Somaliland ugu baaqeen inay Caafimaadkooda ilaashadaan oo ay ka fogaadaan Qaadkaas, halka ay Ganacsatada keenaysa ugu baaqeen inaanay Dalkooda iyo Dadkooda Cudur u soo rarin. Agaasimaha Guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Saleebaan Jaamac Diiriye oo uu weheliyo agaasimaha waaxda caafimaadka guud ee wasaaraddaasi ayaa hadal ay si wadajir ah shalay warbaahinta u siiyeen waxaa ay ku sheegeen in dalka Yemen uu ka jiro xanuunka Kalloorraha oo ay sheegen in weliba nooc dunida ku cusub uu yahay. “ “waxaad ogaydeen inaynu la soo dagaalanay sanadkan gudihiisa iyo kii horeba xanuunka shuban biyoodka oo runtii inaga galaaftay dad badan, haddii aynaan halisahaasna ka hor tagin waxaa dhici karta iney kiiyo kale anagu soo noqdo”. Sidaas ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda Caafimaadka Somaliland Saleebaan Jaamac, waxaanu intaa ku daray “Waxaa jira sahamin aanu isha ku haynay oo ugu badan dalka aanu xuduudka leenahay ee Yemen ee badda yari inoo dhaxayso oo uu xanuunka shuban biyoodku ka jiro oo waliba nooc aan adduunka hore looga arag ka jiro oo dhimashadu ku badan tahay, markaa qaadka yemen laga keenayo ama magaca uu doono ha lahaado’e wasaaradda caafimaadku wey ka digaysaa inaan la keenin dalka oo bulshada caafimaadkeeda ayuu halis badan u leeyahay, qaadadka dalka imaada midna si gooniya uma xayasiinayno midna celin mayno, laakiin waxaa jirta halis caafimaad, halistaa caafimaadna anagaa bulshada uga mas’uula, qofbaa laga yaaba inuu ka faa’iido laakiin inta aynu ku seegayno ayaa ka badan ka keenaya, ka soo dhoofinaya, ka cunayaba iyo ka cashuurayaba waxaanu leenahay annagoo wasaaradda maaliyadana warqad u gudbin doonna goobaha kastamada inaan lagu cashuuri Karin qaadkaas oo uu halistiisa leeyahay in laga digtoonaado maciishooyinka qoyan ee ka imanaya dalka yemen.”