Hargeysa (Hubaal)-Xubno kamkid ah Mudanayaasha Xisbiga Kulmiye Kaga jira Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Hambalyeeyey Go’aanka Golaha Guuurtidu muddada ugu kordhiyeen Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Golaha Wakiillada oo dhan Sanad iyo Toban Bilood.
Xildhibaanada oo shir jaraa’id ku qabtay Hutel Guled ee Magaalada Hargeysa, isla-markaana tiradoodu koobnayd, ayaa si rasmi ah usheegay inay ku raxsan yihiin Muddo-kodhinta Guurtidu samaysay, waxana ay eedo ujeediyeen Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cirro oo isagu Muddo-kordhintaas Qaadacay.
Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali Bukhari oo isagu ugu horrayn Halkaas Ka Hadlay Hadalkiisa ku bilaabay Hambalyeynta Muddo-kordhinta Cusub, “Waxanu soo dhaweynaynaa Mawqifka iyo Go’aanka Geesinimada leh ee Golaha Guurtidu saaka ku badbaadiyeen oo ay ku sameeyeen Muddo-kordhin aan Tan-dhaaf ahayn oo dalka iyo umadduba ay qaadi karto, taas oo aanu u aragno dan qaran.” Ayuu yidhi Xildhibaan Bukhaari.
Xildhibaanka oo Hadalkiisa sii wata, ayaa Bulshada Caalamka ee Somaliland ka taageerta dhinaca Doorashooyinka ku eedeeyey inay farogelin ku hayaan Arrimaha Doorashooyinka, waxana uu yidhi,
“Bulshada caalamka Somaliland 24-sano ayaa xorriyadoodii kasoo wareegtay aanaan ka helin ictiraaf iyo waxqabad aanay noqonin qaar wax noo yeedhiya oo doorasho aan Wakhtigeedii, xeerarkeedii iyo qorshayaasheedii aan la diyaarin ay sanka nagaga tolaan, waxana aanu u aragnaa inaanay taageerayaal ahayn ee ay faro-geliyaan yihiin oo doonayaan inay Arrimihii Gudaha iyo go’aanadii uu qaadan lahaa Golaha Guurtidu soo farogeliyaaan.”
Mudane Bukhari oo Hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inay Somaliland aqoon u leedahay sida wax ugu hirgeli karaan, waxana uu Hoosta ka xarriiqay inaanay aqbali karin in caalamku yeedhiyo wax aan somaliland dani ugu jirin,
“annagaa naqaanna sida aanu u jimicsanayno iyo sidaa xeerarkayagu yihiin, annaga naqaanna Duruuftayada oo qiimaynayna, guurtidaana Dastuurka u leh, xeerarkayagaya markaanu eegnana go’aanka aanu qaadano inay nagu taageeraan bay xaq noogu leeyihiin, waxana noo muuqata inay arrintan dan kale oo aan somaliland ahayn ay ka leeyihiin,” ayuu yidhi Mudane Bukhaari.
Sidoo kale Xildhibaan Ruush oo isaguna ka mid ah, ayaa sheegay inay Guurtidu yihiin cidda iska leh cayimaadda xilliga Doorashadu dhici karto, waxana uu yidhi,“Guddiga Doorashooyinka qaranku waxay xaq u leeyihiin inay muddo qabtaan xilliga ay haystaan wakhti sharci ah oo ay muddo kudhex qabtaan, Marka aanay haysanna cidda qakhtiga kordhinaysa ee Awoodda lihi waa Golaha Guurtida, waxana uu kordhiyey Muddadii ay isla qaateen Axsaabta qaranka oo ay ku siyaadiyeen afar bilood.”
Xildhibaan Ruush oo Hadalkiisa sii wata, ayaa eedo u jeediyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, waxana uu tusaale usoo qaatay tallaabadii dhawaan Xubno Wakiillada kamid ahi ku damceen inay Kursiga kaga tuuraan, taas oo Guurtidu maslaxad ku dhamaysay, waxana uu yidhi,
“marar badan oo guddoomiye Cirro kursigiisa sifo sharci ah cidhiidhi loo geliyey oo raggii xaqa u lahaa ee shalay doortay doonay inay ridaan Guurtida ayuu ku eertay, isna wuu u sacabinayey waana kuwii badbaadiyey oo xal bay ahayd, waana in sharcigu marka uu ku qabto aan Aqbashaa.”
Xildhibaan Mahdi oo kamid ah Golaha Wakiillada, lagana soo doortay Gobolka Awdal oo isaguna Halkaas ka Hadlay, ayaa sheegay in markasta oo arrimuhu murgaan ay Guurtidu tahay meesha xalka gaadha, waxana uu si gaar ah u sheegay inuu hore u taageeri jirey Guddoomiye Cirro, balse Maanta uu xalka u arko taageero loo muujiyo Go’aanka Guurtida,
“marka ay wax xumaadaan ee doorasho qabsoomi weydaa cidda loo noqdaa waa Guurtida, waana Sharci oo waa Gole Distoori ah, saakana Go’aanka ay soo gaadheen waanu taageeraynaa. Shacabkana waxanu ka rabnaa inay taageeraan oo aynu ilaashano nabadgelyadeena. Annagu markaanu nahay Reer Awdal shalatoone iyadoo golihii Baarlamaanku doonayeen inay Mooshin ku qaadaan waxanu ahayn kuwii kasoo horjeeday ama sharci ha ahaato ama yaanay ahaane, maantana isagoo Guddoomiyihii Golaha Wakiillada ah oo usocda Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga waddani uu yidhaahdo waxanu ku fadhinaa waa sharcidarro, waxanu leenahay waa khalad.” Ayuu Yidhi Xildhibaan Mahdi oo kamid ah Mudanayaasha Golaha Wakiillada.
Xildhibaanno kale oo Halkaas ka Hadlay oo ay kamid ahaayeen Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan ayaa dhamaantood carrabka ku adkeeyey in Go’aanka Guurtidu muddo-kordhinta ku samaysay yahay mid mudan in la Hambalyeeyo.
Mudanayaasha kale ee Kulankaas ku sugnaa ee aan Hadallada jeedin, ayaa waxa kamid ahaa Xildhibaan Cali Marreexaan, Xildhibaan Nac-nac iyo mudanayaal kale oo Xisbiga Kulmiye Taageerayaashiisa kamid ah.
source:himilo