Qaar kamid ah Dhalinyarada Waqooyiga Hargeysa Oo caawa Soo-dhawayn U Sameeyey Suldaan cusub Oo Ay Doorteen

0
51

Hargeysa (Hubaal)- Qaar kamid ah dhalinyarada Beellaha Waqooyiga iyo Galbeedka Hargeysa Ayaa xalay kulan ay ku yeesheen magaallada Hargeysa waxaa ay ku soo dhaweeyey suldaan cusub oo ay doorteen dhalinyarada beeshaasi. Dhalinyaradan oo kasoo jeeda Beesha  Sacad Muuse [Baha-sacad] waxa ay xaflad casho sharaf ah ku soo dhaweeyey Suldaan Cumar Xasan Cumar oo ay sheegeen in ay u doorteen in uu noqdo suldaanka dhalinyaraada beeshaasi. Mr. Rooble Maxamed Oo kamid ahaa qabanqaabiyeyaashii kulankan ayaa hadallo kooban halkaasi ka jeediyey waxaana uu u mahadnaqay kasoo qayb galeyaashii waqtigooda  u  huray inay soo dhaweeyaan suldaanka . waxanu halkaasi uga duceeyey suldaanka oo uu illaahay uga baryay in uu noqdo mid dadkiisa isku wada oo xilka ay saareenna u guta sidii loo baahnaa “Casuumadan Cashada ah waxaa aynu caawa ugu talo galnay inaynu ku soo dhawayno suldaanka Baha-sacad [Cabdalla Sacad], Suldaan Cumar Xasan Cumar. Waxaana kulankan iyo cashadan soo qabanqaabiyey dhalinyarada beeshaas”. Sidaa ayuu yidhi.

Waxaa isaguna halkaa ka hadlay suldaanka casuumadda loo sameeyey ee beesha baha sacad Suld. Cumar Xasan Cumar waxaanu yidhi  “waxad tihiin garbahaygii iyo dhaayahaygii, waxaanan aad iyo aad idiinkaga mahad naqayaa sida aad  ii sharafteen, waxaanan leeyahay alla ha idin sharfo. Waxan mar labaad leeyahay walaallahay, ilmaadeerraday, awowyaday iyo inta kale ee I hareersocotaba alla ha idin sharfo ayaan leeyahay if iyo aakhiraba. Anigu hal qoddob uun baan doonayaa inaan ka hadlo; kaasi  oo ah bani aadamka mid waliba taariikh buu leeyahay;  oo maanta waxaad maqlaysaa in Baha Sacad la sameeyey sagaashankii iyo wixii ka dembeeyey, laakiin runtu waxay tahay in ay tahay rukumada uu maanta sacad Muuse ku taagan yahay. Taariikhda lagu sameeyeyna waxaa ay dhacday 1948-kii, Illaahayna raalli ha ka noqdee ninkii taladaas lahaa taariikhdiisii dabool baa la saarayaa, taasin mid uu innaga geyo ma aha” sida aayuu yidhi


vlcsnap-2016-09-21-22h51m28s134
vlcsnap-2016-09-21-22h51m17s20

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here