“qab-qabashada dhalinyarada Jiidali waxay horseed u tahay bilawga kacdoon dhalinyaro (YouthRevolution),waayo ururkii SNM madaxweyne…” DHAGEYSO Dhalinyaro iyo xildhibaano ka dhiidhiyay Xadhiga JIIDALI Oo fariin u diray Xukuumada

0
32

HUBAAL RADIO:Dhalinyarada ku dhaqan magaalooyinka Hargeysa iyo Gabiley ayaa ka hadlay xubno ka mid ahaa dhalinyarada ururka Jiidali oo xalay ciidanka boliiska Somaliland ay xidheen mar ay ku gudo jireen xaflad ay ku qabanayeen hotel Crown ee magaaladda Hargeysa.

“halkan waxaanu maanta u fadhinay shir laga hadlayay horumarinta shanta sano ee soo socota ee Gobolkan,waxa nasoo gaadhay subixii saaka in la xidhay xubnihii shirkan ka dhacaya Gabiley ee horumarinta shanta sano lagaga hadlayay nala waday oo runtii hawlo muhiim ah ay naga xidhnaayeen,baa nu maqalnay in la xidhay,noomay iman oo waxa nalagu yidhi shir ay xalay ka qayb galeen,shirarku waa isku mid oo xaq bay u leeyihiin oo distuurka dalkaa damaanad qaadaya xuquuqda cabirka afkaarta” ayuu yidhi Xamse Cabdiraxmaan Kheyre

Dhalinyaradan ayaa dhamaantood muujiyay sida ay uga soo horjeedaan xadhiga lagula kacay dhalinyarada ururka Jiidali,waxaana ay sheegeen in qof kasta oo muwaadin ahi uu cabiri karo fikirkiisa,kana hadli karo.

“Jiidali Afar qof oo la xidho maaha,Jiidali waa Somaliland oo dhan waxaanan leeyahay madaxweyne Siilaanyo waadigii madaxweyne markaad mucaaridka ahayd meel walba aad ka hadli jirtay cadhaduna waa tii kaa keentay Xasan Rayaale ha dhaco oo uu cadho darteed kuu gooyay magaca madaxweynihii hore ee Daahir rayaale,markaa haddii qofku fikirkiisa sheego ma xadhig baa,waxaan leeyahay madaxweyne ka waantooba oo haku kalifina inta idinla joogtaana inay raacdo” Yuusuf mid kamid ah dhalinyarada deegaanada Hargeysa iyo Gabiley

“qaqabashada dhalinyarada Jiidali waxay horsed u tahay inuu kacdoon dhalinyaro abuurmo(Revolution),waayo ururkii SNM madaxweyne adiguba waad ogayd Afar qof buu ku bilaabmay markii dambena qaqabashada ayaa xoojisay,waad ogayd waagii Siyaad Barre wuxuu lahaa guul wadeyaal,tii oo kale ayuu Siilaanyo-na samaystay waase layska raaci” Maxamed Nuur Mooge oo ka tirsan ururka Jiidali

“waxa la yidhi waxa lagu xidhay dhalinyaradan waa urur Beeleed,dee beelo weynu nahay,anigu runtii ismaan lahayn shir reereed baa laysku xidhi oo xukuumadan shir beeli qabsatay ayaa ceb ka aha ismaan lahayn xukuumadanina tii dadka ku xidhi lahayd shir beeleed-ba maaha” xamse kheyre

DSC02477-vertGUJI HALKAN OO DHAGEYSO WARKAN

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here