Hargeysa(Hubaal):- Qaar Ka Mid Ah Salaadiinta , Cuqaasha Iyo Wax-Garadka Beelaha Sacad Muuse Oo Maanta Shir Jaraa,Id Ku Qabtay Magaalada Hargeysa Ayaa Waxaa Ay Soo Sareen Baaq Ay Taagero Ugu Muujinayaan Muddo Kordhintii Ay Sameysay Golaha Guuridu,Waxaana Bayaanka Tageerada Ah Ee Ay Soo Sareen Qaar Ka Mid AH Saladiinta Iyo Wax Garadka Beelaha Sacad Muuse Ayaa Waxaa Uu I Dhigaanaa Sidan
U Jeedo: Bayaan Taageero Go,aanka Guurtida
Anagoo Ah Madaxdhaqameedka ,Chief Caaqilada , Cuqaasha , Odayaasha Iyo Wax-Garadka Beelaha Sacad Muuse Waaa Aanu
Maanta Oo Arbaco Ah Bishuna AY Tahay 13.02.2015 Aanu Halkan Aanu Ugu Soo Gudbineynaa Uguna SOo Jeedinaynaa Bulshada Rer Somaliland Iyo Beesha Caalamka Bayaankan Hoos Ku Qoran .
- Waxaanu Taageero Buuxda Ku Taageeraynaa Go,aankii Golaha Guurtida Ee 11.05.2015 Ee Ay Ku Gaadheen Muddo Kordhinta Xukuumada Iyo Golaha Wakiilada Una Kordhiyeen Wakhtiga Muddo Xileedkoogii.
- Waxaa Aanu Ku Bar Bar Taaganahay Kuna Ayid sanahay Golaha Guurtida Awoododa Xaqa Distooriga Ee Ay U Leeyahiin Go,aan Ka Gaadhka Marka Ay Timaado Marxaladahan Oo Kale Dalka Iyaga Oo Ah Haayad Kaliya Ee Distoorka Somaliland U Siiyey Awood Sharci Ah .
- Waxaanu Bogaadin Iyo Hanbalyo U Soo Gudbineynaa Golaha Guurtida J.S.L Go,aanka Ah Mudada Sanadka Iyo Tobanka Bilood Ah Wakhtigaas Oo Aan Ka Fogeyn Mudadii Ay Asxaabtu Hishiiska Ku Ahaayeen Iyaga Oo Eegaya Hawlaha Shaqo Ee Ka Horeeya Doorashooyinka
- Waxaanu U Soo Jeedineynaa Dhamaan Bulshada Somaliland Gudo Iyo Dibadba In Ay Taageeran Kuna Bar-Bar Istaagan Go,aankaasi Guurtida Ee Muddo Kordhinta , Maadama Ay Guuridu Tahay Golaha Mus-Danbeedka Qaranka Somaliland Leeyahay , Ayna Yahiin Golaha Ay Somaliland Dheertahay Umadaha Kale Ee Aduunka
- Waxaanu Cod Dheer Ugu Soo Jeedinaynaa Bulshada Caalamka Iyo Saaxiibada Somaliland In Ay Taageeraan Kuna Bar Bar Istaagan Qaranka Somaliland Ee Mudada Dhawr Iyo Labaatanka Sanadood Ee Ay Jirtay Ku Soo Caano Maashay ,Kuna Hormartay Ee Leh Sharciga Kala Danbeynta Iyo Nidaamka Wadatashiga Leh , Waxaana Aanu Uga DIgeynaa In Aanay Ku Sameyn Faragalin Hanaanka Sharciyeed Ee Dalka U Yaala
- Waxaanu Xukuumada Talada Haysa U Joo Jeedineynaa In Aanay U Daba Fadhiisan Cidna Xaqa Sharciyeed Ee Distuurka Qaranku Dhigaayo , Ilaalinta Iyo Adkeynta Amniga Dalka Idinka Oo KuIdinkoo Ku Kalsoon Ilahay (SWT) Iyo Bulshada Somaliland .
- Waxaanu Ku Boorineynaa Anu SOo Jeedineynaa Asxaabta Qaranka In Ay Dhawraan Una Hogaansamaan Xaqa Sharciyeed Ee Haayadaha Dawlada AY Kala Leeyihiin , Kana Dheeraadan Waxii Abuuraya Fidnada , Dhaawana U Geysanaya Qaranka Curdinka Ah Ee Cadowga Badan Leh , Waa In AY Ka Shaqeeyan Isu Soo Dhawaan Shaha Iyo Isu Tanaasulka Ay Ummadanu Caanka Ku Tahay , Idinoo Eegaya Kuna Hor-Marinaya Danta Iyo Maslaxada Guud Tan Gaar Ahneed.